HomeMasuuliyiinta Gobolka Togdheer ee Xisbiga UDUB Oo ku hanjabay inaanay ka qayb-qaadanayn...

Masuuliyiinta Gobolka Togdheer ee Xisbiga UDUB Oo ku hanjabay inaanay ka qayb-qaadanayn Doorashooyin aan loo samayn Diiwaangelin cusub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco, (SLpost)- masuuliyiinta sar sare xisbiga mucaaridka ah ee Udub ee gobolka Togdheer ayaa taageeray go’aankii hore ee xisbigoodu iyo xisbiga  kale ee Ucid ku diideen   doorashooyinka soo socda  in lagu galo diiwaangalintii hore  isla markaana waxay sheegeen habayaraatee in aaney aqbali-doonin.

blankMasuuliyiintan Udub  oo shir jaraa’id ku qabtay Huteelka Shamaxle ee maagalada Burco ayaa sidoo kale faashil ku tilmaamay siyaasada Xukuumadda Siilaanyo ee arimaha debeda iyo ta gudaha ee ay dalka ku maamusho .

“Xukuumadda maanta xilka haysa ee Siilaanyo iyo Komishankuba waxay doonayaan diiwaangalintii hore ee khal-khashay in doorashooyinka soo socda lagu galo  markaas iyddoo axsaabta mucaaridku arintaas hore u qaadacday ama u diiday  anaguna maanta  waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aanu aqbali-doonin diiwaangalintaa hore in doorashooyinka lagu galo hadaanu nahay Udub ,waayo iyaddoo aynu ka warhayno diiwaangalintaasi dalka dhibta ay u gaysatay iyo khaladaadka ka dhacay doorashadii hore , hadana maanta cida doonaysa in doorasho danbe lagu galo diiwaangalintaasi, anagu waxaanu u aragnaa  in ay dalka qalalaase galinayaan oo  ay leeyihiin halays dilo “ Sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Udub ee Gobolka Togdheer Ayaanle Cismaan Ibraahim.

blankGeesta kale mar’uu Guddoomiyaha Udub ka hadlaayay siyaasad xumo uu sheegay in ay Xukuumadani dalka galisay waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Udub iyo Snm-toona wixii ay dalka u qabteen lama sheegikaro ,waayo wax lagu miisaamaba lama hayo ,halkii ay Udub dalka gaadhsiisayna Xukuumadda maanta jirtaa 35% ayay hoos uga riday meelaha ay ku fashilantayna waxa ka mid ah siyaasada arimaha debeda ,ta waxbarashada iyo xuduudaha dalka iyaddoo intaasiba jirta hadana waxaad arkaysaa rag ka mid ah Xukuumadan oo waxaan jirin oo been ah dadka u sheegaaya waxaan leeyahay hadii arimahaas laga xishoon waayo waxa jira ayaa la sheegi-doonaa ee ogaada “ Sidaasi ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Ayaanle .

Siciid Cilmi Axmed Xoghayaha  Udub ee gobolka Togdheer oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Waxaanu taageeraynaa go’aankii hore ee madaxdayada Udub iyo Ucid-ba ku diideen diiwaangalitii hore in lagu galo Sedexda doorasho ee danbe ,doorashadii hore ee diiwaangalintaasi lagu galay xal ayay ahayd waayo doorasho raagtay ayaynu isdhaafinaynay ,markaa waxaanu leenahay diiwaangalin kale hala sameeyo ama halaga guuro “ Sidaasi ayuu hadlkiisa ku soo xidhay Mr. Siciid.

 Aadan Cawad Seed Madaxa wacyigalinta xisbiga Udub ee gobolka Togdheer oo isna shirkaasi ka hadlay ayaa qaadacay diiwaangalintaasi hore waxaanu Komishanka usoo jeediyay in ay sameeyaan diiwaangalin cadaalad ku dhisan oo doorashooyinka lagu qabto ,taasi oo  aan dalka u horseedin khalkhal iyo fawdo .

Sidoo kale waxa iyna halkaasi ka hadlay Cali Aw-Cigaal ,Cabdi Caateeye Aar iyo Marwo Aamina Buraale oo ka mid ahaa masuuliyiinta Udub ee gobolka Togdheer.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories