HomeMarwo Edna Aadan Oo Lagu Daray Liiska  Dadka  U Sharaxan Abaal Marin...

Marwo Edna Aadan Oo Lagu Daray Liiska  Dadka  U Sharaxan Abaal Marin Caalami Ah Oo Uu Baarlamaanka Yarub Bixiyo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Marwo Edna Aaden Ismaaciil oo hore u ahayd wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, isla markaana ah shakhsiyad caalamiya oo u dhinaca caafimaadka haweenka iyo daryeelkooda lagu yaqaan ayaa lagu daray liiska dadka sannadkan 2015ka u sharraxan abaal-marinta Xoriyadda Fikirka ee uu Baarlamanka Midowga Yurub bixiyo sannad kasta.

dheeh(1)

Abaalmarintan la aas-aasay sannadkii 1988kii oo loogu magac daray Saynisyahan Andrei Sakharov oo u dhashay Midowga Soofiyati balse mucaarad adag ku ahaa, ayaa uu Baarlamanka Midowga Yurub ku maamuusaa shakhsiyaadka iyo kooxaha noloshooda u hibeeya difaaca xuquuqda aadamaha iyo xoriyadda fikirka.

War lagu baahiyey shabakadda wararka ee baarlamanka Midowga Yurub oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu sheegay in, “Edna Aaden Ismaaciil oo ah ruux u halgama joojinta gudniinka Fircooniga ah, horena wasiir u soo noqotay. Isla markaana ah agaasimaha guud iyo aas-aasaha cisbitaalka dhalmada ee Edna Adan oo ku yaalla Hargeysa, Somaliland lagu daray liiska dadka u sharraxan abaalmarinta Sakharov. Waxaana Edna soo sharraxay xisbiga Xorriyadda iyo Dimuqraaddiyadda tooska ah ee Yurub oo magaciisa loo soo gaabiyo EFDD xildhibaannana ku leh baarlamanka”

Liiska murashaxiinta abaalmarintan Sakharov ee sannadka 2015ka ayaa lagu dhawaaqay khamiistii 10ka September, laakiin waxaa kala saarista liiskan la soo saarayaa 28ka September iyada oo ruuxa ugu dambeeya ee ku guulaystana lagu dhawaaqi doono bisha foodda innagu soo haysa ee October.

Liiska Murashaxiinta abaalmarintan Sakharov waxaa lagu daraa dadka ay soo jeediyaan ururrada siyaasadda ama ugu yaraan 40 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub, kadib waxaa loo gudbiyaa guddida arrimaha dibadda iyo horumarinta ee Midowga Yurub si ay dadka la soo sharraxay uga soo dhex doortaan saddex qof oo keliya. Markaa kadibna waxaa loo gudbiyaa golaha madaxtooyada ee midowga Yurub, oo ka kooban madaxweynaha Midowga Yurub iyo hoggaamiyeyaasha ururrada siyaasadda si ay iyaguna saddexda loo soo gudbiyey mid ka mid ah cod ugu soo doortaan. Midkaas ayaana la siiyaa abaalmarinta Sakharov ee sannadkaas.

Abaalmarintan waxaa lagu bilaabay halyeeygii la dagaallanka Midab-takoorka ee Konfur Afrika Nelson Mandela oo isaga iyo qoraa u dhashay Miwoga Soofiyati la wadaajiyey sannadkii 1988kii. Dadka kale ee caanka ah ee la siiyeyna waxaa ka mid ah Ibraahim Rugova oo ah siyaasi caan ah oo u dhashay Kosovo, isla markaana ahaa madaxweynihii u horreeyey ee jamhuuriyadda cusub ee Kosovo, Xanaana Gusmao oo isna ahaa madaxweynihii u horreeyey ee dalka East Timor iyo sannadkii 2003da oo la siiyey xoghayihii guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annaan.

Dadka kale ee Abaal marinta Sakharov sannadkan Marwo Edna la sharraxan waxaa ka mid ah; Raif Badawi oo u dhashay dalka Sucuudiga, maxaabiis siyaasadeed oo ku xidhan dalka Venezuela, Raysalwasaare ku xigeenkii hore ee Ruushka Boris Nemstov oo noqday mucaarad bishii Labaad ee sannadkan 2015kana lagu khaarajiyey Moscow, Nadiya, Savchenko oo ah siyaasi u dhashay Ukraine oo mar si sharci-darro ah loogu gacan geliyey Ruushka. Sir fashiliyeyaasha caanka ah ee Edward Snowden, Antoine Deltour iyo Stephanie Gibaud.

Abaalmarintan waxaa ku lammaan 50 kun oo lacagta Midowga Yurub ah.

Xigasho Geeska Afrika

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories