HomeMasuuliyiin ka tirsan ururrada Hadhay oo ka hadlay Xadhigga Guddoomiyaasha JAMHUURIGA iyo...

Masuuliyiin ka tirsan ururrada Hadhay oo ka hadlay Xadhigga Guddoomiyaasha JAMHUURIGA iyo NDB & Ciidamada RRU oo fashiliyey Mudaharaayo la abaabulayey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee RRU oo maanta xabsiga u taxaabay xubno ka mid ah Ururaddii ku hadhay wareegii koowaad oo abaabulayey mudaharaad, ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay dad rayid ah oo isku dayey inay sameeyaan mudaharaadyo xambaarsan fekerka ururrada guddoomiyeyaashooda la xidhay.

Guddoomiye kuxigeenka Ururka UDHIS Cali Qoor-Seef oo ka hadlay xadhigga masuuliyiinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Ururaddii hadhay ay ciidamadu u taxaabeen saldhigga Dhexe ee magaalada iyaga oo wakhtigaan ku sugan barxadda hore ee Kheyriyada iskuna dayaya inay mudaharaad sameeyaan.

Mr Qoorsheef waxa uu sheegay Guddoomiyaha Ururka NDP Foosiya Yuusu Xaaji Aadan, Guddoomiyah Ururka Jamhuuriga Axmed Sandoon iyo Maxamed Odawaa Cigaal oo ka mid ah UDhis waxaanu yidhi,“waxa la xidhxidhay dad badan oo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii Ururka NDB Foosiya Xaaji Aadan iyo guddoomiyaha Ururka Jamhuuriga Axmed Sandoon, Maxamed Odawaa Cigaal oo ka mid ah Ururka Jamhuuriga, waxa kale oo laxidhay Cabdiqaadir SheekhYuusuf Sh. Madar oo ka mid ah UDHIS iyo Yuusuf Siyaad oo isaguna ka mida UDHIS, waxa la qabtay iyaga oo khayriyada Hargeysa hortaagan oo wax mudaharaada samaynayn”

“Waxay ku xidhan yihiin Saldhiga dhexe ee Booliska, waxaanu u aragnaa sharci daro oo xaquuq dastuuriya oo muwaadiniintu lahayd oo loo diiday ayey ahayd. Takale waxa weeye natiijadan la soo saray oo iyaduna an sharci ahayn, wax alaale iyo wax nimankii Guddiga sheeganayey meel ay wax ku shegeen mahayno oo ardayga yar ayaa marka uu ku dhaco Imtixaanka waxa layidhaahdaa waxaad ku dhacday Tariikhda ama Xisaabta ama Carabiga midna lama odhan ee go’aan Siyaasiya oo Dawladu ay soo saartay ayaanu u aragnaa,” ayuu yidhi Mr. Qoorsheef

Waxaanu intaas ku daray.“Lamaanu hadal maanta oo waayo markii hore ayaanu laba jeer codsanay inaanu samayno mudaharad salmiya, labadii jeerba waxa diiday  Wasaarada arrimaha gudaha oo waa xaquuq muwaadinku leeyahay.”

Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu sheegay inay ururrada maanta mudaharaad ka dhigeen magaalada Burco isla markaana ay kala qayb galeen guddoomiyeyaasha ururradu, “Waxa mudaharaadka laga dhigay BURCO oo sifiican ayaa loo dhigay, waxaana ka hadlay Guddoomiyihii UDhis oo shalayna waad ogaydeen sida loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco iyo arrinta uu ka hadlay. Haddii Cadaaladdi ay jirto dawlada ayaa qaban lahayd oo hore maxkamada ummaanu  gudbin ee waanu ugudbin doonaa,” sidaas ayuu yidhi Cali Qoor-seef.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories