HomeMashruuc Biyaha Badda looga Faa’idaysanayo Beerashada Dalagga oo markii u horeysay laga...

Mashruuc Biyaha Badda looga Faa’idaysanayo Beerashada Dalagga oo markii u horeysay laga Fulinayo Dalalka Geeska Afrika oo Somaliland ku jirto & Khubaro ka hadashay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Birmingham (SLpost)- Mashruuc lagu kobcinayo dalagyada Beeraleydka ku nool dhulka lama-degaan-u-ekaha ah ee Geeska Qaaradda Afrika isla markaana ay ku baxayso malaayiin Dollar, ayaa lagu wadaa in laga fuliyo deegaanno ka tirsan Somaliland, iyadoo khubaro ka socota jaamacad ku taala dalka Ingiriisku dhowaan dalka u iman doonaan daraasaynta mashruucan.

Mashruucan oo ujeeddadiisu tahay in lagu yareeyo saamaynta Isbeddelka Cimillada Adduunku ku yeeshay beeralayda waddamada dunida saddexaa, loogana caawin lahaa inay ka maarmaan xilliyada Roobabka ee beerashada dalagyadoodu ku xidhan yihiin, una kordhin lahaayeen iyo sidii ay wax-soo-saarkooda uga heli lahaayeen dhaqaale laysku halayn karo, ayaa laga fulinayaa goobo cayiman oo mandaqadda Geeeska Afrika ka tirsan, kuwaas oo Somaliland ka mid tahay, gaar ahaan deegaannada ku teedsan Xeebaha dalka.

greenhousesSida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu shaaciyey warkan oo ka soo baxay Jaamacadda Aston ku taalla magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, koox ay hoggaaminayaan laba khabiir oo macalimiin ka ah Jaamacaddaas, ayaa ila filayaa inay dhowaan dalka u yimaaddaan bilowga daraasad loogu kuur-galayo hirgelinta mashruucan oo loogu talo-galay sidii looga faa’idaysan lahaa Biyaha Badda oo loo adeegsado waraabka Beeraha, waxaana qayb ka ah hirgelinta dhismayaal dusha sare ka dedan oo beeraha loo samaynayo

Khubaradan oo uu hoggaaminayo Dr Philip Davies iyo Dr Sotos Generalis, waxa ka hawl-gali doonaan sidii ay baadhis ugu samayn lahaayeen isla markaana u dejin lahaayeen nashqadda qaabka loo samaynayo dalag-beerashada Casriga ah ee Greenhouse oo ah farsamo nidaamka beeraha loogu beddelo dhismayaal dusha sare laga daboolay si dalagga looga ilaaliyo ileyska qoraxda, isal markaana waxa u dhammaystiran baahiyaadka suurta-galiya bixitaanka dalagyada kala duwan. waxa kael oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in khubaradani ay mashruuca kala kaashan doonaan Aqoonyahanno ka tirsan Jaamacadda Golis ee Somaliland iyo shirkadda fulinaysa oo lagu magacaabo Seawater Greenhouses Ltd.

“Wax-soo-saarka iyo Tayada dalagyada laga qoto beeraha Mashruucan Guryaha Cagaaran (Greenhouse), wuu ka tayo wanaagsan yahay, kana horumarsan yahay beer-falashada caadiga ah, isticmaalka biyaha iyo macdanaha kalena waxay ku wanaagsan yihiin dhinaca Dhaqaalaha. Marka la rakibo, waxa si toos ah loogu xidhayaa biyaha Badda iyadoo la isticmaalayo tamarta Qoraxda (Sollar Energy), dabadeedna waxa loo beddelayaa biyo Caadi ah oo loo adeegsado waraabta beeraha. Biyaha soo hadha ee badda waxa laga abuurayaa hawo qoyan, qabowna leh, taas oo yaraynaysa uumi-baxa dhirta. Cusbada ka soo hadha biyaha badda waxa looga faa’idaysanayaa cunto-karinta,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka lagaga hadlayo mashruucan.

Philip DaviesDr Philip Davies oo ah hormoodka Kulliyadda Engineering-ka iyo Sayniska ee Jaamacadda oo isagu ka hadlay faa’idada mashruucani leeyahay, ayaa sheegay inaanay beeralayda dalalka Geeska Afrika ka maarmi karin maalgelin dibadeed oo ay helaan maadaama oo cimillada deegaankooda u saamaxayn inay helaan dalag-beerasho laysku halleyn karo tayada iyo dakhliga ka soo baxa dalagyada ay beertaan. “Waxaan filayaa in mashruucani isbeddel ku samayn doono mustaqbalka dadka ku nool Geeska Afrika oo aad ugu baahan maagelin waxtar u leh korodhka xawliga ah ee dadka. Waxaanu si dhow ula shaqayn doonaa saaxiibbadayada Somaliland si aanu kor ugu qaadno fahamkayaga caqadaha nagaga iman kara gudaha, una xaqiijinno in taageradayadu wax-ku-ool tahay,” Sidaas ayuu yidhi Dr Philip.

Mashruucan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee la qorsheeyo in laga hirgeliyo geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland, ayaa la sheegay inuu wax weyn ka beddeli doono wax-saar-ka beeralayda isla markaana uu kordhin doono boqolkiiba 60 dalagyada u soo go’a beeralayda Gobolka. Waxa mashruucan maalgelintiisa bixinaya hay’adda Innovate UK oo taageero ka helaysa waaxda Horumarinta Caalmiga ah ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, iyadoo ay ku baxayso adduun lacagteed oo gaadhaya 772 Kun oo Giniga oo lacagta Ingiriiska ah.

Dhinaca kale, wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland oo aanu isku-deynay inaanu wax ka weydiinno qorshey lagu hirgelinayo mashruucan iyo faa’iidada uu u leeyahay Beeralaysa dalka, ayaan noo suurta-galin.

@Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories