HomeMarwada Koowaad Oo Deeq Gaadhsiisay Agoomaha Gabiley

Marwada Koowaad Oo Deeq Gaadhsiisay Agoomaha Gabiley

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Gabiley, (SLpost)- Marwada koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, waxay shalay deeq isugu jirta xoolo nool, raashin, Sharaab, Buskud iyo agab kala duwan gaadhsiisay Xarunta agoomaha ee Gabiley, iyada oo marwadu muddo 5 sanno ahba bishan baraysan ee Ramadaan gaar ahaan maalmaha ciidu soo dhawdahay ka farxisa caruurtu agoomaha ah.DSC_0001

Waxa halkaasi markii weftiga marwadu gaadheen ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka gabiley Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”, gudoomiye ku xigeenka gobolka, Maayir ku xigeenka ahna ku simaha maayarka gabiley, sulaadiin iyo masuuliyiin kala duwan.

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadashay maamo Safiya Aw Aadan Meecaad oo ah hooyada xarunta agoomaha maamulaha ka ah, iyada oo ka war bixisay xaalada xaruurta kuna soo dhawaysay marwada xarunta, sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay gudoomiye mustafe shiine oo warbixin dheer ka siiyey marwada xaalada gobolka iyo ta xarunta agoomaha oo uu isagu xil gaara iska saaro kana war hayo.

Sidoo kale Suldaan Ibraahim Jamac Samatar oo ku hadlaayey afka Sulaadiinta gobolka ayaa marwada iyo xukuumada uga mahadnaqay sida qiimaha badan ee ay mudadaa shanta sano ah isaga xilsaartay daryeelka iyo ka warhaynta caruurta ka gobol ahaana ay abaal ugu hayaan xukuuumada iyo marwadaba.

marwo samsam cabdi aadan oo iyadu marwada ku wehelinaysay safarka gabiley, ayaa waxay ku dheeraatay xaalada caruurta agoonta ah iyo sida alle qur’aankiisa inoogu sheegay qofka barbar istaaga ama wax tara agoonta qiimaha uu leeyahay iyo ajarka uu helaayo, waxaanay baaq u dirtay cid kasta oo awooda inay caawiyaan kana war hayaan agoomaha dalka meel ay joogaanba, waxaanay hadalka ku soo dhawaysay Marwada qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo hadaladeeda ay ka mid ahaayeen

“Sharaf weyn ayey ii tahay inaan maanta halkan imaado inaan guud ahaan Gobolka Gabiley imaado had iyo jeer waan ku farxaa waa Gobolkaygii , waa Gobol muhiima oo sidii hore loo sheegay Jamhuuriyada Somaliland baal dahaba kaga jira waa Gobol Dawladanina ay si khaasa u tix geliso oo u ixtiraamto abaal badan ugu hayso , hawshan halkan  ay Safiya iyo kooxdan la shaqaysaa  waanu u mahad celinaynaa si fiican bay u hayaan Caruurtan yar yar ee waalidkood illaahay ka qaaday, masuuliyadu keligood ma saarna ee kuligeen bay ina wada saaran tahay Agoomaheena iyo danyarteena kuwii garta inaan wixii aan u tari karno u tara ilaahay haynaga dhigo, Safiya iyo kooxda la shaqaysa ilaa Badhasaabka ilaa Dawlada hoose Maayirka, Maayir ku xigeenka Ciidamada amniga ee la shaqeeya had iyo jeerna garab taagana waan u mahad celinaynaa, illaahay haydinka jazaai siiyo hawshaa aad haysaan oo miisaanka xasanaadka haydinku daro baanu leenahay”

Marwo Aamina waris oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi markale “ Dalkeena isku duubnidaynu wax ku nahay Danytarteena u naxariisdoodaynu ku mid nahay, Annagu Hargeysa markaanu imika joogno waa laga yaabaa Gobolada shishe inaanan gaadh-gaadhin oo sidaa cagtu aanay  ugu badnayn laakiin qalbigayaga marnaba kama maqna  hay’addo badan oo samafala dawlaha hoose ee halkaa jooga wixii ay gaadhsiin karaan agoomuhu meelay joogaanba way gaadhsiiyaan laakiin kolayba annagu intii aanu gaadhi karno intii aanu wax u tari karno sidii aanu wax ugu heli karnaba waa waajib na saaran oo aan cidi naga baryeyn illaahay hanoo fududeeyo dalkeenana illaahay haynoo barakeeyo Nabad gelyadeenaan illaahay haynoo adkeeyo aad iyo aad baad u mahadsan tihiin intiina halkan maanta isugu wada timi ee nagala soo qeyb gashay farxada iyo salaanta aanu ugu nimi maalintan Barakaysan 27-kii bishii Barakaysnayd ee Ramadaan aanu caruurta kusoo salaanay aanu ugu nimi dhiiri gelin yar iyo inaan nidhaahno waanu idinla soconaa waanu idin ognahay inaad joogtaan waanu idiin maqanahay hayaraato ama ha badnaatee wixii awoodo marwalba haday  dawlada hoose tahay iyo haday dawlada dhexe tahay iyo haday shacbiga reer  Somaliland  wixii sadaqad la baxaya tahay wixii laydiin heli karo laydinkama hagranaayo waanu ognahay inaad wax badan u baahan tihiin insha allaah bidmilaahi kariim sidii loo dabooli karo ee awoodu inoo saamaxdo uunbaa  laydinku dabooli doonaa , Idinkana waxaanu idinka codsanaynaa edeb iyo akhlaaq dedaal iyo waxbarasho waayo mustaqbalkii dalkan baad tihiin caruurta halkan kasoo baxday waa dadka aynu ku tashanayno inay hadhowto   dalkeena hore usii mariyaan  illaahay hala qabto dadka gacanta ku hayana hala qabto”.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories