HomeMASAR: Go’aan Maxkamadi ka soo Saartay Masiibo ka dhalatay Taageeraasha laba Naadi...

MASAR: Go’aan Maxkamadi ka soo Saartay Masiibo ka dhalatay Taageeraasha laba Naadi oo Isku-dhac dhexmaray oo mar kale Khasaare ba’an sababay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Port Said (SLpost)- Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay bannaan-bax ay sameynayeen dadweyne ka gadoodsan go’aan Maxkamadi xukun dil ah ku xukuntay 21 qof oo loo haystay inay ka dambeeyeen masiibo sannadkii hore ka dhacday garoon kubadda cagta ah oo ku yaala magaalada Port Said ee dalka Masar.
Dalka Masar oo ilaa Jimcihii loo dabbaal-degayey sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay markii xilka laga tuuray madaxweyne hore ee dalkaas Maxamed Xusni Mubaarak, waxa magaalada Port Said shalay ka bilaabmay bannaan-baxyo lagu diiddan yahay xukun Dil ah oo Maxkamadi ku ridday 21 nin oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen 74 qof oo ku dhintay isku-dhacyo dhexmaray taageerayaasha Kooxda ka dhigsan magaalada Qaahira ee Al Ahly iyo Kooxda Martida loo ahaa ee Al-Masri oo Bishii 2aad ee Sannadkii hore ciyaari ku dhexmartay magaalada Port Said, waxaanay dadka ku dhintay u badnaayeen taageerayaasha Martida ku ahaa garoonka.
port said clashQoysaskii dadkii ku dhintay isku-dhaca taageerayaasha oo maxkamadda ku sugnaa, ayaa marka kaliya farxad la kacay markii garsoore Sobhy Abdel Maguid ku dhawaaqay liiska magacyda 21-ka qof oo lagu xukumay dil-toogasho ah oo ay Ansixiyeen hoggaanka Sare ee Golaha Culimada ee dalkaasi.
Waxa kale oo dib loo dhigay xukuunnada dadka kiiskaas loo haysto oo tiradoodu dhan tahay 73 qof kuwaas sida uu garsooruhu sheegay dacwaddooda loo muddeeyey 9-ka Bisha March ee Sannadkan.
Dadka deggen magaalada Port Said ayaa bannaan-baxyo rabshado wata ka dhigtay jidadka magaaladaas iyaga oo ku doodayey in si sharci-darro ah raggaas loogu eedeeyey dhibaatadii ka dhacday garoonka, dhaawaqa rasaasta ayaa laga maqlayey meel ku dhow xabsi ay ku jiraan ragga falkaas loo xukumay.
Telefishanka Dawladda oo soo xiganaysa wasaaradda Caafimaadka, ayaa shaaciyey dhimashada 22 qof iyo dhaawac in ka badan 200 qof kuwaas oo ku waxyeelloobay isku-dhac dhexmaray ciidamada Ammaanka oo iyagana laba askari ka dhinteen.
Goobjooge ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee Reuters in mudaharaadayaashu ay weerareen saldhig boolis oo ku yaala magaalada Port Said, halkaas oo sidoo kale ay litirro iyo taayiro ku gubeen shaaracyada magaalada.
Sidoo kale, Jimcihii oo sannad-guurada lagu xusayo kacdoonkii dalkaas ka dhacay uu bilaabay, ayaa waxa ku dhintay sagaal qof oo badankoodu ku naf-waayeen isku-dhac ciidamada ammaanka ku dhexmaray magaalada Suez oo ciidamo badan lagu daabulay.
Xiisadaha Siyaasadeed ee ammaanka faraha ka baxay, ayaa sii huriyey kacdoonnada ka taagan dalkan ugu Dadka badan waddamada Carabta, waxaana laga baqayaa in Arrimahaasi khal-khal geliyaan qabsoomidda doorashada Baarlamanka oo lagu wado inay Qabsoonto Bisha April ee Sannadkan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories