HomeMashruuc Talyaanigu Maalgelinayo oo Waddamo Geeska Afrika ah looga Faa’idaynayo waayo-aragnimada Somaliland...

Mashruuc Talyaanigu Maalgelinayo oo Waddamo Geeska Afrika ah looga Faa’idaynayo waayo-aragnimada Somaliland ee Nabadeynta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Pisa (SLpost)- Khabiir ka tirsan Jaamacadda Scoula Superiore Sant’Anna oo ku taala dalka Talyaaniga, ayaa Jaamacadda Hargeysa u imanaya duruus iyo casharro la xidhiidha nabadeynta oo ay ka qayb-qaadan doonaan khubaro iyo aqoonyahanno u dhashay waddamada Geeska Afrika.

Hargeisa UniversityQoraal shalay ka soo baxay xarunta jaamacddan oo ku taal magaalada Pisa ee dalka Talyaaniga, ayaa lagu sheegay in dhowr waddan oo Somaliland ku jirto ay ku qaadan doonaan Jaamacadda Hargeysa casharro la xidhiidha wada-xaajoodka iyo wada-noolaanshaha bulshooyinka ku nool gobollada ay khilaafka iyo dirirtu regaadiyeen.

Mashruucan oo wasaarada Arrimaha Gudaha Talyaaniga maalgelisay, ayaa lagu sheegay in muhiimada Talyaaniga iyo jaamacada Sant’Anna tahay sidii loogu gaadhi lahaa wada xaajood iyo wada noolaansho qeybaha dunida ee qalalaasahu ka jiro.

Khabiir lagu magacaabo Andrea de Guttry oo Shuruucda Caalamiga ka dhiga jaamacada Scuola Superiore Sant’Anna, ayaa lagu sheegay qoraalka inuu casharo la xidhiidha nabadeynta iyo qaabka loo Kasbado uu ka jeedin doono Xarunta Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacda Hargeysa.

“Muhiimada iyo xasaasiyadda talaabadani waxay muujinaysaa ku soo laabashada Talyaaniga ee saaxada muuqaal cusub. Sidoo kale, waxay siinaysa Soomaaliya fursad ay waddo cusub u marto, qaabka wada xaajoodka iyo nabadeynta,” sidaa waxa yidhi Prof. Guttry.

Casharadan oo xubno gaadhaya 45 kana kala socda Somaliland iyo wadamadda Geeska Afrika ku qaadan doonaan ayey ku korodhsanayaan qaababka ugu wanaagsan ee dawladnimada iyo khibradaha lama huraanka u ah u xalinta qaab nabadgelyo ah caqabadaha heer gobol iyo caalami.

Waxa qoraalkan lagu sheegay in kulankani uu maalinta Axadda ka furmayo Jaamacadda Hargeysa, isla markaana ay ka soo qayb-galayaan xubno ka tirsan xukuumadda oo lagu martiqaaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Qorsheynta Qaranka iyo Waxbarashada, Dr. Sacad Cali Shire iyo Marwo Zamzam Cabdi Adan.

Muhiimadda Kulankan ayaa lagu sifeeyey mid u faa’idaynaysa Qaramada Midoobay iyo Waddamada Geeska Afrika iyo in laga kasbado Somaliland nidaamka ay waayo-aragnimada u leedahay ee xalinta khilaafaadka iyo nabadeynta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories