HomeMarxuum Abwaan Cabdilaahi Dhoodaan oo Maanta lagu Aasay Magaalada Jijiga ee Ismaamulka...

Marxuum Abwaan Cabdilaahi Dhoodaan oo Maanta lagu Aasay Magaalada Jijiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jijiga (SLpost)- Alle ha u Naxariistee waxa Galabta Si Heer qaran ah loogu aasay Magaalada Jig Jiga ee Xarunta Dawlad Deegaaneedka Somalida Itoobiya Marxuun Cabdilaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) oo ka Mid ahaa Shakhsiyaadkii Calanka u Siday Suugaan Murtiyeedka Somalida.

Alle ha u naxariistee Marxuun Cabdilaahi Macalin Axmed Dhoodaan oo lagu aasay Xabaalaha Sheekh Cali Guure ee Magaalada Jigjiga , Waxaa  Aaska Qaran ee Marxuunka ka qayb galay Wufuud isaga kala Yimid Wadamada ku hadla Afka Somaliga Waxaana Dhinaca Somaliland uga Qayb galay aaskaas Wefti ka Kooban Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta Mudane Abiib Diiriye Nuur,Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade,Abwaanada ugu waaweyn Somaliland,Bah’da Fanka iyo Qaybaha Warbaahinta Somaliland .

dhoodaanXubnaha Wasiirada Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah oo ay Xukuumada Somaliland ka sidaan Gaadhsiiyay dhamaan Shucuubta Wadanka Itoobiya,Gaar ahaan Ismaamulka Kililka Shanaad iyagoo xusay in Marxuunku uu ka baxay Guud ahaan inta ku hadasha Afka Somaliga oo uu abwaan u ahaa.

Ilaahay naxariistiisii Jano ha ugu deeqee Abwaan C.laahi Macalin Axmed oo ku magac dheeraa Dhoodaan,Waxaa Lagu Xasuustaa doorkii Shariifka ahaa ee uu Ka Soo qaatay halgamadii Hubaysnaa ee lagaga soo Horjeeday Taliskii Siyaad bare,Isagoo ahaa Qof Neceb Qabyaalada, iyo Cadaalad darada.

Eebbe ha u naxariistee Marxuun Dhoodaan Waxa uu ahaa Suugaan yahan ku talax tagay dhaqanka, iyo nolosha bulshada Somaalida isagoo ka Mid ahaa dadka faro ku tiriska ah ee ay Suugaantooda ay ka madhan tahay Ereyada Luuqadaha Ajaanibka ee Luuqadeena ku Milmay.

Eebbe ha u naxariistee Marxuun Cabdulaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) waxuu ku dhashay sanadii 1941-dii, Miyiga magaaladda Wardheer ee Kililka Shanaad ee dalka Ethiopia, Abwaan Dhoodaan Wuxuu kusoo barbaaray isla deegaan kaas, waxuuna Meerinta Gabayga, Geeraarka iyo Dhaantada uu bilaabay isaga oo 16 Sano Jir ah Eebe ha u naxariistee intii uu saaxada Suugaanta ku jiray wuxuu curiyey Suugaan kala duwan Sida Gabayo,Riwaayado, Heeso Jacbur ah, Geeraaro iyo dhaantooyin aad loo jeclaa,oo dhegta Maqashaa aanay ka Xiise Goyn.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories