HomeMarwada Madaxweynaha oo soo dhawaysay ka-hadalka Culimada ee Doorka Haweenayda Muslimadda ah...

Marwada Madaxweynaha oo soo dhawaysay ka-hadalka Culimada ee Doorka Haweenayda Muslimadda ah ee Qoyska iyo Xuquuqda Diintu siisay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 02 April, 2012 (SLpost)- Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde ayaa Maanta soo dhawaysay in Culimadu ka hadlaan doorka haweenayda Muslimka ahi ka qaadan karto barbaarinta ubadka iyo dhawrista Xuquuqda ay diinta Islaamku siisay.

Marwada Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeedisay Muxaadiro uu soo qaban qaabiyay Machadka Faafinta diinta Islaamka isla markaana ay ka qayb galeen in ku dhaw boqol haween ah oo qaarkood ay ku jiraan golayaasha qaranka kaas oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Haweenka Amaal Xaaji Miisaan oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa uga mahadcelisay machadkani inuu soo agaasimo kulamo aqoonta haweenka kor loogu qaadayo iyadoo ku boorisay Machadka faafinta diinta islaamku inuu sii wado mawduucyada diiniga ah ee ku saabsan arrimaha haweenka .

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde oo madashaasi ka hadashay ayaa soo dhawaysay in Culimadu ka hadasho kaalinta haweenayda muslimada ahi kaga jirto barbaarinta ubadka iyo xuquuqaha ay diinteenu  u gaar yeeshay. Waxay marwada madaxweynuhu sheegtay in Machadkani uu qayb weyn ka qaato caawimo-ka-gaysashada Caruurta Agoomaha ah waxaanay intaas ku dartay inay haween ahaan ku garab joogaan dacwada islaamiga ah ee ay wadaan.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories