HomeMasuuliyiinta Maxjarka Indha-Dheero iyo Koox Ganacsato ah oo markii u horeysay ka...

Masuuliyiinta Maxjarka Indha-Dheero iyo Koox Ganacsato ah oo markii u horeysay ka hadashay Khilaaf ay qayb ka yihiin oo ka taagan Maxjar saddexaad oo laga dhisayo Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta Maxjarka Indha-deero ee Magaalada Berbera ayaa markii u horaysay ka hadlay waxa uu ku salaysan yahay Khilaaf ka dhexeeya iyaga iyo Ganacsato kale oo Berbera ka furaya Maxjar saddexaad.

Maxjarka Indha-deero oo ah Maxjarkii labaad ee laga dhiso magaalada Berbera, waxa wada leh Shirkadda Indha-deero Group iyo Nin u dhashay dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo ALA-YAASIR.

Masuuliyiinta Maxjarka Indha-Dheero iyo Koox Ganacsato ah oo markii u horeysay ka hadashay Khilaaf ay qayb ka yihiin oo ka taagan Maxjar saddexaad oo laga dhisayo BerberaMustafe Xaaji Cabdi Cawad Indha-deero oo ah Masuulka ugu sareeya Maxjarka, ayaa sheegay in nin wakiil u ahaa Maraakiibta Maxjarka iyo ganacsato kale ay leexsadeen Alaab lagu casriyeynayey maxjarkooda isl amarkaana damceen inay ku dhistaan maxjar cusub, ka dib markii Alaabta uu magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta uu uga soo dhiibay wiil uu dhalay Ganacsade Carabka ah ee saamiga ku leh Maxjarka Indha-deero.

Madaxa Shirkadda Abu Yaasir oo ah Nin Carab ah ayaa isna sheegay in Lacagta gashay Alaabta lagu furayo Maxjarka saddexaad ee Berbera ay leeyihiin isaga iyo qolada ay Shurkada yihiin ee Indha-deero.waxa uu rajo ka muujiyay inay hantidoodaasi heli doonaan islamarkaana Maxakamaddaha dalku kala saari doonaan labada dhinac.

HALKAN KA DAAWO HADALKA MASUULIYIINTA MAXJARKA INDHA-DEERO

Dhinaca kale, Ninka Wakiilka u ahaa Shirkadda Indha-deero, laguna magacaabo Yuusuf Cali Nuur oo aanu khadka telefonka ku weydiinnay waxa uu kaga jawaabayo eedaymaha loo jeediyey, ayaa ka gaabsaday inuu arrintan ka hadlay, isaga oo sheegay inaanu diyaar u ahayn ka-hadalka arrintan, arrintaas xalkeedana ay maanta u ballansan yihiin dhinaca kale ee wax ka dhaxeeyaan.

Murankan ayaa soo ifbaxay ka dib markii Maxjarka Saddexaad ee Berbera oo ganacsato dhisaynayso ay soo weerareen Koox Hubaysan oo ka socotay dhinaca shirkadda Indha-deero, taas oo sababtay in wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland socdaal ku gaadhay magaalada Berbera isla markaana kulamo la qaatay maamulka degmada Berbera iyo gobolka Saaxil. Haseyeeshee ilaa immika xal lagama gaadhin muranka ka taagan Maxjarka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories