HomeMasuuliyiin Ka socda Shirkadda Ballor African Logistics oo Hargeisa soo gaadhay iyo...

Masuuliyiin Ka socda Shirkadda Ballor African Logistics oo Hargeisa soo gaadhay iyo Ujeeddada Socdaalkoodu Daarran yahay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) Saraakiil ka socda Shirkadda Faransiiska ah ee maamusha Dekedaha ayaa ku sugan Somaliland labadii maalmood ee u danbeeyay iyadoo Xukuumadda Somaliland aanay wax war ah ka soo saarin.

Saraakiisha Shirkadda Ballore ayaa booqday magaalo xeebeeda Berbera waxaanay soo indho Indheeyeen Dekedda Berbera oo ay doonayaan in ay Maal-gelin iyo Suuq Gayn u sameeyaan.

Illaa hada si rasmi ah looma Oga wadahadalka ka dhaxeeya Somaliland, hase yeeshee waxa la filayaa sida ay wararka hordhaca ahi sheegayaan in ay doonayaan in lagu wareejiyo Maamulka Dekedda, iyagoo ku samayn doona Maal-gashi lagu qiyaasay illaa shan boqol oo Milyan oo Yuuro.

Xukuumadda haysa talada Somaliland ayaa quud daraynaysay in ay heshiis la gasho shirkadda Ballore waxaana lagu waday safarkii dhawaan madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tagay dalka Turkiga in ay Lugtiisa labaad noqoto Dalka Faransiiska, balse taas bedelkeeda waxa Dalka booqasho aana shaacin ku yimi qaar ka mid ah saraakiisha shirkaddaas oo lagu wado si hoose in ay Xukuumadda u wada hadleen.

ballore-

Dublamaasiyiin la socda Xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo shirkaddan ayaa sheegaya in uu gabagabo ku dhaw yahay, hase yeeshee Af-hayeen u hadlay shirkadda ayaa AFP u sheegay in aya aad u danaynayaan Heshiiska balse waxa uu sheegay in loo baahan yahay qorshe dheeraad ah, waxaanu intaas raaciyay inaanay wali jirin Heshiis dhab ahi.

ilo wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa Shirkadda Bollore ayaa Somalilandpost u sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis madaxda shirkadda geeyay Dekedda Berbera isla markaana la filayo in ay kulan la yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxauud Siilaanyo.

lama oga in kulanka ay labada dhinaca wada yeesheen Heshiis rasmi ah lagu gaadhay iyo inkale, hase yeeshee warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Loolan ama baayactan xukuumadda Somaliland kula jirto Sadex shirkadood oo midkood tahay shirkadda Bollore oo ah Faransiis isla markaana maamusha Dekeddo badan oo Afrikaan ah, Shirkad Turki ah iyo mid Maraykan ah.

dhamaan shirkadahan ayaa Madaxweyne Siilaanyo usoo bandhigay qorshayaal ay doonayaan in ay ku casriyeeyaan Dekedda Berbera, taasoo ay suuq uga raadinauyaan dalka Itoobiya oo danaynaya in uu Isticmaalo Dekedda Berbera 30% haddii ay Somaliland ku qanacdo qorshe Ganacsi oo ay labada dal usocda.

shirkadda Bollore waxa hogaaminayay oo dalka keenay safiirka Somaliland u fadhiya Paris, sidoo kale waxa bar bar yaacaya koox Dilaaliin ah oo Reer Somaliland ah oo in badan ku mashquulsanaa mashruucan sidii ay u fulin lahaayeen.

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories