HomeMashruuc Lagu Qabanaayo Biyaha Dooxyada Oo Baanka Aduunku Ugu Deeqay Somaliland

Mashruuc Lagu Qabanaayo Biyaha Dooxyada Oo Baanka Aduunku Ugu Deeqay Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)-Somaliland iyo baanka aduunka ayaa kala saxeexday mashruuc biyo loogu xidhaayo Somaliland.

Hashiiskan ayay ku bixi doontaa lacag gaadhaysa hal bilyan, waxaana wax lagaga qaban doonaa biyaha sii yaraanaya ee Somaliland, iyada oo lagu samayn doono biyo xidheeno lagu qabto biyaha dooxyada, waxaana si siman uga faa’idaysan doona dadka,xoolaha iyo beeraha Somaliland.

hqdefault (1)

kulankan heshiiska lagu kala saxeexayay oo ay xaadir ka haayeen wasaarada arimahani ay khuseeyaan ee deegaanka,beeraha,biyaha iyo wasaarada maaliyada oo dhaqaalaha baanka aduunku uu u soo marin doono.

Wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo saxeexaas kadib warbaahinta la hadashay waxa hadaladeeda ka mid ahaa“Waxaanu halkan ku saxeexaynay heshiis, dawlada Somaliland iyo ka dhaxeeya bangiga aduunka oo dhanka biyaha ah, waxaana ka qaybqaadanaya wasaaradaha biyaha,deegaanka, beeraha kuwaas oo ay lacagtu toos ugu soo mari doonto wasaarada maaliyada, waxaana inta ugu horaysaa ay hada noqon dontaa hal milyan oo doolar, waanu saxeexanay heshiiska oo sidaas ayuu ku dhanyahay, marka hore xukuumadda Somaliland ayaa arinka gacanta ku haysay markaas bangiga aduunka ayaa arkay waxaanu yidhi waa inaan anaguna wax idiinku darnaa.”

Sida oo kale wasiirka deegaanka iyo horumarinta reermiiga Shukri Baandare ayaa iyaduna faah faahisay waxyaabaha lagu qaban doono lacagtan“Halkan waxa maanta lagu kala saxeexay heshiis ka dhaxeeya dawlada Somaliland iyo baanka aduunka, heshiiskaas oo ah inay inaga caawiyaan dhanka biyaha oo ah dooxyada oo la xidhaayo oo ay ka wada faa’idaysan doonaan beeraha,xoolaha iyo dadka kala ee soconaaya, waa mashruuc sanad laga soo shaqaynaayay maantana gabogabadiisii taagantahay,wasaarada maaliyada ayaa la soo marinayaa, waxaana farxad ah in waxii shuruuc ahaa oo ay wasiirada saxeexeen, madaxweynuuna uu saxeexi doono marka uu baarlamaanka soo maro, waana heshiisyo inoo sahlaaya inay wasaarada maaliyada wax inoo soo maraan, wax allaale waxii shuruuc ah ee inoo sahlaaya inay dawladeena wax inoo soo maraan oo ay wasaarada maaliyadu isku taxaluujisay, bangiga aduunkana sanadka aanu soo wada shaqaynaynay aad ayay ugu amaanan yihiin, waxaan Alle ka rajaynaynaa inaanu si fiican uga soo bixi doono.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories