HomeMarwada Madaxweynaha iyo Wasiirro ka dhex-toosay gunaanadka Shir ay Qabsadeen Dhalinyarada iyo...

Marwada Madaxweynaha iyo Wasiirro ka dhex-toosay gunaanadka Shir ay Qabsadeen Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Gobolka Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Marwada Madaxweynaha Somalialnd, Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde oo ay weheliyaan Wasiirrada Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wershadaha Abiib Diiriye Nuur, ayaa dhex-toosay munaasibad lagu soo af-meeray Shirka horumarinta Gobolka Gabiley oo muddo saddex maal ah ka socday magaalada Gabiley.

WasiShirkan oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey degmada Gabiley ka socday oo munaasibadda gunaanadiisa maanta lagu qabtay magaalada Gabiley, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka gobolku meel uga soo wada-jeesan lahaayeen horumarinta gobolka, iyada oo qodobbo gunaanadii laga soo saaray lagu xusay in horumarka gobolka meel sare gaadhay muddadii xukuumadda Kulmiye talada dalka haysay, loona baahan yahay sidii laysaga kaashan lahaa dhammaystirka inta ka dhiman.

Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde ka hadashey munaasibadda ka hadashay, ayaa sheegtay inay muhiim tahey sidii bulshada gobolku isaga kaashan lahayd horumarinta gobolkooda, iyada oo xustay in shacabka Gabiley Xukuumada Somaliland abaalkii ay gashadeen ee ay ku doorteen hore uga heleen, inta dhimanna ka helayaan.

Marwada Madaxweynuhu waxa ay dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Gabiley ku bogaadisay Shirka aayo-ka-tashiga horumarineed Gobolka Gabiley, waxaanay ugu baaqay inay aragti midaysan ka yeeshaan horumarinta gobolka.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwio Samsam Cabdi Aadan oo munaasibadda ka hadashay, ayaa dhankeeda xustay in Wax-qabadka iyo siyaasadda Xukuumadda ee gobolka Gabiley yihiin wax cad, iyada oo xustay inuu gobolka Gabiley ka mid yahay gobollada ugu badan wax-qabadka dhinaca waxbarashada.

Wasiirka Maaliayda Somaliland Cabdicasii Maxamed Samaale, aya si qoto dheer uga xog-warramey waxqabadyada kala duwan ee xukuumadda Somaliland ka hirgalisay gobolka Gabiley, isaga oo tusaale ugu soo qaatay dhismaha Waddada Wajaale ilaa Kalabaydh, xafiisyada Wasaaradaha Waxbarashada, Maaliyadda, Deegaanka iyo dhismayaasha Xarumo hay’adaha dawladdu leeyihiin oo wakhtigan gacanta lagu hayo. Waxaanu wasiir Samaale dhallinyarada u ballanqaadey inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan go’aamada shirka ka soo baxay.

Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Abiib Diiriye Nuur, Gudoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi (Shiine), Maayirka magaalada Gabiley Shucay Maxamed Muuse oo dhammaantood hadallo kooban ka jeediyey Madasha, ayaa ku dheeraaday muhiimadda Iskaashiga Aqoonyahanka iyo dhalinyaradu u leedahay horumarinta Gobolka, wakhtigana lagaadhey xiligii bulshada gobolka Gabiley isaga kaashan laheyd wax-qabadyada horumarineed ee gobolka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories