HomeMasuulkii Saddexaad oo todobaad Gudihii Iska Casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo bilowga...

Masuulkii Saddexaad oo todobaad Gudihii Iska Casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo bilowga Dil-dilaaca Garabyada Xukuumadda Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Wershadaha ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Abiib Diiriye Nuur, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkaas, kaddib markii sida uu ku dooday taladii hoggaamineed ee madaxweynaha ay maroorsadeen shakhsiyaad uu ku tilmaamay inaanay taariikh ku lahayn Xisbiga Kulmiye iyo halgankii ay u soo mareen hanashada hoggaanka Dalka.

Abiib Diiriye Nuur, waxa uu sheegay in is-casilaaddiisu xidhiidh la leedahay digreeto xambaarsan Isku-shaan-dheyn, xil-ka-qaadis iyo Isku-beddel madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey golihiisa Xukuumadda, gaar ahaan xilka Wasaaradda Maaliyadda ee laga beddelay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo madaxweynuhu u magacaabay wasiirka Waxbarashada, kaddib markii wasiirkii Wasaaraddaas Marwo Samsam Cabdi Aadan loo magacaabay Wasaaradda Maaliyadda. Haseyeesheee Cabdicasiis Samaale waxa uu ku gacan-saydhay go’aankaas madaxweynaha waxaanu sheegay inaanu qabanayn xilkaas iyo xil kale oo madaxweynuhu uga magacaabo xukuumaddiisa.

abiibWasiirka Wershadaha Abiib Diiriye Nuur oo ay Isku-siyaasad yihiin Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale isla markaana ay ka soo wada-jeedaan gobolka Gabiley, ayaa mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey Hargeysa, waxa uu shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu hayey, isaga oo sheegay inay iraan dad maroorsaday awoodda madaxweynaha oo sababna u ahaa xilka laga wareejiyey Wasiirka Maaliyadda.

Abiib Diiriye Nuur, ayaa noqonaya Masuulkii saddexaad ee muddo todobaad gudihii iska casila Xukuumadda Siilaanyo, waxaana ka horeeyey La-taliyihii Madaxweynaha ee Dadka La hayb-sooco oo shalay ku dhawaaqay inuu is-casily iyo sidoo kale Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo isaguna todobaadkan horaantiisii Iska casilay xil madaxweynuhu u magaacabay kaddib markii uu madaxweynuhu ka beddelay xilka wasaaradda Maaliyadda oo uu hayey.

Abiib Diiriye Nuur oo ka tirsan Rukunnada Xisbiga Kulmiye, ayaa muddadii Xukuumadda Madaxweyne jirtay tirada Saddex xil oo kala duwan soo qabtay, isaga oo markii ugu horeysay Noqday La-taliye Madaxweyne, waxa kale oo uu noqday Wasiirkii saddexaad ee loo magacaabo Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo sidoo kale Wasaaradda Wershadaha oo uu ka noqday Wasiirkii ugu horreeyey kaddib markii madaxweynuhu tirada Wasaaradaha Xukuumaddiisa uu ku kordhiyey Wasaaradda Wershadaha oo aan hore ugu jirin.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID EE ABIIB DIIRIYE NUUR.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories