HomeMashruucii Baanka Adduunka ee Somaliland Waxa uu La Mid Noqdey Barnaamijkii...

Mashruucii Baanka Adduunka ee Somaliland Waxa uu La Mid Noqdey Barnaamijkii Qiimee Qofkaaga! – W/Q: Cabdikariim Muxumed (Qaamuus)

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

cabdikarimMunaasibad  maalintay taariikhdu ahayd 11/3/2013 ka qabsoontay hotel maansoor ee magaalada hargaysa ayaa waxaa lagu shaaciyay 56 ruux oo lagu sheegay ganacsadayaal oola yidhi waxay  ku guulaysteen lacagihii deeqaha yaryar ee mashruucii  baanka aduunku ku maalgalinayay  ganacsatada Somaliland.

Mashruucan oo soo bilaabmay bishii 11 aad ee  dabayaaqadii sanadkii 2012 isla markaana lacag qadarkeeda lagu sheegay 14.1 milyan dolar inuu baanka aduunku ku maalgalinayo ganacsatada Somaliland,ayaa waxa wajigaa koowaad la bixiyay 4 milyan oo dolar ,Mashruucyadaasi ayaa waxaa u tartamay 1750 qof oo reer Somaliland ah oo tacab iyo tamar badanba galiyay hasayeeshee faro madhan la diray.Hadaba inkastoo hadii sidii loogu talogalay loo maamuli lahaa mashaariicdani wax badan ku kordhin lahayd ganacsiga wadanka iyo nolosha dhaqan dhaqaale ee Somaliland hasayeeshee nasiibdarada dhacday waxay tahay in la musuqmaasuqay oo ayna lacagtaasi gaadhin dadkii loogu talogalay ee magacyo been ah iyo liisano ganacsi oo inta badan lagala yimiday qurbaha gaar ahaan wadanka ingiriiska oo isuduwaha mashruuca Mr Nagiib Xasan Xaashi dagan yahay.

Mudane Nagiib Hassan Xaashi oo ahaa isuduwaha Somaliland business firm ee mashruucan baanka aduunka  iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo madaxda xukuumada oo xilal haya oo uu kamid yahay agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga mr  abiib iyo qaar kale ayaa ku heshiiyay oo magacyo iyo liisano ganacsi oo aan jirin ku wada qaatay lacagtii baanka aduunka.

 Nagiib Xasan Xaashi ayaa isagu inta badan dad ay isku jufo yihiin oo dagan dalka ingiriiska u sameeyay liisano ganacsi oo been abuura sidaana ugu wada qoray  lacagtii baanka aduunka.haatana  dalka ingiriiska u tagay siduu ula soo xisaabtami lahaa qaybtii hore ee fushay qaybta labaadna iskugu soo habayn lahaa.

waxaan jirin wax shuruudo ah oo dadka lagu kala saarayay oo  aan ahayn qabyaalad iyo heshiisyadaa hoose waxaana jiray dadka qaar oo inta la yidhi waad guuldaraysateen markay hoos hoos ula faqeen lagu daray liiska dadka guulaystay.

Hadaba iyadoo sidaasi looga wada warhayo umaduna wada ogtahay ayaa waxay tahay ayaandarada jirtaa in aan dawlada Somaliland wax talaabo ah ka qaadin  hantidaa umadee la dhacayo iyagoo arkaya.

Gebogebada waxaan u sheegaynaa  masuuliyiinta sarsare ee baanka aduunka iyo hayadaha caalamiga ah ee maalgalinayay mashruucan  inaan mashruucaa loo maamulin sidii la rabay isla markaaana lacagtii baanka aduunku la gaadhsiin dadkii loogu talogalay sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa in  dib u eegis ay ku sameeyaaan mashruucaa iyo mashaariicda lagu bixiyey lacagtii iyo dadka la siiyay inay yihiin ganacsadayaal rasmiya oo reer Somaliland ah. intaas ayaan ku soo gunaanadayaa qormadaydan koowaad hasayeeshee gadaal ayaan idiinku soo gudbin doonaa macluumaad faahfaahsan oo ku sahabsan magacyada liiska lagu qorey  iyo musuqmaasuqii mashruuca baanka aduunka ee uu gadh wadeenka ka yahay Mudane Nagiib Axmed Xaashi Waxaana marag madoon ah in mashruucii baanku la mid noqday barnaamijkii qiiimee qofkaaga

CABDI KARIIM MUXUMED CADDE (QAAMUUS)

SOMALILAND

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories