HomeMasuuliyiin Ka Socda Sucuudiga Oo Arimaha Abaaraha Xalay Kala Shiray Madaxtooyada

Masuuliyiin Ka Socda Sucuudiga Oo Arimaha Abaaraha Xalay Kala Shiray Madaxtooyada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(Slpost)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ahna gudoomiyaha guddiga heer qaran ee gurmadka abaaraha, ayaa fiidkii xalay hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefdi ka socda Ururka Dalalka Islaamka (OIC) ee fadhigiisu  yahay Jeddah Sucuudi Arabia.

 Madaxweyne ku xigeenka, waxa ku wehelinaayey kulankaas, wasiirada Diinta iyo Awqaafta, Maaliyadda, Beeraha, Degaanka iyo Horumarinta miyigiga, Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, gudoomiyaha ka hortaga aafooyinka iyo Maareeyaha Xafiiska samafalka, halka ay dhinaca ururka dalalka Islaamka uu hogaaminaayey Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Dalka Kenya, Ali Osman, una qaabilsan boqortoodayada sucuudiga Somaliland iyo Soomaaliya iyo Sacad Muhanna Al-Suweyd, oo ah agaasimaha hay’ada waddaniga ah ee u qaabilsan boqortoyada sucuudiga gurmadka iyo Maxamed iidle Sabri oo ururka dalalka Islaamka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliy.

 Weftiga ururka dalalka Islaamka iyo boqortooyada Sucuudiga ayaa ujeedadoodu safarkooda Somaliland ku tilmaamay inuu jawaab u yahay qaylo dhaantii abaaraha ee Madaxweynuhu u kala diray caalamka.Madaxweyne ku xigeenka iyo Masuuliyiintii wehelinaysay waxay weftiga dalalka islaamka u bandhigeen qorshaha sida looga hawlgelayo jiidaha abaaruhu saameeyeen oo ah guud ahaan dalka, kuwaas oo hore loo qorsheeyey siday u kala daran yihiin.

 Waxay ku dareen oo kale in Somaliland leedahay barmaamijyo loogu talogalau in wax lagaga qabto abaaraha oo noqnoqonaya, dalalka islaamka iyo carabtana dhaqaale iyo talaba ay ka codsanayaan inay kaga qaybgalaan sidii qorsheyaashaasi ficil loogu bedeli lahaa.

 Dhinacooda weftigu waxay sheegeen inay haatan wadaan raashin 25 Kun oo Qoys ku filan, kuwaas oo maanta bilowgooda lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa, ugu horayna laga qaybindoono Hawd iyo Gabiley, sidaana ay isku dabajoogi doonaan ilaa dalka la wada gaadhsiiyo.Weftigu waxay kale oo ay sheegeen inay ka damqadeen xoolaha ku leeday ee abaaruhu ku dileen dhinaca galbeed ee dalka.

 Mar ay ka hadlayeen weftigu waxka qabashada abaaraha soo noqnoqday waxay tilmaameen inay diyaar u yihiin inay ka qaybgalaan qorshaha ay dawladu wax kaga qabanayso arrintaas, iyagoo intaa raaciyey inay danaynayaan inay wax ku darsadaan horumarka dalka ka socda Sida: qodista Ceelal biyood, samaynta goobo lagu kaydiyo biyaha, iyo dhismaha xarumo caafimaad iyo waxbarasho.

 waxay kaloo sheegeen in ku dhawaaqida taakulada abaaraha ka dib ay la kulmi doonaan wasiirada wasaaraddaha qaarkood oo uu ka mid yahay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, si ay ugala hadlaan waxay kala qaban karaan hawlaha dalka ka socda, iyagoo balan qaaday inay joogtaynayaan xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac.

 Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna Gudoomiyaha guddida heer qaran ee abaaraha Mudane Saylici waxa uu weftiga uga mahadceliyey soo ajiibidda baaqii gurmadka abaaraha iyo taakulada ay hadda keeneenba, waxa kale oo uu madaxweyne ku xigeenku balanqaaday in ay dhinacooda sii xoojindoono wadashaqaynta dalalka Islaamka ee ay Somaliland ka midka tahay.

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.          

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories