HomeMasuuliyiinta Caafimaad ee Gobolka Togdheer oo si weyn uga qayliyey xaaladda la-tacaalidda...

Masuuliyiinta Caafimaad ee Gobolka Togdheer oo si weyn uga qayliyey xaaladda la-tacaalidda cudurka Jadeecada oo gobolka ku fidaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Masuuliyiinta   wasaaradda caafimaadka  ee gobolka  Togdheer  ayaa maanta si cad  ugu dhawaaqday  inay adag tahay sida  loola tacaali karo  xaaladda cudurka  Jadeecada  oo ku sii faafaya  deegaanada gobolka togdheer.

Isu  duwaha  caafimaadka ee gobolka  togdheer Dr  Cabdi Yaasiin, masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xarunta  caafimaadka ee gobolka togdheer   iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda  “WHO”  oo maanta shir jaraa’id  ku qabtay  magaalada   Burco  ayaa waxay  tilmaameen in cudur  jadeecada  uu ku faafayo  deegaamada  gobolkaasi,  iyagoo sheegay in xadiga  dadka ee uu ku dhacay  xanuunkaasi ay  sii kordhayaan, isla markaana cusbitaalku aan  qaadi karayn.

Isuduwaha  caafimaadka  ee gobolka  togdheer  Dr  Cabdi  yaasiin oo shirkaasi jaraa’id  ugu horayn ka hadlay ayaa wuxuu cadeeyey  in ilaa iyo hadda dadka uu ku dhacay  xanuunkaasi ee soo gaadhay  cusbitaalka Burco ay  gaadhayaan  350  qof  oo isugu jira caruur,  dad waaweyn,  haween iyo  weliba  dadka ay  da’doodu  dhaxdhaxaadka tahay.

Isuduwuhu  waxaa kaloo uu sheegay  in  bishi labaad   ee lasoo dhaafay  uu  cudurkani  ka bilaabmay  deegaamo  ka mid ah  gobolka saraar,  haatana  uu soo gaadhay  deegaano ka mid ah gobolka tagdheer   iyo xaafado  ka mid ah  magaalada  burco gaar ahaan xaafadaha October iyo  agagaarka sayladda.

Sidoo kale,  agaasimaha  cusbitaalka  magaalada  Burco  Dr Cabdiqaadir Muuse  ayaa isna dhiniciisa ka  sheegay in  sida lagula  tacaali karo  xanuunkani  ay  tahay  ka hortag balaadhan oo la sameeyo,  waxaanu ugu  baaqay xukuumadda Somaliland  wasaaradda  caafimaadka  iyo  hay’adaha  ku shaqada leh  caafimaadka   inay  gurmad ka qeystaan  sidii loola tacaali lahaa loona  xakamayn lahaa fiditaanka  cudurka jadeecada.

Dr  Cabdiqaadir  Muuse  waxaa kaloo uu ka digay in  haddii  ay  xaaladani sii socoto ay  keeni karto dhimasho iyo mid ka adag halka uu maanta marayso.

SOMALILANDPOST.NET

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories