HomeMasuuliyiinta wasaaradda Kalluumaysiga oo hortagay guddiga Joogtada ee Guurtida

Masuuliyiinta wasaaradda Kalluumaysiga oo hortagay guddiga Joogtada ee Guurtida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarrada Kalluumaysiga Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarradaas ayaa maanta hortagay isla markaana xog-waraysi shaqadooda khuseeya siiyey Guddiga Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland.
Guddoomiyaha Guddida joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland Muxumed Aw Axmed ayaa ugu horeyn waxa uu Wasiirka ku soo dhaweeyey inuu xog-warran faah-faahsan ka siiyo hawlaha shaqo ee ay Ummadda u hayaan Wasaaradaasi iyo halka ay hadda wax u marayaan si ay Guddida joogtadu macluumaad sax ah uga qaadato hawlaha wasaaradaas oo dhammaystiran, isla markaana waxa uu ku war-geliyey in markaas ay Xidhibaanadu Su´aallo waydiin doonaan.
Wasiirka Wasaarrada Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), waxa uu sheegay in Wasaarrada Kalluumaysigu ay Qaranka kaalin muhiima ugu jirto, isla markaana ay ka mid tahay Wasaarrada ugu horeeya xagga wax soo saarka, isagoo ka dhawaajiyey in markii uu yimid Wasaarrada Kalluumaysig uu buuq badani ka jiray, hase yeeshee uu ku guulaystay inuu arrintaas ka dhameeyo.
Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu daboolka ka qaaday in qaab dhismeedkii hore ee Wasaarradaaas ay wax badan ka badaleen, isla markaana ay dardar-gelin ku sameeyeen wax soo saarka Kalluunka oo uu sheegay inaanay markii hore Bulshada reer Somaliland wada fahamsanayn faa´iidooyinkiisa, waxaanu carabaabay inay hadda ku hawlan yihiin sidii ay suuqyo dibadeed oo Kalluunka loo dhaafiyo u yeelan lahaayeen, waxaanu yidhi “Ruqsadaha maraakiibta waanu adkaynay, inkastoo Xukuumaddu u baahan tahay Dakhli, haddana ilaa 25 Markab ayaa hadda aanu siinay Ruqsada, waxaana Baddeena hada ku jira Laba Markab oo kaliya. marka la eego dhinaca Wasaarrada waxaanu u samaynay qaab dhismeed cusub.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarrada Kalluumaysiga Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire
Wasiirka Wasaarrada Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), waxa uu sheegay in Kalluumaysigu uu dalka soo geliyo Dakhli aad u badan, waxaanu yidhi Dakhliga Sannadkan, Sagaal bilood u soo xerooday waa Slsh 1, 082,364,000. Dakhligaasi waa inta ka soo Xerootay Kalluumaysiga Maraakiibta oo kaliya, hase yeeshee waxa jira Malaayiin Shallinka Somaliland ah oo ka soo Xeroota Laysamada, diwaangelinta Shirkadaha. isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ Magaalada Hargaysa waxa maalintii lagu isticmaallaa 3,3.5 Ton, halka Magaalada Burco lagu isticmaallo 1,5 Ton, hase ha ahaatee labadaas Magaalo waxa ay maalintii isticmaali karaan Kalluunkaas ka badan oo u dhigma ilaa 10 Ton, balse Kalluunka soo galaya ayaa ku yar.” ayuu yidhi Wasiirka kalluumaysiga Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire.
Wasiirku waxa kale, oo uu sheegay in Suuq baaxad leh uu uga banaan yahay Wadanka aynu jaar nahay ee Ethiopia, kaasoo uu sheegay inay Mustaqbalka waddaan qorshe loogu dhoofinayo Kalluunka iyo Milixda.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories