HomeMawqifka Xisbiga WADDANI ee Diiwaangelinta Degmada Buuhoodle

Mawqifka Xisbiga WADDANI ee Diiwaangelinta Degmada Buuhoodle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Waxa bishii 08/15/2015 koomishinka Doorashoyinka oo hor kacaya Guddida Heer Qaran ah ay soo sareen,war bixin ku saabsan safar xaqiiqo raadis ahaa, looguna kuur gelayey meelaha ay Diiwangalinta codbixiyuhu ka qabsoomi karto iyo meelaha culayska siyaasadeed ka jiro.

Waxa war bixintan lagu sheegay meelaha la maray,meelaha aan la marin iyo sababta loo mari wayay oo ahayd xalada nabadgalyada oo aan suure ka dhigayn,waxa kale oo Gudiddasi talo ku soo jeedisay in wax laga qabto deeganada tabashadu ka jirto inta ka horaysa bilawga diiwan galinta codbixiyayaasha.

Waxa hada laga jooga mudadaa gudidu soo saartay war bixinta afar bilood iyo badh,wax dhaqaaqayna ma jiraan ilaa hada oo Xukumadii talada loo gudbiyay wax talaabo ah may qaadin ilaa maanta,wax hada u qorshaysana may sheegin oo ay qaadayso,waxaana muuqata inaanay waxba ka qabanayn arimaha ka tagan DegmoyinkaBuhodle,Badhan,Taleex, Dhahar oo intuba u bahan in durufahooda siyaasadeed wax laga qabto.

Degmada Buhoodle waxay ka mid ahayd meelaha aan gudidu tagin sababo amni awgeed, hadana Xisbiga WADDANI waxa uu aminsan yahay inaanay qayb ka mida Buhoodle hada raaci Karin diiwan galinta ka qorshaysan inay ka bilaamanto bisha JANAWARI badhtankeeda Gobolka Togdheer.

Waxa kale oo Xisbiga WADDANI ka soo hor jeeda,aqbalina Karin in laysku xidho degmada oo dhan oo ay qayb ka mida doorasho iyo diiwaan galin kasta oo wadanka ka qabsonta ka dhici jirtay iyo qaybta kale ee aanay hore marnaba waxba uga suuro galin doorasho iyo diiwan galin midna.

Waxa Xisbiga WADDANI cabsi ka qabaa muwadiniinta u diyaarka ah inay diiwangalinta ka qayb qaatan ee sifo aan sharci ahayn looga joojiyo iyada oo dano siyaasadeed lagu marin habaabinaayo xuquuqdoda is diiwan galineed ,waxa ka iman kara.

Waxay komoshinka doorashoyinku cadeeyen in ay u diyaariyeen agabkii sahlaayay in diiwangalini ka dhacdo Gobolka togdheer dhamaanti, Xisbiga WADDANI isaga oo taa ka duulaya waxa uu aminsanyahay in ay gobolka togdheer Diiwan galintu uga dhacdo si siman oo degmada Buhoodlena ka mid tahay.

Goobaha ka tirsan Degmad Buhoodle ee aanay hada suuro gal ka ahayn inay raacdo dagmeda qaybteeda kale,waxaanu ogolahay in dib loo dhigo ilaa inta laga sugaayo amaanka,lana raaciyo meesha ay ku soo beeganto gobolada ugu danbeeya xiliga diiwan galinta sida Sanaag ama Sool.

Waxa Xisbiga WADDANI u arkaa sharci daro in laba muwadin oo midna diidanyahay diiwan galinta midna ogolyahay laysku xidho,muwadinkii diyaarka u ahaa diiwan galinta lagu yidhaa sug inta muwadinka kale ogalaanayo diiwan galinta.

Komoshinku waxay u xilsaranyihiin in ay diiwan galiyaan muwadin kasta oo diyaar u ah in loo diiwan galiyo ka qayb qadashada Doorashoyinka kala duwan sida uu dhigayo Xeer 37 Qodbkiisa 25 aad , hadii aanay sifo sharciya oo u diidasana jirin.

Xisbiga WADDANI waxa uu u arkaa soo jeedinta xukumada ee ah in Degmada Buhoodle dhamaanteed lays wada raciyo mid diidan iyo mid ogolba Diiwan galinta codbixiyayaasha , lagana joojiyo wakhtigan ay ka bilaamayso gobolkay ka tirsanayd ee Togdheer,soo jeedin aan sharici ahayn xad gudubna ku ah muwadiniin u diyaar garoobay inay is diiwaan galiyaan.

 Xisbiga WADDANI waxa uu aaminsan yahay in Diiwan galinta laga fuliyo goobaha Buhoodle ka tirsan ee ay ka qabsoomi karto diiwan galintu horena uga qabsoomen doorasho iyo diiwangaliniba (qori lugud iyo wixii raacaba) iyo in dib loo riixo meelaha aan hada wakhtigan raaci Karin degmada inteeda kale.

Xisbiga WADDANI waxa u muuqata shaqadii ay ka gaabisay Xukumada hada talada haysa ee ahayd soo afjarida tabashooyinka degmoyinka qaar ee bariga Sanaag , Sool iyo Buhoodle inay ku doonayso ama marmarsiinyo ka dhiganayso ay ku wiiqdo geedi socodka diiwangalinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinka wadanka laga qorshaynaayo inay ka qabsooman.

Xisbiga WADDANI isaga oo xishmad iyo qadarinba u haya komoshinka dorashoyinka qaranka Somaliland,iskana ilaaliya in wax mad madaw ah soo kala dhex galo,waxa uuga digayaa komoshinka inay ku dhacan dabin ay soo qorshaysay xukumada talada ahaysa oo ay ku hagardamaynayso qaab socodka diiwan galinta codbixiyaha iyo dorashoyinka.

 

ALLAH MAHAD LEH

Md. Maxamed Cabdillahi Uurcade

XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA WADDANI

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories