HomeMarwo Aamina Waris oo Cusbitaalka Dhimirka ee Berbera Gaadhsiisay Daawooyin iyo Xoolo

Marwo Aamina Waris oo Cusbitaalka Dhimirka ee Berbera Gaadhsiisay Daawooyin iyo Xoolo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)- Marwada Koowaad ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland  Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde Oo ku guda jirta socdaal ay ugu soo kicitintay Gobolada Togdheer iyo Saaxil islamarkaaa ku sugan Magaalo Xeebeeda marsada Berbera ayaa saaka booqasho ku tagtay Cusbitaalka guud ee Berbera, qaar kamida Xanoonooyinka (MCH) Berbera iyo Dhakhtarka Dhimirka dhamaan waxay goobahaasi gaadhsiisay deeqo kala duwan oo isugu jira Daawooyin, iyo Xoolo nool, sidoo kale waxaa halkaasi warbixino kala duwan ku siiyey masuuliyiinta caafimaadka Gobolka iyo Dhakhaatiirka gacanta ku haysa goobahaasi.

 

Marwada Qaranku waxay ka qeyb gashay munaasibad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen masuuliyiinta Hay’adda Wadanigaa ee YOVENCO oo xaruntoodu tahay Magaalada Berbera laguna xusaayey maalinta Xuquuqul aadanaha aduunka, Madasha waxaa goob joog ka ahaa Maamulka Gobolka Saaxil, Maareeyaha Dekeda Berbera, Gudoomiyaha Degmada Berbera.

 

Marwo Aamina Waris waxay munaasibadaasi  ka jeediyey khudbad ay kaga hadlayso  Xuska Xuquuqul insaanka, iyadoo ku dar daartay cid kasta oo muwaadin ah in ay xaq u leedahay in xuquuqdooda la dhawro sidoo kale iyaguna ay dhawraan xaq iyo xuquuqda dadka, taasina ay keenayso. Marwadu waxay sheegtay inay heerka waxbarashada labaad ee loo yaqaan  (Masterate) ku diyaarisay barasahda xuquuqda aadamaha  sidoo kalena ay ka shaqaynaysay muddo Labaatan Sannadood ah, halka ay sidoo kalena ka shaqaynaysay  muddo Shan sannadood ah Mihnada Saxaafada iyadoo in badan oo ka mida Suxufiyiinta siin jirtay tababaro islamarkaana ahayd macalimad, waxaa ay hoosta ka xariiqday inaanay marnaba ku diirsanayn qalbigeeduna ogolaanayn in qof muwaadin ah lagu tunto xuquuqdiisa laguna tacadiyo maadaama ay tahay qof garanaya xuquuqda aadamaha, qofkasta oo masuul ahna ay saaran tahay.

 

Dhanka kale waxay marwadu nasiib xumo ku tilmaan tahay in xuquuqda dadka lagu tunto isla mar ahaantaana dar daaran u dirtay Saxaafada Somaliland kuna boorisay inay  dhaliilaha iyo shakhsi weerarka aanu fiicnayn  iskana daayaan, sidoo kalena ay ka waantoobaan Wararka aanay cadaymaha u hayn iyadoo dhankeeda xustay inaanay raali ka ahayn xidhitaanka saxaafada balse ay tahay inay saxaafadu doorkeeda ilaaliso.

Guntii iyo gaba gabadii khudbadan Marwada oo taabanaysay meelo dhawra ayaa kusoo biyo shubanaysay dardaaran iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha, taasi oo micnaheedu yahay in Muwadin kastaaba uu dhawro xaqa iyo xuquuqda uu ku leeyahay dalkiisa, dadkiisa  isaguna uu heli doono xuquuqdiisa marka uu dhawro kuwa dadka kale.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories