HomeMarwada Madaxweynaha oo Sheegtay inaanay haweenka Somaliland Cidna u daba-fadhiisanayn Kootada Kuraasta...

Marwada Madaxweynaha oo Sheegtay inaanay haweenka Somaliland Cidna u daba-fadhiisanayn Kootada Kuraasta Goleyaasha Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

aaminaHargeysa (SLpost)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde, ayaa sheegtay xilalka Wasiirrada ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo laga siiyey haweenku aanay ahayn wax iska yimi balse ay tahay mid ka tarjumaysa kartida  ay haweenka leeyihiin.

Marwo Aamina Maxamuud Jirde waxa kale oo ay in Wasiirrada haweenka ah ee Xukuumadda ka tirsan ay ku jiraan xubnaha wax-qabadkoodu ugu fir-fircoon yahay Golaha Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaanay sidaas ka sheegtay munaasibad lagu xusayey maalinta haween-weynaha adduunka ee 8-da March oo caawa lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa,

Marwada oo ka hadlayey doorka haweenku ku leeyihiin horumarka iyo dhismihii dalku soo maray, waxa ay tidhi, “Haddaanu nahay haweenka, waxaanu qirsannahay inay raggu yihiin laf-dhabarta wax-qabadka dalka, laakiin haweenku ka sii yar fiican yihiin. Haweeku kaalin weyn ayay ka soo qaateen halgankii dalka xornimadiisa lagu soo celiyey iyo halgankii horumarka labaatanka sanno ee dalku soo jiray iyo ka aynu maanta ku jirno, haweenku halkay ka soo galeen iyo waxay ka soo qabteen waa lama illaawaan.”

“Hadday tahay dawladda maanta jirta haweenku waa u laf-dhabar hadday yihiin bulshada guud ahaan ee taageera nabadda, dawladnimada, horumarka way mahadsan yihiin. Dawladda maanta jirta haweenku wasaaradaha ay hayaan si qorshaysan ayaa loogu dooray wasaaradaha u muhiimsan ee u waaweyn hadday tahay waxbarashada, deegaanka, caafimaadka, Arrimaha Bulshada iyo Shaqada, waxa la qiray inay qaban karaan, waxaanan idinku bushaaraynayaa Wasiirrada ugu fir-fircoon ee ugu wax-qabadka badan inay hablaha wasiirrada ahi ku jiraan,” ayey tidhi Marwo Aamina..

IMG_0115Waxa kale oo ay marwada Madaxweynuhu ka hadashay ka-qayb-qaadashada haweenka ee goleyaasha Dawladda, iyada oo meesha ka saartay inaanay haweenku xaq u lahayn in kuraas gaar ah looga qoondeeyo goleyaasha sharci-dejinta.

“Arrintan Kootada ee had iyo jeer laga hadlo, runtu sida ay tahay ma aha arrin baryootan ah, maha arrin ay leedahay dumarku way jilicsan yihin, wax ma goosan karaan ee raggayagiiyow waan idin baryeynaa ee noo arxama, maaha arrintu ee caadooyinkeenna iyo dhaqankeeda ayaa dumarka ka dambeysiiyey ragga. Laakin annagu ma diiddanin wax ay Diintu u diidday Dumarka inay ku tallaabsadaan,” ayey tidhi Marwada madaxweynaha Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories