HomeMasuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxay Ka Yidhaahdeen Biyo La'aanta Caasimadda?

Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxay Ka Yidhaahdeen Biyo La’aanta Caasimadda?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Wakaallada Biyaha HargeysaHargeysa, (SLpost)- Maareeye ku xigeenka Wakaaladda biyaha Hargaysa Cismaan Cabdilaahi Hirad,  ayaa sheegay in biyo yaraanta baahsan ee maalmahan ka jirta magaaladda Hargaysa ay sabab u tahay  Ceelashii biyo laga soo saari jiray  oo ay biyahoodu yaraadeen iyo abaaraha ka jirra degaamo ka mid ah dalka oo saamayn ku yeeshay.

Maareeye  ku xigeenku waxa uu tilmaamay  in qaybta ugu badan ee bulshadda caasimadda ay biyaha siin jireen Booyadaha ka soo Dhaamiya dooxyadda magaaladda u dhaw, hase yeeshee Booyadihii intoodii badnayd ay  dhawaan bilaabeen in ay biyaha u qaadaan meelaha  ay abaaruhu ka jiraan.

Cismaan Cabdilaahi Hirad,  oo shalay  shir jaraa’id   ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku dooday in  aanu jirin wax is-bedel ah oo ku yimid biyaha ay soo saarto Wakaaladda biyaha Hargaysa oo  ay sidii caadiga ahayd u socdaan, isla markaana ay weliba kordhiyeen saacadaha ay Mishiinadu biyaha ka soo saaraan Ceelasha.

Waxaanu     yidhi “Mudooyinkan  danbe waxaa  magaaladda Hargaysa ka jirra biyo la’aan, taasi  oo aan ahayn tii aanu anagu wadnay.  Mushkiladda  jirtaana waxa weeyi,  marka hore  biyihii aanu anagu soo saari jirnay guud ahaanba  waanu soo saarnay,  intii MQ (Miter Quebec)     ee aanu soo saari jirnay,  si wanaagsana way u shaqeenayaan oo way u socdaan. Waxa  kale oo jirta xilligan  aynu ku jirno waa Xagdaa,  Gu’gii  Jiilaal buu isku bedelay oo roob ma di’in,  toban bilood gudahood wax roob ah oo ka da’ay  Hargaysa iyo hareeraheeda ma jiro.  Dooxyadii  biyaha laga soo dhaamin jiray waa laga waayey, Booyadaha  ayaa ugu yaraan 45% buuxin jiray adeega biyaha ee caasimada Hargaysa, taasi waxay  keentay in ay  Ceelashii biyo ka waayaan, mararka  qaarna ay dhacdo  biyo la’aanta  jirta Baadiyaha”.

“Markaa  Booyadihii waxay u qaybsameen wax  Baadiyaha tagga  iyo wax goobihii ay tegi jireen biyo ka soo waayey, midda  kalena way jirtaa oo markii  Booyadihii ay dadku  ka Dhaansan jireen ay waayeen waxay  noqotay,  in meeshii biyaha yar ka baxayeen in la iskugu taggo,  oo Jirikaamadda la isugu geeyo.  Laakiin  haddii aanu nahay Wakaaladda biyaha Hargaysa, waanu soo saarnaa biyihii aanu soo saari jirnay, weliba  saacado aanu Bakhtiin jirnay Mishiinadda  ayaanu ku darnay oo Afar saacadood oo dheeraad ah, kuwaasi  ayaa ku jira biyihii aanu markii hore soo saari jirnay,  si aanu u ilaalino baahida biyo la’aaneed” ayuu yidhi maareeye ku xigeenka Wakaaladda biyaha Hargaysa.

Dhinaca kale maareeye ku xigeenka  Wakaaladda biyaha Hargaysa, ayaa u soo jeediyay war-baahinta in marka ay xog uga baahdaan Wakaalaadda biyaha in ay la soo xidhiidhaan masuuliyiinta, balse aanay qaadan wararka kutiri-ku teenka ah.    “Waxaan u sheegayaa dadka war-xumo  tashiilka ah,  ee meelahaa la yaacaya warka in marka ay doonayaan Wakaaladda biyaha, ee ay  wax ka sheegaan inay annaga na waraystaan,  oo ay noo yimaadaan, masuuliyiintii baa joogta, dadkii biyaha cabayey baa jooga, biyo soo saarkii baa jira.  Markaa   waa inay masuuliyiinta  ka waraystaan,  ee aanay ku-tiri kuteenka qaadan” ayuu yidhi Cismaan Cabdilaahi Hirad.

Ugu danbayntii  Cismaan Cabdilaahi Hirad,  waxa uu  kula dar-daarmay  bulshadda   inay ka daayaan Ciidda ay ka gurayaan dooxyadda,  taasi  oo uu sheegay in ay sababtay  in biyuhu ay fogaadaan isla markaana dooxyadii laga Dhaasan jiray biyaha in biyo laga waayo.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories