HomeMawqifka Xukuumaddu Ma Wuxuu Ka Dhigan Yahay “Somaliland Ilaahay ayaa ka gar...

Mawqifka Xukuumaddu Ma Wuxuu Ka Dhigan Yahay “Somaliland Ilaahay ayaa ka gar daran.. Xukuumada kulmiyana waa xukuumaddii horumarka” (Istaaqfurulaah)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

XamdiWaxaan dhagaystay khudbadii uu ka jeediyay magaalada burco wasiirka Madaxtooyada JSL oo aan ixtiraam iyo kalgacal badan u hayo, kaasoo hadalkiisa oo aan xaraf ka badalnayn u dhignaa sidan: (Sida Abaartan uu Ilaahay inoogu sababay ayuu xanuunkan inoogu sababay…. Ma mudna in aynu siyaasadayno ama in aynu wax ka dayno arrintan…).

Waxaan ka daawaday video-gan channelka aan sida fiican ugu xidhanahay ee Maal Channel ee youtube-ka, waxaana uu cinwaanka video-gani ahaa sidan: (XANUUNKA ALA KEENAY YAAN LA SIYAASADEYN WASIRKA MADAXTOOYADA) aad iyo aad ayaan uga fajacay dhiiranaantan faraha badan iyo dadwaynihii oo aan gabi ahaamba dareen celin ka bixin arrintan.

Markaas waxaan u dhaqaaqay in aan cinwaankan oo ah sida aan u fahmay hadalka wasiirka Madaxtooyada in aan qoraal ku qoro boggayga Facebook-ga anigoo aan cidnaba u nisbayn, iyadoo hadafkaygu ahaa in aan ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay dareenka iimaaneed ee bahda Facebook-ga.

Ilaahay mahadii markiiba waxaan arkay dhaleecayn boqolkiiba boqol eraygan ku saabsan, waana hadafka aan ka lahaa faafinta qoraalkan, oo ah in dadka la tuso fool xumada ay leedahay in laga baxsado guul-darrada ay siyaasiyiintu sameeyaan oo ay Ilaahay (SWT) dusha ka saaraan isagoo ceeb ka nasahan.

Culimadu waxay isku raacsan yihiin in aan Ilaahay (SWT) shar loo nisbayn karin, oo shar kasta oo ka dhaca dunida uu sabab u yahay bini aadamka ficilkiisa khaldan, balse maaha sida uu wasiirku yidhi in Ilaahay (SWT) inoo sababay abaarta iyo xanuunka (Istaqfurulaah).

Haddaba Masuuliyada ugu weyni waxay saaran tahay culimaa’u diinka inay eraygan si midaysan u dhaleeceeyaan siday ugu midoobaan dhaleecayn arrimo aad uga yar (Sida wiilal iyo gabdho dhar xayaysiiyay..iwm).

Fashilaada siyaasadeed ee nidaamka siyaasadeed ee Somaliland iyo la xisaabtan la’aanta shacabka Somaliland waxay maanta keentay in dhamaan dhibaatooyinkan dalka ka dhacay in aanay madaxdu qiran inay lug ku leeyihiin, oo walibana ay Ilaahay (SWT) ku eedeeyaan (Istaqfuru laah), taasina waxay saadaalinaysaa mustaqbalka burbur ballaadhan oo aan la mahadin, haddii aan ka hortag weyn la sii samayn.

Dhinaca qoraalka cinwaanka waxa aan cuskaday fahamkayga ku saabsan nuxurka khudbada wasiirka madaxtooyada, su’aasha kale ee imanaysa ee ah ma dambibaa eraygan, haa, sida ku xusan fatwada nambarkeedu yahay 168785 iyo فتاوى نور على الدرب” (1 /109-111), haddii ay dambi tahay maxaad adigu u soo faafisay, ujeedadu waxay ahayd wax barid si la mid ah sidii uu Nabi Ibraahiim (CS) ugu sheegay qawmkiisii inuu caabuday meere, ka dibna u sheegay inuu caabuday dayaxa, ka dibna u sheegay inuu caabuday cadceeda, sida ku xusan aayadaha 76 – 79 ee suurada Al-Ancaam.

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories