HomeMarxuum Aadan Mire Waqaf oo si heer qaran ah maanta loo Aasay...

Marxuum Aadan Mire Waqaf oo si heer qaran ah maanta loo Aasay iyo Hadalladii Masuuliyinta Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 12 January, 2012 (SLpost)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” oo uu weheliyo Ku-xigeenka 1aad Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, UCID Injineer Faysal Cali Waraabe Xubno ka tirsan Golaha wasiirada ayaa maanta ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Ilaahay Naxariistiisi Janno ha ugu deeqee Marxuun Aadan Maxamed Mire “Waqaf” oo dhawaan ku geeriyooday wadanka Maleesiya maantana lagu aasay Xabaalaha Naasa Hablood ee caasimada Hargaysa.

Waxaa kale oo aaska Marxuunka ka qayb galay Wasiirada Madaxtooyada,Macdanta iyo Biyaha,Dib u dejinta ,Duulista iyo Hawada iyo boqolaal ka mid ah Shacbiga ku nool caasimada dalka ee hargaysa.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” oo halkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay marxuunka shakhsi wadaniyad iyo dal jacayl leh isla markaana ku wanaagsanaa dhinaca Cibaadada isagoo eebe uga baryay inuu Naxariistiisa balaadhan ka waraabiyo.

sidoo kale Gudoomiyaha  Xisbiyada Talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ku sheegay in mudadii uu marxuunku ku jiray saaxada Siyaasada Somaliland uu mar kastaba door hogaamineed ka qaadan jiray xaaladaha adagi marka ay la soo darsaan qaranka .

Geesta kale Gudoomiyaha  Ucid Injineer Faysal Cali Waraabe ayaa dhiniciisa ka sheegay inuu marxuunku ahaa shakhsiyaadka hal doorka u ah dhinaca siyaasada isla markaana ay Sannado badan soo wadaageen duruufo nololeed iyo mid siyaasadeedba waxaa uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ilaahay uga baryay inuu marxuun Aadan Maxamed Mire “Waqaf” naxariistiisa jano ugu deeqo Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland uu ka siiyo Samir iyo Iimaan.

Wasiirada Madaxtooyada,Macdanta iyo Biyaha,Dib u dejinta ,Duulista iyo Hawada ayaa mid kastaaba dhiniciisa waxa uu ka waramay taariikhda uu ka yaqaan Marxuunka.

Marxuun Aadan Maxamed Mire “Waqaf” naxariistiisa jano Alle ha ugu deeqee waxa uu Sanadkii 1947-kii ku dhashay magaalada hargaysa, isagoo aqoontiisii waxbarasho ku soo qaatay magaalooyinka hargaysa iyo Muqdisho, waxaa kale oo uu waxbarasho dibadeed oo ku wajahan dhinaca ciidamada ku soo qaatay dal weynihii la isku odhan jiray Midowga Soofyeeti .

Waxa uu marxuunku xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland isagoo mar ahaa Maayarka Magaalada Burco waxaa kale oo uu soo qabtay Jagooynka Wasiirul dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadii uu hogaaminayay Daahir Rayaale Kaahin waxaana xilka Wasiirka Gaashaandhiga laga Qaaday Sannadkii 2007-dii isagoo markaas kadib ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo uu markiiba ka noqday Gudoomiye ku xigeen isagoo jagadaas hayay ilaa dabayaaqadii kal hore.

Illaaahay ha u naxariistee marxuunka ayaa mudooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad ugu maqnaa waddanka Malaysia, halkaas oo uu ku geeriyooday.

Marxuum Aadan Waqaf wuxuu ifka kaga tagay Shan Carruur ah iyo laba Xaas.

Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi Raajicuun

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories