HomeMasar Oo lagu Eedeeyay Tacadiyo Galmo Oo Tiro Badan

Masar Oo lagu Eedeeyay Tacadiyo Galmo Oo Tiro Badan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaahira, (SLpost)- Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa si weyn u adeegsanaya tacaddiyada dhanka galmada ah oo lagula kaco dadka la soo xidho, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’ad fadhigeedu yahay magaalada Paris oo lagu magacaabo International Federation for Human Rights (FIDH).Masar

Warbixinta ayaa sheegeysa in tacaddiyada dhanka galmada ahi ay kordheen tan iyo markii milatariga dalkaasi uu xilka la wareegay bishii July sanadkii 2013-kii.

Warbixintu waxa ay intaasi ku dartay in dadka tacaddiyadani gaysanaya ay ku naaloonayaan ujeedo siyaasadeed oo looga gol-leeyahay in lagu cabudhiyo dhamaan mucaaradka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi Masar ayaa sheegay in uusan ka hadli karin warbixintaasi tan iyo inta ay ka darsayaan xogta dhabta ah ee ay warbixintu xambaarsan tahay.

Warbixinta waxaa ka mid ah waxyaabo laga naxo. Waxay sheegeysaa in booliska, sirdoonka, iyo xubno ka mid ah militariga in ay dembiyo geystaan, oo ay ka mid tahay kufsi, tijaabo xoog ah oo dumarka lagu sameeyo, iyo kufsi wadareed.

Dhibanayaasha, oo rag iyo dumarba isugu jira waxaa ka mid ah ardeydii dibadbaxayaasha ahaa, dadka arimaha aadanaha u ololeeya, iyo caruur la xidhay.

Arrintan ayay hay’addu ku sheegeysaa in looga golleeyahay in laga joojiyo isu soo baxyada, iyada oo dadka dambigaasi gaystana aan lala xisaabtamin.

Hay’adda qortay warbixinta waxa ay sheegtay inaysan cadeyn karin in taliyayaasha ay amarka bixiyaan, laakiin xaddiga xadgudubka iyo isla xisaabtan la’aanta ay muujinayaan in istiraatiijiyad siyaasadeed ay jirto, sida hay hay’adda ku warrameyso.

Katherine Booth oo ah agaasimaha qaybta u dooda xuquuqda dumarka ee hay’addan ayaa BBC-da u sheegtay in maamulka ay si weyn u geystaan xadgudubyada galmada.

Waxaa jiro sheegashooyiin ah in dadka qaarkood oo dacwooday ay si nidaamsan u hor istaageen laamaha cadaaladda, ayna wajahaan hanjabaadyo iyo aargoosi ay kala kulmaan booliska iyo ilaalada xabsiyada.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories