HomeMasuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kalluumaysiga oo si wada-jir ah uga jawaabay War...

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kalluumaysiga oo si wada-jir ah uga jawaabay War laga baahiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland oo uu weheliyaan Agaasimayaal-waaxeedyada Wasaaraddaas iyo Isu-duwaha Wasaaraddaas ee Gobolka Selal, ayaa Shir jaraa’id oo ay shalay si wada-jir ah ugu qabteen magaalada Hargeysa, waxay kaga hadleen war ay sheegeen in laga baahiyey oo ay ku doodeen in si qaldan loo baahiyey.

blankAgaasimaha  waaxda maamulk Jaamac Nuuc Cismaan, Agaasimaha  waaxda qorshaynta iyo cilmi baadhista prf  Saam Cumar Geedi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda  Cabdiraxmaan Cawil Xasan, Agaasimaha waaxda kalluumaysiga iyo hurumarinta  Xuseen Haybr Cige, Isu-duwaha wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee gobolka Selal Axmed Aadan Madoobe.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda  kalluumaysiga iyo khayraadka Badda  Cabdiraxmaan Cawil Xasan  oo ugu horreyn shirkaa jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi; ”Waxaan idinki yeedhnay hadaa tihiin bahda Saxaafadda war laga siidayaay Horn Cable TV oo aan un qaadan waynay wax yaabahii halkaa laga sheegayay, sababtuna waxay tahay annaga xog-ogaal ah oo dadka uga masuul ah Badda iyo khayraadkeedii oo ilaalinteeda iyo daryeelkeedana waajib naga saran yahay. Warkaas oo ah war been ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn xattaa sawirradii la soo bandhigay waa sawirro internetka lagala soo baxay. Waxaa kale oo uu intaas ku daray in 6 cisho ka hor in Wasiirka Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda, oo uu Guddida joogtada ah hor tagay ee golaha Guurtida warbixin mug leh uu ka siiyay waxqabadkii Wasaaradda iyo halkay wax u marayaan iyo waxa u qorshaysan.”

“Waxaan kale oo uu intaas ku darayaa baryahaa dambe waxa iska soo daba baxayay warar been abuur ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn oo la leeyahay  Baddii waa la xaalufiyay oo Maraakiib badan baa la geliyay, maaha Saxaafuddana inay qof Tahriib ah oo aan shaqadan ehel u ahayn war ka soo qaataan. Waxaan laayahay qolodan sheegata UCID tiisaba daryeellaa tu kale ku dara oo iyadaa teedii la il-daran oo la liicliicaysa horena waxa looga soo joogay xajiimayn iyo eedaymo badan hadday wax ku helayaan. Markaa, waxaan leeyahay markaad tiinna hagaajisaan ayaa tu kale wax ka sheegi kartaan.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland.

Agaasimaha waaxda qorshaynta iyo cimil baadhista ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Prof. Saam Cumar Geedi, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay warkaas.  “Waa nasiib-darro waxaanad garanayn ama aanad aqoon u lahayn inaad ka warranto, marka ay leeyhiin dadkan aqoonta u lahayni waxa la qaaday ugxaantii Badda anigu magaran karo si loo qaadan karo.ugxantuna maaha wax la arko waa illi ma qabatay. Markaa, shabagga lagu qaaday waxaan ishu arkayn anigu ma garanayo sida uu u soo qaadayo. Waxaa kale oo aan la yaabanahay waxay ku arkayaan markan ay leeyihiin waa la gurtay,waxaan kale ii intaa ku darayaa badeeno waa 850km waxaa ku jira 4 markab ii midkiiba yahay 30 tan  markabkiiba waxaa uu helayaa 200km markaa maxaalufin karaan oo waa ay ka badan tantahay in la xaalufiyo  markaa waxaa leeyahay markaad wax ka hadlayso waa inaad aqoon ku dartaa maaha inaad marka aad qayisho inaad hadal la soo istaagto.” Sidaa ayuu yidhi Saam Cumar Geeddi.

Agaasimaha waaxda  kalluumaysiga iyo horumarinta  Xuseen Haybe Cige oo halkaa ka hadlay, waxa uu yidhi; “Dadkeenu ma yaqanaan badda iyo sida looga faa’iidaysto,waxaana fiican dadku inay bartaan oo fahmaan waayo qanimo qaninmada illahay na siiyay ka mid ah,waxaan leeyahay maraakiibtan ku jirta badda iyi xitaa doonyaheena kalluumaysiga waxaa weeye%05 boqolkiib shan mark dhamaantood la isku daro. Markaanu liisank siino markabka ee uu soo kalluumaysto ,wasaaradda waxaa kale oo la sheeqaya laba wasaaradood wasaaradda maaliyda iyo wasaradda ariimaha gudaha , markabku marka uu kalluumaysto waxaa uu sii maraa wasaarada kalluumaysiga iyo wasaaradda  maaliyadda markaa sagaalka bilood ee sanadkan u dambeeyay waxaa aanu soo xaraynay lacag gaadhaysa hal bilyan iyo todobo boqol oo malyan.”

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories