HomeMarwada Madaxweynaha oo Dhagax-dhigtay Xarun Cusub oo loo hirgelinayo Agoomaha Tog-wajaale, Makiinadaha...

Marwada Madaxweynaha oo Dhagax-dhigtay Xarun Cusub oo loo hirgelinayo Agoomaha Tog-wajaale, Makiinadaha Dharka-na ugu Deeqday Curyaamiinta Gobolka Gabiley

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Gabiley (SLpost)- Wefti balaadhan oo ay hogaaminaysay Marwada madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamuud Jirde (Amin-waris) oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarshada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige, Agaasimaha xafiiska Samafalka iyo masuuliyiinkale, ayaa maanta socdaal ku tagay gobolka Gabiley, halkaas oo ay ku dhagax-dhigeen mashaariic kala duwan.

Weftiga ayaa markii ay gaadheen magaalada Gabiley waxa ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta heer degmo iyo heer gobol, waxaana loo galbiyey degmada Togwajaale halkaas oo ku dhagax-dhigeen xarun cusub oo loo dhisayo Agoomaha ku nool magaalada Wajaale.

marwadaMunaasibaddii dhagax-dhigga dhismahan loo sameeyey, ayaa waxa ugu horeyn ka Hadley maayerka degmada Wajaale oo uga mahad celiyey marwada maxweynaha dhagax dhigga xaruntan iyo muwaadin kafaalo-qaaday dhismihiisa, waxaanu yidhi, “Maanta waxaan ku farxasanahay dhagax dhigan ay maanta inoo sameysaneyso marwadu, waxaan leeyahay muwaadinka dhisaya xaruntan Illaahay bedel khayr qaba ha kusiiyo.”

Xildhibaan Cabdilaahi Xusen Cige oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo halkaasi ka Hadley ayaa $500 ugu deeqay dhismaha xaruntaas, waxaanu u mahadceliyey marwada madaxweynaha Somaliland ee dhagax dhigtey, waxaanu yidhi “Gobolkeen waad ogtihiin mashaariicda ka socota runtii aad bay u badan yihiin, dhawaan magaalada Wajaale oo horumar ballaadhan ku talaabsatey ayaad arki doontaan, maanta waxaan halkan ugu deeqayaa dhismaha xaruntan agoomaha $500 (Shan boqol oo Doolar).”

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadashay ayaa ka dhawaajisay inay gacan buuxda ka geysan doonto hirgalinta xaruntaaasi, waxaaney tidhi, “Runtii aad baan usoo dhaweynayaa dhismaha xaruntan agoomaha ee degmada Togwajaale, waxaan maanta balan qaadayaa inaan gacan buuxda ka geysan doono xaruntan.”

marwada2Marwada maxweynaha Somaliland Aamina Maxamuud Jirde oo halkaasi ka hadashay ayaa $1,000 (Kun Dolar) ugu deeqdey dhiskmaha xarunta agoomaha ee degmada Togwajaale waxaan hadaladeedii ka mid ahaa, “Waxaan dhismaha xaruntan ugu deeqayaa $1000 oo lacag ah inshaa allaah gacan wanaagsan ayaanu ku qaban doonaa xaruntani hadduu ilaahay yidhaa.”

Dhinaca kale, Marwo Aamina Maxamuud Jirde, waxa ay isla maanta deeq makiimadaha dawaarka dharka ah ugu deeqdey Curyaamiinta kala duwan ee ku nool gudaha magaalada Gabiley, waxaana deeqdan lagu wareejiyey ururka haweenka Qaran NOW ee gobolka Gabiley.

Munaasibad lagula kala wareegay deeqdan oo lagu qabtey hoolka shirarka dawlada hoose ee degmada gabiley, ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta heer gobol iyo heer Degmo, xubnaha Weftiga Marwada, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka Hadley badhasaabka gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahin Geeddi waxaanu marwada madaxweynaha ku bogaadiyey safarkeeda ay ku timid gobolka gabiley, waxaanu yidhi, “Ku soo dhawaw gobolkaagii Marwo, runtii safarka aad naguj soo gadhay waanu kuu ognahay waanan kusoo dhaweyneynaa, qalabkan aad ugu deeqay curyamiinta magaalada Gabiley ee aad u wakiilatey ururka haweenka qaranka NOW.”

Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina-waris oo halkaasi ka hadashay ayaa ballan-qaaddey inay wixii karaankeeda ah ay la qaban doonto bulsho weynta ku dhaqan gobolka Gabiley. “Maanta waxaa halkan ku wareejinayaa makiinadaha dawaarka dharka loo isticmaalo oo casri ah oo loogu talo galey inay dadka curyamiinta ah la baro, si ay ugu adeegan karaan, waxaanan ku wareejinayaa gudoomiyaha Ururka haweenka qaranka ee gobolka Gabiley Sahra Cabdi Buuni,” ayey tidhi Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina-Waris).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories