HomeMasuuliyiinta Warfaafinta Oo Booqasho Ugu Tegay Abwaan...

Masuuliyiinta Warfaafinta Oo Booqasho Ugu Tegay Abwaan Sooraan Oo Xanuun U Jiifa Cusbitaalka Ku Yaalla Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Abwaan SooraanHargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta  ugu  saraysa  wasaaradda  warfaafinta,   dhaqanka iyo wacyigelinta ee  Somaliland ayaa shalay booqasho ugu tegay  Seekh C/laahi Diiriye Sooraan oo muddo dheer si weyn uga dhex muuqday fanka Soomaalida oo  xanuun dhawaan ku soo booday u jiifa cusbitaalka  ku yaalla magaaladda Hargaysa.

Masuuliyiintaasi oo kala ahaa Wasiirka warfaafinta  C/laahi Maxamed  Daahir (Cukuse), wasiir ku xigeenka Shugri Xariir Ismaaciil iyo agaasimaha guud Maxamed Cilmi Aadan (ilkacase),  ayaa halkaasi   ugu  duceeyay Sheekh Sooraan, iyagoo ILLAAHAY uga baryay in uu ka caafimaadkiisii u soo celiyo.

Wasiirka Warfaafinta   C/laahi Maxamed  Daahir (Cukuse),  ayaa si kooban uga waramay  doorkii uu Sheekh C/laahi Diiriye Sooraan ku soo dhex  lahaa fanka iyo suugaanta Soomaalida, isagoo dhinaca kalena wasiirku   ILLAAHAY uga baryay Sheekh Sooraan iyo dhammaanba ummadda  islaamka  ah  ee xanuunsanaysa  in uu caafimaad sareecan ah siiyo fadliga bisha barakaysan ee ramadaan awgeed.Waxaanu  yidhi “Sooraan, waa abwaan weyn, waa fanaan,  waa Sheekh imika, wuxuuna ka mid yahay culimadda waa weyn. ILLAAHAY waxaanu uga baryaynaa   xanuunkaasi kediska ah ee ku yimid, halyeygeenaasi  magaca bulshadda ku dhex lahaa,   in uu caafimaadkiisii u soo celiyo.”

Waxaanu intaasi ku daray. “Waxaanu ka baryaynaa ILLAAHEENA macbuudka ah ee weyn  in uu abwaankeenaa iyo inta kale ee jilicsan ee bugtaba fadliga  bisha barakaysan ee  Ramadaan ILLAAHAY in uu caafimaadkoodda u soo celiyo, inta kalena uu caafimaadkoodda u sii wanaajiyo, intii dhimatayna uu u naxariisto. ILLAAHAY waxaanu ka baryaynaa in uu isaga iyo intii kale ee bugtaba caafimaadkoodii u soo celiyo”

Sheekh C/laahi Diiriye, ayaa dabayaaqadii bishii hore  uu xanuun ku soo boodo ahi ku dhacay, kaasi oo ka haleelay Lug iyo gacan iyo madaxa.  iyadoo markaa wixii ka danbeeyay uu ku jiro xaalad miyir-doorsoon ah, isla markaana la jiifiyay cusbitaalka la yidhaahdo Hargeisa Neurology oo ku yaalla magaaladda Hargaysa, halkaasi oo lagu daaweynayo.

Dhinaca kale Sheekh C/laahi Diiriye, ayaa ka mid ahaa  ragii kaalinta weyn iyo doorka muuqda ka soo qaatay hal-abuurka, fanka iyo masraxiyadda Soomaalida, oo uu muddo dheer ku soo dher jiray, hase yeeshee Sheekh Sooraan ayaa  dhawr iyo tobankii sanadood ee u danbeeyay u leexday  dhinaca diinta, isla markaana waxa uu hadda  Mu’adin ka ahaa  masaajidka loo yaqaano   Nakhiil  oo ku yaala badhtamaha  caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Sheekh Sooraan, ayaa mudadii uu fanka ku jiray waxaa uu hormood ka ahaa raga hibooyinka badan  ee dhinaca fanka ah  isku darsaday, sida in uu heesaha ku luuqeeyo, curinta heesaha iyo riwaayadaha, jilista riywaayadaha. Isagoo curiyay heeso aad u badan iyo dhawr riwaayadood oo ka mid ah kuwa sida weyn u caan-baxay  bulshadda Soomaalidda dhexdeedda.

Waxaanu hal-abuuray heeso badan oo ka mid ah kuwa loogu jecel yahay dhegaysigoodda guud ahaanba geyiga Soomaalida, sidoo kale waxa uu Sheekh  Sooraan sameeyay riwaayado aad u can-baxay oo ka  hadlaya qisooyin dhab ah iyo waxyaabo waaqici ah. Iyadoo ay aad u badan yihiin heesaha iyo riwaayadaha uu leeyahay Sheekh C/laahi Diiriye Sooraan.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories