HomeMasuuliyiinta Wasaaradda Beeraha oo ka hadlay Kooxo u baxay Xakamaynta Ayax ku...

Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha oo ka hadlay Kooxo u baxay Xakamaynta Ayax ku habsaday Deegaano ka mid ah Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa kooxo u dirtay xakamaynta Ayaxa ku habsaday deegaano ka mid ah beeraha dalka, iyada oo ay masuuliyiinta wasaaradda Beeruhu faahfaahin ka bixiyeen kooxahan ay u direen xakamaynta Ayaxa.

Sunta AyaxawWasiirka Wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole)   ayaa mar uu maanta  Warbaahinta magaaladda Hargeysa kula hadlaayey waxa uu sheegay in Ayaxu uu  Beeraleyda dalka dhibaato weyn ku hayo, isla markaana ay ay si deg dega ugu direen Kooxo buufin doona Cayayaanka Beeralayda Xaalufinta ku haya.

Prof : Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole)  waxa uu hadalkiis ku bilaabay “ Waxa aan halkan uga sheegayaa umadda in Ayaxa oo runtii dhibaato weyn dalka ku haya oo saakaddan laga soo sheegay ilaa Deegaanka Ceeldaraad ilaa Lughaya ay Kooxdii ugu horeysay maanta u baxayso si looga hortago khatarta Ayaxa uu beeralayda u keenayo,isaga oo Team-kaasi ka kooban Hay’addaha CLS iyo DRC labadaasi Hay’addood oo ah kuwa ku shaqada leh arimaha Ayax la dagaalanka oo midna Xarunteedu tahay magaalada  Rome ee dalka Talyaaniga, midna xarunteedu Adisababa tahay”

Wasiir Geedoole oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaadi raaciyey “Hawshani waxa iska kaashaday Wasaaradda Beeraha ee Somaliland, labadaasi Hay’addood iyo Hay’adda FAO a y wada wadaan, runtiina maanta ayaa loo baxayaa meelahii uu Ayaxaasi ka jiray oo maynaan gaadhin marxalad Diyaarad la isticimaalo oo waxa weeyaan Wakhtigan Xoolaheenii oo dhan ayaa Xeebta jooga waxana aanu ka baqanay in waxyeelo iyo dhibaato ay Kiimikaashaasi u keento Xoolaha, marka imika waxa aanu isticimaalayna daawadda la yidhaahdo (Best Sides) oon khatar ku ahayn Deegaanka oo hada Kooxaha ayaa baxaya oo Ishaalaahu xaga Deegaanka Lughaya ayey ka soo bilaabayaan oo Ayaxu aad iyo aad ugu badan yahay marka danbena xaga Bariga ayey u kici doonaan taas ayayaan ogaysiinayaa umadda”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo isna ka hadlay arintan Ayaxa ayaa sheegay inay kooxahan ay u dirayaan la dagaalankiisa ay rajaynayaan inuu wax badan ka qabto sidii loo xakamayn lahaa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories