HomeMasuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo Soo Bandhigay Wax-qabadkooda iyo Fadeexado musuq oo Hanti...

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo Soo Bandhigay Wax-qabadkooda iyo Fadeexado musuq oo Hanti lagu lunsan jiray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta, Wacyigelinta iyo dhaqanka Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf iyo Maareeyaha TV-ga qaranka Md Khadar Cali Gaas ayaa maanta si wada jir ah uga warbixiyey arrimo ku saabsan heshiisyo ay wasaaraddu kula jirtay Shirkado kale oo qaarkood dib u eegis lagu sameeyey iyo talaabooyin horumar ah oo dhinaca Idaacadda iyo Telefishanka ah.

Maareeyaha Tv-ga Qaranka Md Khadar Cali Gaas ayaa ka warbixiyey waxqabadkii TV-ga Qaranka ee mudadii uu xafiiska joogay, waxana uu tilmaamay in la tayeeyey dib u habayna lagu sameeyey barnaamijyada TV-ga , halka sidoo kalena lagu soo kordhiyey labo Studio oo cusub oo laga kala furayo dhowaan dalalka Sweden iyo Maraykanka, kuwaasoo loo dhamaystiray qalabkoodii.

WarfaafintaMd. Gaas waxa uu caddeeyey in ay joojiyeen heshiiskii hore ee shirkadda THAICOM oo lacag aad u badan oo aanu Dalku awood u lahayn ay ku bixi jirtay, isla markaana ay heshiiskii cusboonaysiiyeen ka dib markii wax ka beddel lagu sameeyey, lagana saaray gacan saddexaad oo ku dhex jirtay. “Waxaanu qaranka u badbaadinay oo aanu joojinay lacag badan  oo Satellite-ka lagu lunsan jiray, lacagtaas oo ahayd mid aynaan qaran ahaan qaadi karin, waxaanu dib u samaynay heshiis cusub oo u dhaxeeya dawladda Somaliland iyo shirkada THAICOM. Hedhiiskaas hore ee qaranka dhibta ku hayay waxa saarnayd oo ka badbaaday $24,000 oo Dollar, halka lacagta shaqaalaha dibadda lagu lunsan jiray lacag dhan $ 13000. Lacagta aanu miisaniyada ka reebanay ee shaqaalaha dibadda lagu lunsan jiray waxay dhan-tahay $ 240,000, lacagtaasi waxay ahayd tii khilaafka badani ka dhashay ee aad inta badan maqasheen”

Lacagahan Maareeyaha Tv-ga qaranku soo bandhigay ayaa ah lacagihii uu baadhaayey hanta-dhowrka guud ee qaranka Somaliland, taasi oo ka mid ah waxyaabihii keenay xadhigii agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Tv-ga qaranka oo sabab u ahayd murankii keenay xil ka qaadistii Wasiirkii hore ee warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf ayaa isaguna ka hadlay talaabooyin ay u qaadeen dhinacyada isku xidhka waaxyaha wasaaradda iyo shaqaalaheeda.

Md Jibriil waxa uu sheegay in si guud loo tayeeyay dhamaan baahinta ka baxda Idaacadda iyo Television-ka Qaranka, kulamo xidhiidh ahna ay la yeesheen shaqaalaha si loo dardargeliyo shaqada ay wasaaraddu u xilsaaran tahay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories