HomeMasuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Macalimiinta Dugsiyada Qur'aanka ee...

Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka ee Caasimadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Aadan Cabdilaahi Cabdalla, ayaa tabobar u soo xidhay Kun Macalin oo ka tirsan Bareyaasha ka hawl-gala Madarasadaha lagu barto Xiftiga Qur’aanka Kariimka ah ee dalka.

Tabobarkan oo ay bixinaysay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo in muddo socday, ayaa macalimiintu ku qaateen casharro ku saabsan qaabka ay ardayda ugu gudbinayaan Manhaj cusub oo Wasaaraddu u diyaarisay Madarasadaha Barashada Qur’aanka Kariim ah iyo Tarbiyadda Ubadka.

blankWasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, ayaa 20-kii July ee sannadkan soo bandhigtay Manhaj loogu talo-galay in lagu mideeyo Waxbarashada Madarasadaha Qur’aanka Kariimka ah, kaas oo Wasaaraddu in muddo ah ku hawlanayd diyaarintiisa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Aadan Cabdilaahi Cabdalla oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey Siyaasadda Wasaaradda ee ku wejahan midaynta Manhajka Waxbarasho ee Madarasadaha Qur’aanka iyo tayaynta macalimiinta ka hawl-gala.

“Tabobarkan oo in muddo ahba socday, waxa bixinayey Maxadka tabobarka Macalimiinta iyo Imaamyada Masaajiddada ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta oo la aasaasay sannadkan, waxaana loogu talo-galay in lagu tayeeyo macalimiinta, maamuleyaasha madaarista Qur’aanka iyo Imaamyada iyo Mu’addimiintaba maadaama oo wasaaraddu masuul ka tahay arrimaha Diinteenna suubban.

blankWasaaraddu waxay tabobarkan ugu talo-gashay in macalimiinta lagu tabobaro qaabka ay u dhigayaan Manhajka oo ay fekrad guud ka qaataan. Waxaanu ugu talo-galnay  in 7 Kun oo Macalin oo dalka oo dhan ah la guddoonsiiyo shahaadooyin dhammeystiran oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta, taasna waxaad ka garanaysaa muhiimadda aad leedihiin macalimiin iyo maamul ahaanba.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu macalimiinta iyo Ardaydaba u leeyahay tabobarka oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee ay qaataan bareyaasha ka hawl-gala Madarasadaha lagu dhigo Qur’aanka Kariimka ah.

“Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaaftu waxay Madarasadaha Qur’aanka Kariimka ah u diyaarisay Manhaj tilmaamaya sidii Ilmaha yar ee gacanta lagu hayaa u noqon lahaa Ilme yar oo ku barbaara Illaahay Kitaabkiisa iyo Qawlkiisa isla markaana la helo macalin ku habboon oo u dhigi kara.

blank“Manhajkan oo diyaarintiisu muddo badan nagu qaadatay, waxaanu ku doonaynay inaanu ku midayno Waxbarashada Aasaasiga ah ee malcaamadaha Qur’aanka Kariimka ah oo sidii ay hore u ahayd wax iska beddelaan si Macalinka iyo ardayguba ay fursad u helaan oo ardaygu uu madarasad ka soo beddelan karo, halkii uu marayana looga bilaabi karo maadaama oo aynu haysanno manhaj midaysan,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, isagoo halkaas ka sheegay inay wasaarad ahaan sii wadayaan tabobarka macalimiinta Madarasadaha Qur’aanka, kuwaas oo uu ugu baaqay dhammaantood ka faa’idaystaan tabobarrada.

Gebo-gebadii munaasibadda, waxa uu Wasiirku shahaadooyin ka tarjumaya inay tabobarka dhammaysteen ku guddoonsiiyey macalimiinta Madarasadaha Qur’aanka Kariimka ah oo muddo dhowr maalmood ah ka faa’idaystay casharro iyo duruus ay bixinayeen culimo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories