HomeMarwada Madaxweynaha oo Hadyado kala Duwan ugu Deeqday Xarumaha Dhaqan-celinta Darbi-jiifka iyo...

Marwada Madaxweynaha oo Hadyado kala Duwan ugu Deeqday Xarumaha Dhaqan-celinta Darbi-jiifka iyo Xannaaneynta Agoomaha Hargeysa iyo Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo wakhtigan ku sugan Dalka Ingiriiska oo ay weheliso wefti madaxweynaha, ayaa hadyado kala duwan ugu deeqday xarumaha lagu xannaaneeyo Agoomaha iyo Darbi-jiifka ee magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.

Deeqdan waxa xarumaha gaadhsiiyey isla markaana ay u wakiilatay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil oo ay wehelinayaan Maayirkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyo Nasra Caaqil oo ka mid ah Xubin Haween weynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

IMG_0087Wasiir-ku-xigeenka iyo Haweenka wehelinayey waxa ay deeqda Marwada gaadhsiiyeen maanta xarumaha Xarunta xannaanaynta Darbi-jiifka Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, Xarumaha daryeelka Agoomaha ee magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Bulshada oo ku hadlaysay magaca Marwada Madaxweynaha, ayaa maamulka Xarunta Xannaanaynta Darbi-jiifka oo hoos-tagta wasaaradda Arrimaha bulshada ku wareejisay deeqda loogu talo-galay carruurta, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Xaaji Maxamed Jirde waxa had iyo jeeraale caado u ahayd inay farxadda la qaybsato farxadda Ciidda oo ay u keento wax ay ku ciidaan, markaa madaxa xarunta (Darbi-jiika Hargeysa) Farxiya, waxaan ku wareejinayaa hadyad marwada madaxweynuhu ugu talo-gashay farxadda ciidda carruurta inay kala qayb-qaadato, waxaananu jecellanahay inay maalinta farxadda ciidda wax ka tari doonto,” ayey tidhi Marwo Shukri Xariir.

DAAWO SAWIRRADA

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories