HomeMarwada Koowaad oo Machadka Faafinta Diinta Islaamka ka guddoontay Dhar iyo Kabo...

Marwada Koowaad oo Machadka Faafinta Diinta Islaamka ka guddoontay Dhar iyo Kabo ay ugu Deeqeen Carruurta Xarunta Agoomaha Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 28 January, 2012 (SLpost)- Marwada Kowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-Weris), ayaa Deeq isugu jirta Dhar, Kabo iyo agab kale oo ay ka mid ahaayeen Xafaayadaha carruurta yar-yar loo xidho ka guddoontay Maxadka Faafinta Diinta Islaamka, deeqdaas oo uu ugu tala-galay Maxadku Carruurta Agoomaha ah ee lagu hayo Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.

blank

Munaasibad balladhan oo loo sameeyey wareejinta Deeqdaasi oo lagu qabtay Xarunta Agoomaha ee magaaladaHargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Marwada Kowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde,  Guddoomiyaha Machadka Faafinta Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), Masuuliyiin kale oo ka tirsan Machadkaasi, Madaxa Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada, Maamulka Xarunta Agoomaha iyo Marti Sharaf kale oo tiro badan.

blankGuddoomiyaha Machadka Faafinta Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Deeqdan ay Guddoonsiinayaan Xarunta Agoomaha ay tahay mid ay kaga qayb-qaadanayaan Machad ahaan taakulada iyo wax u qabashada Xarunta Agoomaha ee Hargeysa, isaga oo xusay inay tahay mid ILLAAHAY loogu dhowaanayo oo Carruurtana wax u taraysa. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay inaanay sidaas kaga hadhi doonin Taakulada Xarunta Agoomaha ee Hargeysa, balse ay doonayaan inay marar kale soo gaadhsiiyaan Deeqo kala duwan. Guddoomiyaha Machadka Faafinta Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), waxa uu ballan-qaaday inay sida ugu dhakhsaha badan u qalabaynayaan Hoolka ay ku cunteeyaan Carruurta Agoomaha ee ku jira xarunta agoomaha Hargeysa.

blankGuddoomiyaha Machadka Faafinta Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo ugu horrayh faahfaahinaya Machadkooda iyo waxa uu qabto waxa uu yidhi; “Waxaannu halkan ka Aaas-aasnay Machadka Faafinta Diinta Islaamka 2009-kii, waxaana hormuud ka ahaa inuu Machadkani Dalka yimaaddo Allaah ha u naxariistee Safiirkii Somaliland ee Kenya Marxuum Indha-buur, waxaanannu ka shaqaynaa sidii ay dadku uga waantoobi lahaayeen Tahriibka iyo Waalid-in-kaar-nimada, halkanna waxaannu ugu deeqnay Dhar iyo Kabo aannu ugu talo-galnay inay Carruurtu xidhaan.”

blankSheekh Cawil Faatax oo ah Madaxa Gobollada Bariga ee Machadka Faafinta Diinta Islaamka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in Carruurta Agoonta ah wax loo qabto, isaga oo ka sheekeeyey Aayadaha uu ILLAAHAY (SWT) kaga hadlay. Waxaanu ugu baaqay Ummaddu inay ka qayb-qaataan caawinta Agoonta.

blankKu-simaha Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Canab Xasan Nuur oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa uga mahad-celisay Masuuliyiinta Machadka Faafinta Islaamka ee Caawimada soo gaadhsiiyey Carruurta agoonta ah ee ay xaruntaa ku hayaan, iyada oo sheegtay inay aad muhiim ugu tahay cawimadani carruurta yar-yar ee xarunta lagu hayo, isala markaana ay aad uga farxiyeen.

Marwada Kowaad ee Madaxweynaha Somaliland  Marwo Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde oo soo geba-gebaysay munaasibaddaas ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la caawiyo Carruurta yar yare ee Agoonta ah, iyada oo aad uga mahad-celisay Masuuliyiinta Machadka Faafinta Islaamka Deeqda ay gaadhsiiyeen Xarunta Agoomaha.

blankMarwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, waxay ku dheeraatay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la caawiyo Agoonta. Marwada koowaad waxay sheegtay inay dib-u-habayn ku sameeyeen Xarunta Agoomaha. “Carruurtan yar-yari marka ay wax cunayaan waxay kala kulmi jireen dhib oo Ciidda ayey iskaga saydhi jireen, laakiin maanta si fiican ayey wax u cunaan oo waannu habaynay. Dhismayaal badan ayaa noo qorshaysan inaanu halkan ka dhisno, kuwaas oo aannu doonayno inay noqdaan meelo ay wax ku akhristaan iyo meelaha ay seexdaan oo aanu tayeyn doonno, wixii aynu Carruurtan Agoomaha tarnaana waa wax ay Carruurteenna kale iyo dalkeennaba tarnay.” Sidaa ayey tidhi Marwo Aammina-Weris.

blankCarruurta lagu xannaaneeyo xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa ayaa gunaanadkii Xafladdaa wacdaro muujiyey, isla markaana halkaasi ku soo bandhigay Heeso iyo Riwaayado xiiso badan oo baytal-qasiidkoodu ahaa ama ka hadlaya Duruufaha iyo baahiyaha haysta carruurta halkaa ku jirta. Kuwaasoo dareenka Masuuliyiinta iyo Marti-sharafkii halkaa isugu yimi wax weyn ka beddalay dareenkooda oo qiiro-geliyey sida ay xaaladda Carruurta Agoonta ah u taabanayeen heesaha iyo macjaajillada Riwaayadda ay soo bandhigeen, bandhigaas oo ay soo diyaariyeen, iskuna soo habeeyeen Kooxda Fanka iyo Suugaanta ee Xarunta Agoomaha magaalada Hargeysa, ayaa intii socdeen dadku aammus iyo eegmo ku soo dhaweeyeen.

Somaliland Post

Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories