HomeMawax tarbaa mise waa wax yeelo‏

Mawax tarbaa mise waa wax yeelo‏

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 Qalinkii liibaan xaaji fagadhe  

                                    11/04/2013

 

Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye

Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e

Waxse kadabkii go’ay maalintuu kaday raggiisiiye

Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

 

Akhriste  Qormooyinkaygani  waa hogol-tusaaleyn ,uhiilisa dadka loo awood sheegto,waa hub aan ka horgeynaayo  qofkastoo ku howlan heyb kalsooc,waa holac lagu gubaayo dulmiga,waa mid hareer taagan halyeyga ,waa mid u hadleysa  hooyadii hanadkeeda weydey ,waa mid hal u odhaneysa umadan la heerey ,waa mid halgamayaasha ubadkii ay dhaleen hanti aan ugu deeq.
Umadi waxay gadoodaa,gilgilataa,gobo’da ka dashaa markay arkaan gaabis iyo gumaad ,waxay gartooda naqsadaan markaan arkayaan garowshiiyo .Shacbiga reer somaliland waa nasab aan naxli laheyn waa dad jecel nabada ,xiligii aynu ka soo horjeesaney taliskii xumaa ee macangaga ahaa waa kuwii dhalan dhoolka galey waa kuwii gaajada,haraadka,omoska iyo silica ugaley inay helaan cadaalad iyo sinaan  waxay ka biyo diideen dulmigii  iyo dhibaatadii laga galabsadey ,shacabkani waa damqanayaa wuxuuse uu uduluubayaa wadaninimada waxaanu daneynayaa qaranimada wuxuuna isku dayayaa inuu duruuf kasta u adkeyso.
Maareeyaha t v ga qaranka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta oo labadooduba wax aan dhibaato ahayn aan ula iman guud ahaan wasaardda warfaafinta iyo shaqaalaheeda, ayaa hadana talaabo kasta oo ay qaadaan ay tahay mid noqonaysa fool xumo iyo dhabar jab lasoo darsa shaqaalaha sharafta badan ee ka hawl gala guud ahaan qeybaha wasaaadaasi, hadaba hadii aynu is dul taagno qodobka maqaalkan aynu kaga hadli doono waxa  dhawaan wasaaradda warfaafinta ka dhacday xaflad qabashadeeda la sugayay mudo sedex bilooda taas oo ku saabsaneyd ku dhawaaqida tartan maareeyaha t v gu uu ku sheegay markii uu mudo gaaban xilkaasi hayay in uu ku doonyo barnaamijyo documantari ah oo cida soo samaysa mid fiican ama sedexda ugu fiican uu ku bixin doono abaal marin.
Waxaana dhacday in maareeyuhu isagoo ka booday jaran jaradii maamul ahaan loo mari lahaa fulinta hawshaasi oo ahayd in tartanka uu baahiyo madaxa barnaamijyada t v ga oo ah waayo arag mudo sodon sano ah kazoo shaqaynayay wasaaradaasi waa xuseen cabdlaahi deeqsiye in maareeyuhu uu cid kastoo uu l kulmay isagoon kala garnayn xitaa shaqaalaha t v ga iyo waxyaabaha ay kala qabtaan ayaa uu cid kastoo u tagtay uu u diray barnaamij waxaana dhacaday in cidii rabtayaba ay samayso barnaamij islamrkaa markii la dhamays tiray lagu hungoobay in la helo natiijadii ka soo baxday waxaana dhacday in maareeyaha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafintu in labo todobaad ka hor in ay xaflladii ay qabteen islamrkaana ay hakaaasi hadalo iyo khudbado ay ka jeediyeen balse aqoon darada midhihii ka soo baxay xafladii mudada la sugayay ay noqdeen kuwo laga naxay oo sababay calool xumo kala dhex gashay shaqaalaha walaalaha ah ee ka hawl gala wasaarada kuwaasoo hawl kasta oo ay qabanayaan u qabta si wada jir maadaama shaqada waraabihntu ay tahay mid wada jir loo qabto [team work].
Masuuliyiin taasi taaga is xil qaamay ayaa aqoon darada ka haysta xilalka culus ee loo igmaday ay keentay in halkii ay ka bixin lahaayeen dhiiri galin ay ka bixiyeen niyad jabin shaqaale. Waxaanay kaliya abaalmarin iyo shahaado ay siiyeen weriyihii kaliya tabinayay barnaamijyada ay kala siiyeen sedexda kaalmood ee ugu sareeyay iaygoo weryenimada u haystay in uu yahah kaliya ka la arko ee wax akhriya [presenter] waxaana dhacday in mashaakil weyni uu ka dhaco markii weriyihii barnaamijka soo saaray , kii mawduuca laga hadlay soo qoray , kii kamarada wax ku duubay, kii sawirada loo baahnaa soo saaray ama keenay iyo kii dhamaan quruxda iyo qiimaha barnaamijkaasi sameeyay ee ku idho madoobaaday oo ah farsamo yaqaankii gabi ahaan masuuliyiin taasi ay ka tageen islamrakaana aaany xitaa soo hadal qaadin waxaana dhici gaadhay in ay isku dhacaan inamadii soo saaray baranaamijyada iyo cid kastoo la soo shaqaysay  arintan ayaa ah aqoon darada haysata masuuliyinta dhawaan loo magaacabay guud ahaan wasaarada warfaafinta .

 

 

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne

Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay

Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye

Kashib dhaha Adoomahoow naftii kii ladnaa gadaye. 

 

Liibaan

Lasoco…………..

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories