HomeMarwada Madaxweynaha oo Furtay Kulan lagu gorfeeyey Dabargoynta Gudniinka Fircooniga iyo Guurka...

Marwada Madaxweynaha oo Furtay Kulan lagu gorfeeyey Dabargoynta Gudniinka Fircooniga iyo Guurka Hablaha aan qaangaadhka ahayn

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamuud JIrde (Aamina-Waris), ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furtay Kulan-hawleed lagu lafo-guray sidii wax looga qaban lahaa Gudniinka Fircooniga iyo Guurka hablaha ka hor wakhtiga qaan-gaadhka.

almis 10Kulan-hawleedkan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Geeska, isla markaana ay gacan ka gaysteen hay’adaha UNICEF IYO UNFPA isla markaana shalay ku koobnaa, ayaa ku qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa marwada madaxweynaha ka sokow ka qayb-galay, Guddoomiyaha Jaamacadda Geeska Sheekh Almis Yaxye, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, Saraakiil ka socatay hay’adaha UNICEF iyo UNFPA iyo marti-sharaf kale.

Ugu horreyn, waxa kulanka ka hadashay marwada madaxweynaha Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina-Waris) oo mahadnaq ay u jeedisay Maamulka Jaamacadda Geeska iyo hay’adaha iska kaashaday qabsoomidda kulanka, waxaanay bulshada ugu baaqday in gebi ahaanba dhinac looga soo wada-jeesto loo dabarjari lahaa ku dhaqanka caaddooyinka Gudniinka Fircooniga ahi ka mid yahay, waxaanay soo jeedisay in dadka ku shaqaysta xirfadahan iyo bulshada wacyigelin badan loogu samayn lahaa si mustaqbalka fog loo gaadho ujeeddada laga leeyahay dabarjarista Gudniinka Fircooniga ah

Wasiir-ku-Xigeenka Shaqadda iyo Arrimahha Bulshada Marwo Shukri Xarriir Ismaaciil oo halkaas ka hadashay, ayaa sharraxday dhibaatooyinka dhinacyadda badan ee guddniinka fircoonigu u leeyahay bulshada gaar ahaan haweenka, iyada oo xustay in loo baahan yahay wacyi-gelin bulshada looga sameeyo caadadan oo ay xustay inaanay ku habboonayn Diinta Islaamka.

Waxaa iyaguna hadalo ka jeediyay masuul ka socotay ha’yadaha UNICEF oo ku dheeraatay khatarta uu leeyahay gudniinka Fircooniga ah iyo Guurka Hablaha aan qaandh-gaadhin.

Gebobadii kulanka, waxa khudbad dhinacyo badan taabnaysa ka jeediyay Guddoomiyaha Jaamacadda Geeska Sheekh Almis Yaxye X Ibraahim oo si faahfaahsan uga warramay saamaynta taban ee uu leeyahay Gudniinka fircooniga, waxaanu soo jeediyey in habka kaliya ee loo dabarjari karo dhaqankiisu ay tahay in la sameeyo kulamo wacyi-gelin ah oo lagu goobaha Waxbarashada. Sheekh Almis waxa uu caqabadaha hortaagan suulinta dhaqanka Fircooniga ku sababeeyey in bulshado aaminsan tahay inay waddamada Reer galbeedka dabada ka riixayaan qorsha lagu tirtiriyo, taas oo uu sheegay inay sababto dhibaatooyin ay bulshada kala kulmaan cidkasta oo ku tallaabsata wacyigelinta dabargoynta Gudniinka Fircooniga.

Waxa uu Sheekhu xusay in culimada Islaamka ee dunidu isku raaceen isla makaana si weyn uga soo horjeesteen Gudniinka Fircooniga. Waxa uu Sheekh Almis soo jeediyey in ka-midho-dhalinta qorshaha lagu suulinayo caadadan ay suurtoobi karto iyada oo bulshada qaybaheeda kala duwan u dhan tahay, sida culimada, ardayda, dhakhaatiirta iyo Aqoonyahanka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories