HomeMarwada koowaad oo kormeertay Cusbitaalka Guud iyo Ka Carruurta ee Dr. Maxamed...

Marwada koowaad oo kormeertay Cusbitaalka Guud iyo Ka Carruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh‏

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa, (SLpost)- Marwada koowaad ee Madaxweynaha Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde waxay deeqo kala duwan gaadhsiisay Cusbitalka Guud ee Hargeysa iyo Dhakhtarka Caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh.DSC_0021

Hargeysa() Marwada koowaad ee Madaxweynaha ayaa maanta waxay kormeer ku soo martay Cusbitalka guud ee hargeysa gaar ahaan qaybta hooyada iyo dhalaanka, waxaanay marwadu dul istaagtay sida ay u kala culus yihiin bukaanku, iyada oo mudnaanta koowaad siisay ilma yar oo madaxa biyo kaga furan yihiin, wxaana warbiximo kala duwan ay ka dhegeysatay marwadu agaasimaha cusbitalka iyo dhakhtarada u gaarka ah ilmaha yar oo la socota xaaladiisa sheegtayna in hada xaaladiisu ka soo raynayso, balse uu u baahan yahay laba qaliin oo degdeg ah in kasta oo aanu ilmahan yari qaadi Karin laba qaliin halmar iyada oo la helo dhakhtar dibadeed mooye.DSC_0053

Waxaanay sheegin in xanuunkani uu dadka ku dhaco inta badana lagu guulaysto in laga xidho biyaha kaga furan madaxa halka kuwana marka qaliinka lagu sameeyo sida ilmahan yar oo kale ay ku sii bataan marka ay istaagto tuunbada biyaha ka soo qaada.

Marwada oo dareen hooyonimo awgii ka damqatay xaalada ilmahan yar ayaa deeq lacag ah gudoonsiisay hooyada ilmahan yar dhashay una ducaysay in alle shaafiyo ilmahan yare e sabiga ah, ka dibna waxa ay marwadu soo kormeertay guud ahaan bukaankii ku sugnaa waadhadhka, iyada oo qof qof ugu ducaysay marwadu allena uga bariday inuu ka dulqaado xanuunka oo uu ugu bedelo caafimaad sareecana.

Marwadu intii ay ku guda jirtay Cusbitalka waxa kale oo ay soo kormeertay xarunta caruurta aan ku dhalan xaalad caafimaad oo taam ah balse dedaal loo sameeyo in ilmahaasi la badbaadiyo madaama oo qofka weyn iyo ka soo dhashayba ay isku naf uun yihiin, waxaanay qaybtani shaqaynaysay muddo 3 sanno ah waxaanay hada u shaqaysa si wanaagsan oo shacbigu ka mahad sheegtay laguna daweeyey caruur tiro badan oo markii hore ku sugnaa xaalad adag iyada oo sida ay sheegeen kallaaliyeyaashii ku sugnaa xaruntani ay sheegen in aanay jirin qalab ay ku shaqeeyaan oo lagu daryeelo looguna gurmado caruurtan, marmarna ay dhacdayba in ilmihii oo nool la iska duubo oo la yidhaahdo kolay way ka baxaysaaye ee inaga dhiga balse taa bedelkeedii waxa aanu ku bedelnay dedaal dheeriya oo wasaarada caafimaadka iyo xukuumadu ay sameeyen awgeed sida hada idiin muuqataba aanu caruurta ku daryeelo kuna baxnaanino qalabkan aad u jeedaan ee ilmahan yari saaran yahay isaga oo shalay dhashay xaaladiisuna ay maanta ka fiican tahay kana soo raysay sidii hore, iyaga oo u mahad celiyey wasiirka iyo agaasimaha cusbitalka guud iyo marwada koowaad oo iyadu marwalba ka war haysa soona kormeerta xaalada caruurta.DSC_0057

Ugu danbayna marwadu waxa ay maamulka cusbitalka ku wareejisay xoolo nool oo ay ugu talo gashay in maalinta ciida hadii alle qadaro loo qalo bukaanka, waxaana kala wareegay oo uga mahadnaqay marwada deeqdan xoolaha ah agaasimaha guud ee cusbitalka Dr. Axmed Cumar Askar.

Sidoo kale waxay marwadu kormeer iyo deeq xoolo ah gaadhsiisay Cusbitalka Caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh iyada oo marwadu soo kormeertay Caruurta ku sugan cusbitalka ee xanuunada u jiifa waadhadhka waxaana marwada war bixin ka siiyey dhakhaatiirta caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo isugu jira ajaanib iyo muwaadiniin, waxaanay marwadu caruurta mid mid u soo martay uguna ducaysay in alle shaafiyo kana dulqaado xanuunkanada.

 

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0070 DSC_0084

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories