HomeMasuuliyiin Sarsare oo ka socda Dawladda Faransiiska oo dalka Socdaal ku yimi...

Masuuliyiin Sarsare oo ka socda Dawladda Faransiiska oo dalka Socdaal ku yimi iyo nuxurka kulan dhex maray Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Jabuuti Ambassador Rene Forceville ayaa maanta socdaal ku yimi caasimadda Jamhuuriyadda ee Hargeysa.

Weftigan oo ka kooban saddex xubnood, waxa qasirga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo).

Waxa sidaas lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha, waxaana lagu sheegay in ujeeddada socdaalku safiirku khusayso sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Faransiiska.

[IVRSS_GALLERY:TYPE=gallery1:DISPLAY=2:HEIGHT=170:RANDOM=YES]

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, Safiirka Faransiisku waxa uu kaga dhawaajiyey in Dawladiisu danaynayso inay Somaliland ka caawiso dhanka Horumarka iyo kobcinta Ganacsiga Gaarka loo leeyahay.

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland ayaa weftiga uga warramay xaaladda dhabta ah ee nabadgelyada dalka, isaga oo u sheegay inay Somaliland ku guulaysatay adkeynta nabadgelyada baddeeda iyo weliba nabadgelyada gudaha. Waxa kale oo warsaxaafadeedka lagus sheegay in madaxweynuhu ka dalbaday weftiga Faransiiska ah inay dalka gaadhsiiyaan sidii ay Somaliland wax ugala qaban lahaayeen dedaalkeeda ku aaddan dhanka horumarka iyo nabadgelyada.

Kulankan dhex maray labada dhinac oo madaxweynaha Somaliland ay ku wehelinayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan, waxa dhanka weftiga Faransiiska ah Safiirka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhigga Faransiiska Renu Morechaux iyo Xoghaya koowaad ee Safaraadda Faransiika ee Jabuuti Alexdener Jabet.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories