HomeMasuuliyiinta Safaaradda Somaliland ee Itoobiya oo Lagu Eedeeyey Masuuliyad-darro ay Sannadkii 2aad...

Masuuliyiinta Safaaradda Somaliland ee Itoobiya oo Lagu Eedeeyey Masuuliyad-darro ay Sannadkii 2aad kaga Gaabiyeen Qaban-qaabada Xuska 18-May ee Jaaliyadda Addis Ababa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Safaaradda Somaliland ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa lagu eedeeyey inay dayacday qaban-qaabadda iyo tabaabushaha Xuska munaasibadda 18 May isla markaana aanay masuuliyiinta xafiiskaasi ku hawlanayn wax qorshe ah oo ay Jaaliyadda Somaliland ee Addis Ababa kala qayb-qaadanayaan Xuskan.

Warkan oo aanu ka helney Arday Wax ka barata Jaamacadaha Itoobiya ee magaalada Addis Ababa, ayaa lagu sheegay inaanay jirin wax munaasibad ah oo Safaaraddu qaban-qaabinayso sannadkan, masuuliyiintii u sarreeyey xafiiskaasina ay Hargeysa ugu sugan yihiin ka-qaybgalka Xuska lagu qabanayo Caasimadda, ka dib markii sida la sheegay ay ku guul-darraysteen inay fuliyaan ballan-qaad ay jaaliyadda ugu Sheegeen inay Hargeysa u tagayaan Diyaarinta Kharashka lagu qabanyo Xafladda Xuska.

Sida ay Somalilandpost u xaqiijiyeen qaarka mid ah Jaaliyadda oo si weyn uga cadhooday wargelin loogu sheegay inaanay jirin munaasibad sannadkan lagu qabanayo Addis Ababa marka laga reebo munaasibado ay Koox Fannaaniin ahi Huteellada ku qabsanayaan, oo dadweynaha ka qayb-galayana ay masraxiyaddooda ka kiraynayaan, isla markaana ay tahay sannadkii labaad ee masuuliyiinta Safaaraddu aanay wax munaasibad ah kaga qaban Addis Ababa.

Jaaliyadda Addis Ababa ee Itoobiya, waxa ay ugu baaqday Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May ee Madaxweynuhu magacaabay, in si deg-deg ah wax looga qabto wax ay ugu yeedheen Masuuliyad-darro ay madaxda Safaaradda Somaliland ee Itoobiya kaga gaabiyeen waajibaadka Shaqo iyo Muwaadinimo ee ay ugu xil-saaran yihiin Hawlaha jaaliyadda iyo Danaha Somaliland ee Itoobiya.

“Annaga oo ah ardayda jaamacadaha ee wax dhigata waddanka Ethiopia gaar ahaan magaalo madaxdiisa Addis Ababa, waxa aanu ka hadlaynaa arrin la xidhiidha xuska 18ka MAY ee waddankan Ethiopia gaar ahaan Addis Ababa. Waxa aynu la wada soconaa cidda u idman qabanqaabada iyo qabashada xuska maalinta qaaliga ah ee madax bannaanida qaranka Somaliland ee 18 ka MAY inay tahay Safaaradda Somaliland ee xarunteedu tahay magaaladan Addis. Waxa aanu la xidhiidhnay oo aanu la kulanay safiirka iyo ku xigeenkiisaba muddo laga joogo laba usbuuc annagoo kala hadlay qabashada xuska 18ka may. Waxa ay noo sheegeen in safiir ku xigeenku Hargeysa tegi doono oo muusaaniyaddii lagu qaban lahaa xuskan laga soo qaadi doono madaxtooyada. sidii ayaanu u sugaynay in ninkaasi soo noqdo munaasibadiina la xuso laakiin nasiib darro maanta oo ay taariikhdu tahay 16/05/2013 waxa ay nagu war geliyeen in munaasibad la qabanayaa aanay jirin haba yaratee, safiir ku xigeenkii la sugayeyna Hargeysa kaga qayb geli doono munaasidda,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Ardayda Wax ka barata Jaamacadaha Itoobiya oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso.

Ardaygani waxa uu sheegay inaanay ahayn markii u horreysay ee masuuliyiinta Safaaradda Itoobiya ka gaabiyaan Xuska maalinta, waxaanu yidhi, “Runtii aad baanu uga xunnahay waana nasiib darro in sannadkii labaad ay masuuliyiinta safaaraddani sidan yeelaan oo ay faraha ka laabtaan gebi ahaanba munaasiddan muhiimka ah in laga xuso waddankan Ethiopia oo ah waddanka ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee reer Somaliland marka la eego waddamada Afrika, isla markaana ah waddan aad muhim innoogu dhinaca siyaasadda iyo diblamaasiyadda.”

Waxa uu xusay inay jaaliyad ahaan Baaq ugu dirayaan Madaxweynaha iyo Guddiga heer Qaran ee Qaban-qaabada Xuskan inay tallaabo deg-deg ah ka qaadaan masuuliyad-darrada ka muuqata xafiiska Safaaradda, waxaanu yidhi, “Waxa iyana ayaan darro labaada in munaasibaddii muhiimka ahayd ay gacanta ku dhigaan koox qowlaysato fannaaniin ah oo inta ay hoolal kiraystaan dadka lacag kaga gurta oo ganacsi ka dhigtay ka dib markii safaaraddu kaalinteedii dayacday. Markaas waxa aanu ugu baaqaynaa guddida qaban qaabada ee uu madaxweynuhu magaacabay iyo madaxweynaha laftiisaba in arrintan masuuliyad darrada ah ee ay masuuliyiinta safaaraddan waddanka Ethiopia ku kacayaan in si deg dega wax looga qabto.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories