HomeMawqifka Suldaan Cabdirisaaq Oo La Wada Sugayo: Cuqaasha Subeeriyada Oo Maanta Saxaafadda...

Mawqifka Suldaan Cabdirisaaq Oo La Wada Sugayo: Cuqaasha Subeeriyada Oo Maanta Saxaafadda La Hadlaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)- Suld. Cabdirisaaq Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa la wada sugayaa, lana eegayaa mawqufka uu kaga jawaabo xiisada ka taagan Suldaankii guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, oo ay kooxo is urursaday sheegeen inay xilkii ka qaadeen, iyagoo u doortay bedelkiisa Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan, oo ay ilmaadeer yihiin Suldaan Xasan.

Arrintan oo magaalada Hargeysa laga dareemayo xiisadeeda, ayaa waxa la sugayaa inuu mawqifkiisa cadeeyo Suldaan Cabdirisaaq oo ah ninka leh dhaxalka saldanada Subeer Awdal oo isagu hore u cadeeyay inuu walaalkii Suldaan Xasan u wakiishay inuu u sii hayo Saldanada faca weyn ee Subeer Awdal.

Suldaan Cabdirisaaq, ayaa inkastoon war rasmi ah laga haynin, haddana wararku waxay sheegayaan inuu la mawqifyahay walaalkii Suldaan Xasan islamarkaana uu diyaar u yahay inuu difaaco kursiga Saldanada ee uu hore uga sii wakiishay walaalkii.

Waxaanay wararku intaas ku darayaan in Suldaan Cabdirisaaq oo qorshaystay inuu Hargeysa yimaado uu hadda wakhti kooban baaqday, ka dib markii ay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Subeer Awdal ka dalbadeen inuu dib u dhigo safarkiisa, bedelkiisana ay iyaguna maanta muujiyaan mawqifka ay ka taaganyihiin arrintan cusub ee lagu sheegay in xilkii laga qaaday Suldaan Xasan islamarkaan lagu caleemo saaray Suldaan Maxamed.

Madaxdhaqameedkan ayaa la filayaa inay maanta qabtaan kulan saxaafadeed ay ku iftiimin doonaan mawqifkooda islamarkaana ay ku cadayn doonaan inay ka soo horjeedaan in la farogeliyo saldanadaas.

Suldaan Xasan, ayaa u muuqda inuu qaatay go’aan ah inaanu isagu arrintan ka hadal, balse uu u daayo walaalkii Suldaan Cabdirisaaq iyo madaxda dhaqanka ee kale ee taageersan.

Geesta kale, rayul caamka ayaa u muuqda inay intooda badani mawqif isku mid ah kaga jawaabtay arrintan taas oo ah inay dadka badankiisu ka soo horjeedaan waxa loogu yeedhay xil ka qaadista loogu sameeyay Suldaan Xasan, waxaanay dad badani aaminsanyihiin in arrintani haddii aan halkeeda lagu bakhtiin ay noqon karto jid furma oo hadba si fudud loogu tijaabiyo madaxdhaqameedyo kale.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories