HomeMarwada Kowaad oo Abaalmarinno Guddoonsiiyey Xubno ku Guulaystay Barmaamijka Bandhig-hibeedka Tv-ga Qaranka...

Marwada Kowaad oo Abaalmarinno Guddoonsiiyey Xubno ku Guulaystay Barmaamijka Bandhig-hibeedka Tv-ga Qaranka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-weris), ayaa abaalmarinno muhiim ah guddoonsiiyey shan xubnood oo ku guulaystay barmaamijka Bandhig-hibeedka Somaliland oo dhawrkii bilood ee u dambeeyey ka socday Telefishanka Qaranka.

Xaflad loo sameeyey gunnaanadka iyo bixinta abaalinta Barmaamijka Bandhig-hibeedka Tv-ga Qaranka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Summer Time Green Plaze ee magaalada Hargeysa caawa  soo gelaysay, kana qaybgaleen Marwada Koowaad ee Madaxweynaha, Wasiirka iyo madaxda kale ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta, guddi aqoonyahan, waxgarad iyo xirfadlayaal reer Somaliland ah oo ka garsoorayey tartanka barmaamijkan oo ay ka qaybgaleen boqolaal qof oo dhallinyaro u badan iyo dad kale oo martiqaaday madasha, waxa halkaasi abaalmarinno qaali ah oo isugu jira qalab kala duwan iyo lacag lagu guddoonsiiyey shan xubnood oo kaalmihii ugu sarreeyey ka galay bandhig-hibeedka ay soo bandhigeen oo isugu jiray dhinacyada fanka iyo majaajilada.

????????????????????????????????????
MARWADA OO ABAALMARIN GUDDOONSIINAYSA GUULAYSTAYAASHU

Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Md. Khadar Xasan Cali Gaas oo hadal ka jeediyey xafladdaasi, ayaa ka warramay heerarkii iyo marxaladihii uu soo maray barmaamijkan Bandhig-hibeedka Somaliland oo ujeeddada ay ka lahaayeen ahayd si loo ogaado muhibooyinka kala duwan ee dadkeenna ku jira iyo inay helaan meel ay ku soo bandhigaan, isla markaana ay si wayn ugu faraxsan yihiin inuu hirgalay barmaamijkaasi oo uu si fiicanna ku dhammaado.

Maareeye Khadar waxa uu ammaanay shanta xubood ee ku guulaystay kaalmaha hore oo uu xusay inay ka soo dhex baxeen boqolaal kale oo tartan adag kula galay barmaamijkan. Waxa kaloo uu u mahadceliyey guddigii garsoorka tartankan oo muujiyey dadaal iyo dhabar-adayg badan, dhammaan madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee ka qaybqaatay hirgelinta barmaamijkan iyo cid kastoo kaalin ku lahayd.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, ayaa sheegtay in barmaamijka Bandhig-hibeedku uu muhiimad wayn u leeyahay shacabka Somaliland, iyadoo u mahadcelisay cid kastoo ka qaybqaatay hirgelintiisa, gaar ahaan guddigii dhexdhexaadinta iyo dadkii kala duwanaa ee ka qaybgalay ee soo bandhigay hibooyinka sida gaarka u siiyey. Waxaanay dhallinyarada dalka ka codsatay inay muujiyaan oo dalkooda uga faa’iideeyaan muhibooyinka Alle ku mannaystay oo aanay tahriibin.

Wasiirka Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in barmaamijkan iyo kuwa kale ee ay baahiso warbaahinta dawladdu ay ka mid yihiin waajibaadka ay u hayaan Qaranka, waxaannu yidhi, “Barnaamijkan iyo kuwa tirada badan ee iminka ka baxa Tv-ga Qaranka, Idaacadda Radio Hargeysa iyo warbaahinta kale ee dawladdu leedahay waxay dhammaan ka mid yihiin xilka iyo waajibaadka saaran Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka, waxaannu aamminsanahay in barmaamijkan iyo kuwo kale oo tiro badan oo ay u baahan tahay ummaddu, dhallinyarada iyo dalkuba waxaannu u aragnaa in waajibkaasi aannu in badana gudanay in badana ay noo hadhsan tahay.”

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-weris) oo gunnaanadkii khudbadaha xafladda soo xidhay, ayaa hambalyeysay madaxda kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta iyo dhallinyaradii faraha badnayd ee ka qaybgashay tartanka barmaamijka Bandhig-hibeedka Somaliland.

Marwadu waxay ammaanay saamayntii uu yeeshay barmaamijkan ka bixi jiray telefishanka Qaranka, waxaanay tidhi, “Anigu runtii barnaamijkan Bandhig-hibeedka aad iyo aad ayaan u xiisayn jiray oo u daawan jiray oo inkastoo uu goor dambe soo geli jiray barmaamijku waan u soo jeedi jiray, Isha Allah marka uu dib u bilaabmo ayaa hore loo soo dhigi doonaa. Barnaamijkani wuu hirgalay oo wuu guulaystay oo ummadda reer Somaliland gudo iyo dibadba runtii way u riyaaqeen. Waxaan Wasaaradda Warfaafinta ka codsanayaa inay mustaqbalka ku soo darto barnaamijka waxyaabo badan kale oo xiiso geliya dadka.”

“Waa wax aad loogu farxo in dhallinyaradeena reer Somaliland hibooyinkaa faraha badan ee Ilaahay siiyey in lagu mashquuliyo,” ayey tidhi Marwo Aamina-weris.

Ugu dambayntii, Marwo Aamina-weris waxay halkaasi abaalmariyo ka kooban lacag, hadyado qalab kala duwani ku jiraan iyo billado qof qof ugu guddoonsiisay shanta xubnood ee ku soo baxay barmaamijka Bandhig-hibeedka Somaliland, kuwaas oo kaalinta kowaad ay u gashay gabadhi.

Haddaba, magacyada shantaasi guulayste iyo noocyada abaalmarinaha ay kala mutaysteen waxay kala yihiin sidan;

  1. Nawaal Cabdirashiid Cabdi oo kaalinta koowaad ka gashay Barmaamijka Bandhig-hibeedka Somaliland, gaar ahaan qaybta heesaha, waxay ku guulaysatay qalab Kombiyuutar Laptob ah, lacag dhan shan milyan oo shillinka Somaliland ah, hadyad isku qoofallan oo ay jiraan dhawr iyo toban shay oo dhar, cadarro, saacado iyo alaabo kale ka kooban iyo billad u gaar ah oo ah calaamadda barmaamijka Bandhig-hibeedka Somaliland.
  2. Cabdiqani Maxamuud Cabdillaahi oo ku guulaystay dhinaca Majaajillada waxa uu helay abaalmarino ay ka mid yihiin kombiyuutar Labtop ah iyo lacag qadarkeedu dhan yahay saddex Milyan oo shillinka Somaliland ah, hadyad alaabta kala duwani ku jirto iyo billad.
  3. Saddaam Maxamuud Cali oo ku tartamayey qaybta heesaha waxa la siiyey abaalmarino ay ka mid yihiin telefoonka gacanta nooca loo yaqaan Smart-Phone-ka iyo lacag saddex Milyan oo shillinka Somaliland, hadyad alaab ah iyo billad.
  4. Faysal Iid Maxamed oo ka socday dhanka heesaha waxa la guddoonsiiyey abaalmarinno kala ah hadyad alaab kala duwani ku jireen iyo billad.
  5. Axmed Maxamed Axmed oo isna qaybta heesaha ahaa, waxa la siiyey hadyad alaab ah iyo billad.”
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories