Home"Marxalad Kala Guur Ah Ayaa La Galay, Hoggaankii Dalkana Dabac Weyn Ayaa...

“Marxalad Kala Guur Ah Ayaa La Galay, Hoggaankii Dalkana Dabac Weyn Ayaa Ka Muuqda” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah golaha wakiilada, kana tirsan xisbiga Waddani, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland marayso, isagoo xusay in dabac weyni ka muuqdo hoggaankii dalka taas oo haddii aan isbedel dhab ah la  helin shacabka ku keeni karta niyad jab.

Abdiqadir-Jirde

 

 

Xildhibaan Jirde, wuxuu kaloo ka dayriyay isku shaandhayntii u dambaysay oo uu isweydiiyay cidda wasiirada magacawda ee bedesha ama xilka ka qaada, waxaanu si gaar ah ugu hal qabsaday danta ku jirta wasaaradda duulista oo toban bilood gudahood maraysa 3 wasiir. Wuxuu Jirde tilmaamay in la wada arkayo wasiir bedelaya wasiir kale.

 

 

Xildhibaanka oo uu Geeska Afrika weydiiyay sida uu u arko xaaladda dalku maanta marayo, wuxuu yidhi “Marxalad adag ayaa la gaadhay oo marxalad kala guur ah ayaa la galay, hoggaankii dalkana dabac weyn ayaa ka muuqda, waa marxaladaha dadku uu dawladnimada iyo dimuqraadiyadda ka niyad jabo haddii aan la toosin, waxaynu arkaynaa maamul wakhtigiisii dhammaaday oo haddana heshiisiyo soddon sanno ah galaya, heshiiskaas oo wax badan oo mugdi ahi ku jiraan oo aan la sharixin ama laga jawaabin, su’aalihii aanu baarlamaanka ka weydiinay oo la iska dhego mariyay oo aan wax jawaab ah lanaga siin oo aad moodo inay u eegyihiin dad saacadi ka dhacayso oo intaan saacadii dhicin ka gaadhsiinaya, taladii dalka ee ahaan jirtay  wada tashi iyo is qancintuna waxay ku soo ururtay qasriga madaxtooyada.

 

Taasina umad badan oo yididiilo qabtay in dalku horumari  doono ay hadda shaki gelinayaan xaaladda lagu jiro oo ay qabaan haddii aan sidaas wax laga bedelin oo doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomin oo aan isbedel dhab ah guntida loo xidhan inuu dadku niyad jabi doono.”

 

Xildhibaan Jirde, isagoo hadalkiisa sii wata kana hadlaya siyaasad iyo barnaamij dhammaystiran in loo baahanyahay si loo soo celiyo yididiiladii shacabka ee ahayd in Somaliland gaadhi karto horumar, wuxuu yidhi “Waxa loo baahanayahay siyaasad iyo barnaamij dhammaystiran oo dalkan lagu badbaadiyo yididiiladii shacabkana la soo celiyo inay Somaliland horumar gaadhi doonto, ictiraaf gaadhi doonto iyo dadka oo isu niyad samaada gobal ahaan iyo beel ahaanba, taasna waxa lagu gaadhi karaa uun iyadoo nidaamkeena siyaasadeed dib u habayn xoog leh lagu sameeyo oo arrinta saami qaybsiga sees adag loo dhigo mustaqbalka;  arrinta guurtida oo iyana maanta si ay tahayba aanay ciddiba garanayn iyana in qaraar laga gaadho oo aanay sidan isaga sii fadhiyin. Dimuqraadiyadu waxay ku burburtaa marka dadku ka niyad jabo ee yididiilo la waayo, si taas looga baxo markaas waa in tallo fog laga yeeshaa Somaliland halkay u socoto iyo halkay u guurayso iyo halkay geediga u tahay mustaqbalka dhow iyo mustaqbalka fogba.”

 

Xildhibaan Jirde oo la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa sida uu u arko wasiirada tirada badan ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabo iyo isku shaandhayntii u dambaysay, wuxuu yidhi  “Waa mushkiladaha ay leedahay markuu itijaahu lumo ee xukuumadii siyaasad hoggaamisa la waayo ee ay noqoto uun waar maanta maxaa ina horyaala ee maxaynu hiigsanaynaa aan la isweydiin  ee taladu noqoto ragga wadhaf malagu daayay, waa nin talo kale waayay.

 

mida kale waxa isweydiin mudan wasiirada yaa magacaaba maanta, wasiir magacaabaya wasiir kale  ayaynu aragnaa, wasiir intuu xilka ka qaado wasiir kale u bedelaya wasaarad kale ayaynu aragnaa, waana la wada ogyahay  oo saxaafadda waad ku aragteen niman  badan oo ka faaloonaya oo leh wasaaradda duulista horta yaa bedela oo magacaaba wasiiradeeda.

 

Wasaaradaas duulista Saddex wasiir ayaa toban bilood gudahood soo maray oo mid waliba markuu talaabo hore u socod ah is yidhaahdo qaad oo wax bedel oo meeshii dib u habee in la odhanayo uun ina dhaafiya, markaas su’aashu waxa weeye wasiiradan tirada badan cidda magacawda hala is weydiiyo, maskaxda iyo talada ka dambaysaa maxay tahay.

 

Xikmada ay  ku fadhido wasaaradaas ay tobanka bilood saddexda wasiir soo mareen ayaa inooga daliil ah in isku shaandhayntani ahayn mid caqli iyo cilmi ku fadhida ee ay tahay wax si kale loo adeegsanayo.”

 

Cabdiqaadir Jirde oo wax laga weydiiyay xisbiga Waddani iyo wada hadalo u socday taageerayaashiisa iyo xisbiga Waddani,  wuxuu yidhi, “Arrintaas wada hadalka Waddani iyo taageerayaashaydu  meel wanaagsan ayay maraysaa, aniguna waxaan u sharaxanahay oo aan doonayaa inaan noqdo guddoomiyaha xisbiga Waddani oo hadda meel wanaagsan ayay hawshaasi maraysaa.”

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories