HomeMarxuum Cumar Carte Qaalib iyo Suldaan Indho-Case oo Aas Qaran loo Sameeyey...

Marxuum Cumar Carte Qaalib iyo Suldaan Indho-Case oo Aas Qaran loo Sameeyey iyo Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb-galay Aaska wadareed qaran oo loo sameeyey Marxuum Cumar Carte Qaalib iyo Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle (Suldaan Indha-case) oo lagu Aasay Xabaalaha Baqiic ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo qoysaskii, qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Saddex Marxuum oo kala ah Marxuum Cumar Carte Qaalib iyo Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle (Suldaan Indha-case) iyo Marxuum Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo isagu ku dhintay dalka dibediisa balse aan weli dalka la keenin ayaa mid walba ka sheekeeyey Taariikhdii iyo halgankii ay ku lahaayeen Qaranka Somaliland.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan masuuliyiin tiro badan ayaa aaska ka raacay guriga Marxuumka waxaanu warbaahintii ku sugnayd goobta xabaasha kula hadlay, isagoo yidhi “Waxaynu joognaa maanta Geerida iyo Aaska laba Marxuum oo dalkan iyo dadkanba wax badan usoo qabtay Alle haw naxariisto ka hore waa Cumar Carte Qaalib qof walba oo Af-soomaali ku hadlaa wuu garanayaa Dawladdo badan iyo aqoonyahan badan oo Caalamka kamida, dad badan oo uu wax baray ayaa dalkan wax badan taray oo magac ku yeeshay , February 1960kii markii doorashada la helay ee la geli doono shirkii isku darka wuxuu ahaa Aqoonyahankii ku taliyey waar dib halloo dhigo raacsanaa ee labada Xisbi u kala dab qaaday, markii uu shaqeeyey ee uu Magaalada Hargeysa ka ahaa Dhiisayga (Badhasaab) wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee Dibjir guryo loo sameeyo ee sekeda la yidhaahdo Dibjir Band sameeyey, Markii uu Moosko loo magacaabay ee uu Xoghayaha ka ahaa Safaaraddii uu Qeybe ka ahaa Safiirka wuxuu ahaa dadkii diyaariyey Daraafkii uu Cabdirashiid doonayey in ciidamada ay nasiiyaan, kolkii danbena uu safiirkii Addis ababa inta badan ku raagay”.

“Cumar Carte Taariikh la yaab leh buu sameeyey oo siyaasada ah, wuxuu Taariikhda ku gelayaa Cumar Carte markii Siyaad Barre ka leexday majarihii Dawladd ee Soomaali wax u tarayey wuxuu hormuud ka ahaa isaga iyo Ismaaciil Cali Abokor raggii yidhi waar joog waad qaldan tahay ee dalka tan ka daa, Ismaaciil Cali Abokorna wuxuu ahaa ninkii gudaha u hanuuniyey ee todobada Sannadood u hayey wasaaradda warfaafinta iyo Iclaanka ee dhammaan dadka maskaxdooda Kacaanka u hanuuniyey iyagoo markaa iyagu niyad Saafiya la wada, habeen buu ciidan koofiyad cas ah ku fayliyey labadoodiiba todoba sanno oo Labaatan jirow ah buu geliyey labadoodiiba, markii uu Hargeysa uu garaacay ee gurigii Cumar Carte iyo ka ku xiga ee uu lahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo ka ku xiga ahaa Xasan Bakayr Saddexdaba uu dhulka la simay ayuu labadoodaba dil ku xukumay, iyagoo labadooda oo keliyi Silsilada ku xidhan, todoba wasiir baa lala xidhay shantii kale lama keenin Maxkamada labadooda iyo aqoonyahan 17 ah oo ay isku qolo yihiin baa la keenay ina Dusaa kamida oo nool waxaa kamida Eng Saleebaan Nuux”.

“Markii Hargeysa la dumiyey ee dagaalkii adkaaday ee Gaal iyo Islaama arkay Hargeysa waxa ku dhacaya ayaa laga sii daayey, dadbaa yidhaahda wuu saamaxay muu saamixin ee taagg baa loo sheegtay dedaal iyo dhiig baa lagu sii daayey isaga iyo ragga kaleba, markii la sii daayey Cumar Carte 100-kii nin ee manafeestada ahaa baa u ergo tegay waxaa la yidhi maanta Soomaliyi kaama maarantee noqo Ra’isal Wasaare arrin qadhaadh bay ahayd nin qoyskiisii la laayey oo gurigiisii dhulka lala simay oo dadkiisii qaxoonti loo diray, inta maanta halkaa iyo Xamar ka wada hadlaysa ayaa boqol ergay ugu tageen oo Cumarow maanta taariikhdaadii nagu gunto lagu yidhi, Ra’isal Wasaarihii buu noqday waa la dhegaysan waayey, maxay dawladdaasi u duntay oo Cumar loo dhegaysan waayey?”.

“Cumar markii ciidamadii Jabhaduhu dalka soo galeen wuu taliyey si xasuuqu u yaraado si dhimashadu u yaraato wuxuu yidhi ciidamadda Jabhadaha ah ee soo galay Somaliland SNM hubka haloo dhiibo SSDF haloo dhiibo inta kalena Caydiid hubka haloo dhiibo oo hubka shicibku gacanta ku hayo halagu wareejiyo Jabhadahaa maxaa ka dhacay? Maantay qoloda qoonfureed ku qoraan khaayin buu ahaa oo isagaa dalka dumiyey, muu ahayn khaayin, wuxuu daydayaayey inay dhimashadu yaraato laba kun (2,000) oo hubaysan oo Koonfur ah ayaa inta uu janankii la odhan jiray Caare yimi Burco laga kaxeeyey oo Xasan Kayd iyo Maxamed Kaahin farta ka saareen taariikhda in la qaldo maaha.

“Maxaa Cumar Carte dil loogu xukumay? SNM baad samaynaysaa baa lagu dilaayey isaga iyo Ismaaciil Cali Abokor, waa kii 1997-kii inoo yimi ee ka shaqaynayey nabada ee shirkii danbena joogay ee lagu dhisaayey Somaliland ilaa uu Cigaal ahaa ninkii shirkaa kasoo baxay, horta Cumar waa ninka taariikhdaa iyo mid ka badan leh, maanta Xamar waxa ka socota waxaad moodaa sawirkii in sawirkii Ismaaciil Cali Abokor, Cumar Carte iyo Silaanyo lahaayeen waar ka daa, maanta ninka Guurtida xukuma ee la yidhaahdo Cabdi Xaashi iyo dawladda Xamar ka dhisan waa Sawirka,Sawirkiisii baa maantana Xamar ka taagan waxaa se nacasnimo haysaa kuwo u tegay ee leh Xamar hanalagu doorto, Cumar Carte Alle haw naxariisto”.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu ka hadlay aaska Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle iyo Marxuum Dr. Aadan Yuusuf Abokor waxaanu yidhi “Suldaan Maxamed waa la mid 10-sanno oo Xabsi ah buu dhameeyey oo Siyaad Barre ku xukumay markii uu kasoo baxayna halkii uu hubka qaatay isagoo da’adaas ah ilaa maalintaana muu dhigin dalka halgankiisa, waxaa kale oo aan isna u ducaynaynaa oo Turkiga ku dhintay shalay Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo kamid ahaa qoladii UFFO oo kamid ahaa raggii Xabsigaa dheer lagu xukumay, Ilaahay baa isku beegay Xabaashooda Suldaaan, Maxamed Maxamuud Xandulle, Cumar Carte Qaalib iyo Dr. Aadan Yusuf Abokor, Saddexdoodaba Alle haw naxariisto danbigooda Alle ha dhaafo wixii Muslina ee ka horeeyey Alle haw dhaafo innagana Alle haynooga daba naxariisto ehelkoodii, qoysaskoodii iyo Qarankaba dhammaantoodba Ilaahay Samir iyo iimaan haynaga siiyo, kuwo kheyr qaba oo halkoodii gala Alle haynoo abuuro”.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq dheer u diray dhalinyarada maanta ee reer Somaliland waxaanu yidhi “Dhalinyarada inta i maqalysa waxaan leeyahay raggaasi noloshoodii Somaliland bay u hureen waxaanay u dhinteen halgankii Caafimaad daradii kasoo gaadhay dhammaantiin waxaa laydinka rabbaa dabkii ay shideen inaad qaadaan oo Somaliland halkaa ka dhistaan”.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank

blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
blank
default

blank blank blank blank blank

blank
default

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories