HomeMashruuc Xirfado Shaqo iyo Meherado Ganacsi loogu furayo Afar Boqol oo Haween...

Mashruuc Xirfado Shaqo iyo Meherado Ganacsi loogu furayo Afar Boqol oo Haween ah oo Hargeysa ka Furmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Hargaysa ka furay mashruuc ballaadhan oo lagu xoojinayo duruufaha nololeed iyo kuwa shaqo ee haween weynaha Somaliland.
Mashruucan oo furitaankiisa ay ka qayb galeen ugu yaraan 35 xubnood oo ka kala socday ururrada bulshada iyo ururrada kale ee wadaniga (Local NGOs), waxaa ka faa’iidaysanaya haween dhan ilaa afar boqol oo loo abuurayo  ganacsi  yaryar, loona tababarayo xirfado shaqo oo ay ku shaqaystaan.
Agaasimaha guud waxa uu sheegay in xilligan la fulin doono in xirfadahaas ganacsi loo bilaabo 250 haween ah oo cusub iyadoo 150 haween ah oo ka mid ah kuwo uu hore ugu socdayna la sii xoojin doono.
Md Baashe waxa uu sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay qorshayaasha iyo dedaallada xukuumadda oo kaashanaysa Hay’adaha caalamiga ah, ay  ku doonayso in lagu xoojiyo cududda dhaqaale ee haweenka isla markaana lagu yaraynayo shaqo la’aanta dalka.  halka sidoo kalena uu tilmaamay in xoojinta haweenka somaliland aanay ku ekayn oo keliya sidii ay siyaasadda uga qayb geli lahaayeen laakiin ay ku taxaluqdo sidii hanaan shaqo oo muhiim u ah noloshooda iyo hanaan dhaqaale loogu abuuri lahaa haween weynaha Somaliland.
Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Abdiraxiim Sh Cismaan oo ka socday hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO, Marwo Amran cali Xiis oo ku hadashay magaca ururada wadaniga ah iyo Abdi Abdilaahi oo ah mas’uul ka socday waaxda haweenka ee wasaaradda shaqada iyo arimaha oo munaasabada mashruuca lagu furayey ka hadlay ayaa soo dhoweeyey faa’iidada uu mashruucu u leeyahay haweenka somaliland, halka dhankoodana ay ugu baaqeen haween-weynaha Somaliland inay ka faa’iidaystaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories