HomeMashruuca Kaamka Waxbarashada Iyo Samafalka KUWAYT ee Maanta Xadhiga laga Jaray Maxay...

Mashruuca Kaamka Waxbarashada Iyo Samafalka KUWAYT ee Maanta Xadhiga laga Jaray Maxay ku kala Duwanyihiin ka DJIBOUTI, Madaxweynuhu Ma Schoolkii Agoomaha ayuu Furayey Mise Schoolkii Caruurta Tijaarta?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

bidaarWaxa uu Maanta Xadhiga ka Jaray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Mashruuc ay Dalka KUWAYT Ka hirgalisay Dalalka Somaliland iyo DJIBOUTI, kaasi oo magaciisu yahay Kaamka Waxbarashada Iyo Samafalka ee KUWAYT, kaasi oo Ah runtii Dhisamayaal aad u qurux badan oo ah mid loogu talo galay Agoomaha Labada Dal.

Haddaba haddaynu u gundadegno Bud-Dhiga Mashruucan laga hirgeliyay labadan dale e kala ah DJIBOUTI iyo SOMALILAND, Haddaan ku horeeyo ka dalka Djibouti waa sidan;

  • Waxa Dalka Djibouti Qaybta Boodhinka Dhigta Arday Dhan Cadad ahaan 2000-Kun Arday oo agoomo ah,
  • Qaybta Dhayga ah Waxa Gala 3000-Kun Arday, Waxaana Dhaqaale ahaan Loo Siiyaa 100$ Dollar ardaygiiba (bas raac),
  • Waaxyaha ay uu u qaybsanyay Ka Djiboutina Waxay kala Yihin:
  1. Faarada Ama Nijaarada –Bilaash,
  2. Laydhka Ama Farsamadiisa –Bilaash,
  3. Almuniumka Ama Dhismaha Casriga ah-Bilaash,
  4. Laxaamada –Bilaash.

Haddaba, Walaalayaal sida ka muuqata mashruuca magaciisa oo ah Kaamka Waxbarashada Iyo Samafalka ee KUWAYT inagoo u Daadegeyna Somaliland kan laga hirgaliyey aan isku dayo Faahfaahintiisa Mashruuca inaad wax ka dhugataan waxanu yahay sidan.

Ujeedooyinka Mashruuca

  • Daryeelka iyo xanaanaynta Agoonta, Waxbarasho ahaan,maciishad ahaan,iyo caafimaad ahaanba,si ay u noqdaan dad wax tar u leh bulshada
  • In aan soo saarno Aqoonyahano iyo farsamayaqaano iyadoo la eegayo baahidda wadanka iyo horumarinta bulshada
  • Inuu ka qaybqaato horumarka guud ee Bulshada

Qaybaha uu Ka Koobanyahay Kaamku

  • Dugsiga Sare
  • Dugsiga Hoose/Dhexe
  • Dugsiga Farsamadda
  • Hoyga Agoonta iyo Ardayda kale
  • Masaajidka
  • Dhismaha Maamulka
  • Qaybta Furinka

Haddaba, aynu u Daadegno ardayda Wax ka barata kan caasimada Hargeysa oo isugu jira agoomo iyo caruurta tijaarta oo lacag fara badan laga qaado waana sidan:

  • Somaliland Ama Caasimada Hargeysa Agoomaha Meesha ku Jiraa waa Arday dhan 370- Arday (Saddex Boqol iyo Todobaatan)
  • Qaybta Barayfadka Gebi ahaan Munaasibada Laguma Soo Hadal Qaadin. Caruurtii Fiiga Laga Qaadayeyna ee Tijaarta Waa La Fasaxay
  • Qaybaha ay uu u qaybsanyay kan Hargeysa iyo lacagta laga qaado qayb kasta waxay kala yihin:
  1. Faarada Ama Nijaraada –Lacag dhan $50 (Konton Dollar) bishii
  2. Laydhka Ama Farsamadisa – $80 (Sideetan Dollar) bishii
  3. Almuniumka Ama Dhismaha Casriga ah- $120 (Boqol iyo Laabatan Dollar) bishii
  4. Laxaamada – $100 (Boqol Dollar) bishii.

Ardayda Ku Jirta Qaybta Barayfadka ah oo tiro ahaan ka Badan Tirada Agoomaha laban-laab una qaysama (dhay iyo boodhin) qayb basas lagu soo qaado iyo qayb boodhinka ku jira oo iyagu seexda sida agoomaha Lagu Magacaabay Mashruucan. Iyadoo kuwaa barayfadka ah ee lacagta laga qaado la qoro maalin walba ,Halka la yidhi Agoomihi Way idinka Buuxsantay .

Qaybta Barayfadka Day School iyo Boodhin Waxaana laga Kala Qaadaa Lacag Dhan.

  • Ardayga Dhayga ah ee Isagu ka Soo Rawaxa Waxa Bishii Laga Qaadaa Lacag Dhan $70 (Toddobaatan Dollar)
  • Halka Ardayga Boodhinka ah ee Isagu Seexanaya Waxna Ka cunaya laga Qaado Bishi 160$ (Boqol iyo Lixdan Dollar)Lacagtaasi oo ka Fara Badan Lacagta Ardayda Jaamacadaha laga qaado.

Su’aasha Iswaydiinta lehi waxay tahay Madaxweynuhu Ma School dad gaari leedahay oo ah kii Tijaarta ama dadka Wax haysta ayuu u Furay Mise School ay Agoomaha Somaliland loogu Deeqay ayaa La Furayey.

Madaxweyne Meesha aad maanta Furaysay waa meesha Caruurta Dhigata Saddex Daloolow Laba Dalool waa Caruurta Tijaarta ee Lacagta aan sare ku soo Sheegay laga Qaado Taasi oo aan jaamacadaha Dalka Ardayda Dhigata aan laga Qaadin, Waxaana Lagu Badalay oo La celiyey Caruurtii Agoonta ahayd, iIlaahay Hortina adigaa ka Masuul Ah Caruurtaa Agoonta ah ee la dumiyay Laguna Badalay Kuwii tijaarta. Wax ka Qabashadeedana Adaa Madaxweyne lagaa sugaya sidii Caruurtaa Agoonta ahi u heli lahayd Deeqdaas Waxbarasho ee Ilaahay u soo Diray, Madaxweyne Waxaan si sharaf leh kaaga Codsanaynaa Agoomahaa La Dulmiyey inaad Wax ka Qabo.

Haddaba Akriste Waaxad Oogatan in meeshan Walidiinta bixisay laacagta ee ubadkooda Geeyay inay booska ka Qaden Dad Agoomo ah Masakina taasi oo Akhiraana ilaahay Waydin doono Dadka Maamulka Gacanta ku haya ee Laacagta ka Dhigayna Waaxay ku Noqonaysa Xaaran ay ifka Qudanayan Taasi Waaxa Markhaati ka ah Maanta oo u Madaxweyne Siillanyo Goob jog u Aha Muunasibada isaguna uu Xadhiga ka jaray inay Faasax siyeen Ardaydi Laacagta aha ee ay Qaybta Maalinlaha ah ugu tala galeen keenena Muunasibada Ardaydi agoonta ahayd.

Tijaarta Waaxan leyahay Caruurtooda meesha geeyey marka meesha saddex meelodow laaba meelod loo Qaybiyo waaxad Qadateen Miyeydan ka Baqayan In Caruurtinu Agoomowdo Haddi Aad Caruurtina Dhisme Qurux Badan la Jeceshina Uu Dhisa Waad u Dhisi Karaysane Kaan Agooma loogu talo Galaye.

Waaxan ku Soo Gaboogabaynaya Walalayal Bal soo eega oo Soo Qimeeya hadi waaxas aan sheegay waax laga waayo aniga aya xaal bixinaya Xukumadana waaxan leyahay baal eega buuga la idin qaybiyey ee meesha yaala meeshana soo koormera oo ruunta soo tabta hadaydanidinkuna ka mid ahayn.

           

Cabdiraaxim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)

Cabdiraxiim9909@gmail.com

Hargeysa /Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories