HomeMasar iyo Jabuuti oo ka wada-hadlay Xaaladaha Ammaanka Mandaqadda oo Somaliland ku...

Masar iyo Jabuuti oo ka wada-hadlay Xaaladaha Ammaanka Mandaqadda oo Somaliland ku jirto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf  ayaa dhawaan kulan ujeeddo ballaadhan leh oo aan saxaafadda loo soo bandhigin la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar Sameh Shoukry oo dhowaan booqasho ku tagay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sida ay baahisay wakaaladda Wararka ee Intelligence Briefs oo ka faaloota wararka qarsoodiga ah ee Sirdoonka, waxa ay ujeeddada kulanka labada yeesheen kaga wada-hadleen Arrimaha Ammaanka ee isu-socodka iyo ganacsiga Badda Cas iyo guud ahaan xaaladda ammaan mandaqadda Geeska Afrika.

Masar Jabuuti

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in labada masuul ka wada-hadleen arrimo door ah sida xaaladda mandaqadda Geeska Afrika iyo sidoo kale sida uu yahay xidhiidhka xilligan ka dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea oo dhawaan laga dhex-bilaabay dhex-dhexaadin dhinaca muranka xuduudka oo udhexeeya labada waddan. Sidoo kale, natiijada ka soo baxday kulanka labada wasiir, waxa kale oo lagu sheegay inay si qoto-dheer uga wada-hadleen muhiimadda ay leedahay sii-xoojinta xidhiidhka labada waddan ka yeelan karaan wada-shaqadaynta dhinaca ammaanka iyo iskaagashiga baraanijyada horumarinteed.

Kulanka dhex-maray labada masuul ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dedaallo lagu xoojinayo ilaalinta ammaanka iyo isu-socodka gobollada Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed oo loo doortay inuu wakiil ka noqdo Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo dhawaan heshiisyo dhinacyo kala duwan la yeeshay dalalka ku midoobay ururka Midowga Carabta.

Bishii December ee sannadkii hore ayay ahayd markii uu dalka Sucuudigu ku dhawaaqay bilowga iskaashi dhinacyada Dhaqaalaha, Deegaanka iyo ammaanka ah oo dhexmara waddamada ku yaala Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyadoo laga faa’idaysanayo iskaashiga dhexmaraya oo ku saabsan danahooda siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo ammaanka. Dalalkan ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Sucuudiga, Masar, Urdun, Jabuuti, Suudaan, Yemen, Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa kale warku intaas ku daray in labada masuul isla soo qaadeen Awoodaha kala duwan ee Xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle isugu keentay waddankeeda, iyadoo dalkaas ay saldhigyo milatari ku leeyihiin tirada todoba waddan oo ka tirsan Quwadaha Miltari ee dalka. Waxa kulanka lagu xoojiyey sidii dalka Jabuuti u hirgelin lahaa isla markaana u dedejin lahaa Qorshe dalka Boqortooyada Sucuudigu Saldhig Milatari kaga samaysanayo dalkaas, taas oo lagu sheegay inay dheelli-tir u noqonayso awoodaha Milatari ee reer galbeedku ku leeyihiin Jamhuuriyadda Jabuuti.

Si kastaba ha ahaatee, Dalka Masar oo ka mid ah quwadaha ugu tunka weyn qaaradda Afrika, gaar ahaan mandaqadda Woqooyi-bari ee qaaradda oo marinka ganacsi ee biyaha badda Cas halbowle u ah, ayaa xilligan ku soo biiray awoodaha dalalka Carabta ee doonaya inay isku ballaadhiyaan mandaqadda Geeska Afrika oo halbowle u ah marinnada ganacsi caalamiga ah ee mandaqadda Geeska Afrika.

Waddanka Jabuuti ayaa marin muhiim ah u ah isu-socodka ganacsi ee gaadiidka badda, taasoo ka dhigtay inay ku soo hirtaan quwadaha milatari ee adduunka oo u door-biday inay ka dhigtaan saldhigyo ay ka ilaaliyaan ammaanka mandaqadda, Isu-socodka marinada ganacsi ee badda, la-dagaalanka budhcad-badeedka iyo ololaha lagula dagaalamo kooxaha xag-jirka ah ee ka hawl-gala Soomaaliya iyo Gacanka cadmeed. Waxaana ka mid ah waddamada Saldhigyada Milatari ka samaystay dalalka Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, dalka Sucuudiga oo dhawaan la filayo iyo Hindiya oo qorsheynaysa inay sidoo kale ka samaysato Saldhig Milatari. Waddanka Jabuuti oo lagu tilmaamo inaanu lahayn ilo-dhaqaale iyo kheyraad dabiici ah, ayaa dalalkaas dhammaantood ka qaata sannad kasta Adduun lacageed lagu qiyaaso Malaayiin Dollar.

Saldhigga Milari ee Faransiisku ku leeyahay dalka Jabuti waxa kale oo ka hawl-gala Ciidamo ka socda Dalalka Spain iyo Jarmalka. Saldhigga Milatari ee Maraykanka waxa ka hawl-gala Ciidamo ka socda dalka Ingiriiska halka sidoo kale Saldhigga Milatari ee Japan heshiis lagula galay inay ka hawl-galaan Ciidamo k asocda dalka Hindiya.

Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay Xarunta Daraasadaadka iyo Sirdoonka ee De Faakto, waddanka Maraykanka oo la wareegay saldhigga Milatari ee Lemonnier oo hore ugu xidhnaa dalka Faransiiska, waxaana xilligan ka hawl-gala tiro ku dhow 4000 Askari iyo shaqaale Maraykan ah, kaas oo sannad kasta kiradiisa laga bixiyo $63 Milyan. Waddanka Faransiiska oo hore u gumaysan jiray, waxa dalka Jabuuti ka jooga tirada ugu badan ee Ciidamo ka hawl-gala Saldhig Milatari oo ku yaalla dibadda dalkaas, waxaana ka hawl-gala 1,450 Askari. Sida Warbixinta lagu sheegay, waxa kale oo dalka Jabuuti ka hawl-gala 300 Askari oo ka tirsan Milatari dalka Talyaaniga oo saldhig Milatari ku leh.

@HIMILOMEDIA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories