HomeMaskaxda Aadamuhu Waxa Ay Awooddaa In Ay Kaydiso (Xafiddo) Qoraal Le’eg 4.7...

Maskaxda Aadamuhu Waxa Ay Awooddaa In Ay Kaydiso (Xafiddo) Qoraal Le’eg 4.7 Bilyan Oo Kitaab

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in maskaxda aadamaha qaybta Alle ugu talogalay xusuustu ay toban laab ka qaad weyntahay inta ay hore ugu malayn jireen culimada Saynisku.

Natiijada Cilmibaadhistan Geeska Afrika turjumay oo uu faafiyey wargeyska E-Life Science oo internet ka laga daallacdo ayaa ay cilmibaadhayaashu ku xaqiijiyeen in maskaxda bani’aadamku ay leedahay awood ay ku xafidi kartoo qoraallo ka badan Hal Milyan oo Gigabytes (GB), taas oo haddii buugaag caadi ah loo beddelo u dhigmaysa 4 Bilyan iyo 7 oo Milyan oo kitaab, haddii waraaqaha la tirinayana noqonaysa 670 Warqadood oo mid kastaa le’eg tahay inta uu bogga internet ku qoraalka ka qaado.

Professor Terry Segnovski oo ku takhasussay cilmiga Neuroscience oo daraaseeya shaqada maskaxda iyo hab-raaca ay u marto xogta iyo oo ah hawsha ay u kaashato hab-dhiska neerfayaasha, oo isaga iyo khubaro ka tirsan Maxadka Salk ee daraasaadka cilmiga Bayoolojiga oo ku yaalla California, Maraykanka ayaa sheegay in natiijadan cusubi ay leedahay faa’idada ah in wax badan laga fahmo waxyaabaha bud-dhigga u ah awoodda waxbarasho ee maskaxda.

Cilmibaadhisahan cusubi waxa ay daahfurayaan in habka ay tahay in aynu maskaxdeenna iyo xusuusteeda ula macaamilnaa ay aad uga sii xeeldheer tahay sidii aynu hore u moodaynay. Waana in aynu ku xisaabtanno in xusuusteennu ay awooddo in ay qaaddo xaddi aan ka yarayn 3 Kun oo Tirilyan oo hal-beegga bits ah, taas oo haddii afka aan cilmiga ahayn lagu sharraxo u dhigmaysa in maskaxdeennu xafidi karto wax u dhigma muusig si joogto ah oo taxan (Laguna soo celcelinayn) u baxaya muddo 200 oo sano ah.

Ugu dambayntii taladu waxa ay tahay in aynu ku xisaabtanno qaadka mucjisada ah ee ay maskaxdeennu u leedahay xafidista cilmiga, kuna tababarno in ay xafiddo macluumaad tiro badan, oo hadda laga yaabo in aaminsanaanta qaldan ee awoodda xafidista maskaxda ka qabno awgeed ama carbis la’aan darteed aynaan u xafidin ama isuguba deyin in aynu xusuusteenna ku kaydsanno cilmigaas.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories