HomeMasuuliyiinta Wakaaladda Wararka Ee Associated Press-Oo Ka Hadlaya Labada Wariye Ee Shalay...

Masuuliyiinta Wakaaladda Wararka Ee Associated Press-Oo Ka Hadlaya Labada Wariye Ee Shalay Lagu Weeraray Afghanistan

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

New york (SLPOST) :- Mas’uuliyiinta Dalka Afghanistan Ayaa Sheegay In Askari Booliska Ka Tirsan Uu Toogtey Laba Dumar Ah Oo Weriyeyaal Ajnabi Ah,

slpost

Oo Midi Ay Dhimatey, Mid Kalena Uu Dhaawac Soo Gaadhey, Iyaga oo Waddankaasi Shacabka Ku Nool Ay Maanta Udareereen Doorashada Madaxweynaha.

 Weriyaha Dhimatey Ayaa Magaceeda Lagu Sheegay Anja Niedringhaus, Oo 48 Jir Ahayd, Una Dhalatey Jarmalka, Waxayna U Shaqeyneysey Wakaaladda Wararka Ee Associated Press.  Weriyaha Kale Oo Iyana Xaaladdeeda Ay Wanaagsan Tahay Markii Laba Jeer La Toogtay.

Mas’uuliyiinta Ayaa Sheegay In Dhacdadaasi Kadib, Sarkaalkii Booliska Ee Toogashada Geystey Lagu Xidhay Saldhig Boolisku Ku Leeyihiin Gobolka Khost Ee Bariga Dalka Ku Yaalla.

Wakaaladda Wararka Ee The Associated Press Ayaa Sheegtay In Labada Weriye Ay Ku Safrayeen Kolonyo Gawaari Ah Oo Ay Wateen Shaqaalaha Doorashada Oo Agabka Doorashada Ka Soo Qaadey Badhtamaha Magaalada Khost, Isla Markaana Geynayay Goobo Ku Yaalla Duleedka Magaalada Markii La Weerarey.

Iyaga oo Gaadhigooda Ku Jira, Sugayana Inay Dhaqaaqaan, Ayaa Taliye Unug Oo Ka Tirsan Booliska Uu U Dhaqaaqey Dhanka Gaadhiga Weriyeyaasha, Isaga oo Ku Qaylinaya “Allahu Akbar” Kadibna Uu Rasaas Oodda Kaga Qaaday Weriyeyaasha.

Niedringhaus Ayaa Isla Goobta Ku Qur Baxdey, Halka Gannon Lagu Soo Waramayo Inay Ku Jirto Xaalad Deggan.

Tifaftiraha Sare Ee AP, Kathleen Carroll Ayaa Magaalada New York Ka Sheegtay In “Anja Iyo Kathy Dhowr Sannadood Ka Wada Shaqeynayeen Afghanistan, Iyaga oo Ka Soo Waramaya Dagaalka Halkaa Ka Jira Iyo Nolosha Dadka Intaba..”

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland/Office

A/kadir Askar

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories