HomeMarwada Koowaad Oo Carruurta Agoomaha Ee Hargeysa Ugu Deeqday Sharaab Iyo Buskud...

Marwada Koowaad Oo Carruurta Agoomaha Ee Hargeysa Ugu Deeqday Sharaab Iyo Buskud Farxadda Ciidda Awgeed

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Marwada koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa Xarunta Agoomaha ee Hargeysa gaadhsiisay sharaab iyo Buskud ay ugu talo gashay, sidii caadada u ahayd ee ay horeba ugu taakulayn jirtay maalmaha ciida Caruurtaasi yar-yar inay ku ciidaan.DSC_0012

Marwada oo ka hadashay guddoonsiintaasna waxay tidhi, “Xarunta Agoomaha ee Hargeysa caruurta ku jirta shaqaalaha ka shaqeeya martida kale halkan joogta Saxaafada halkan joogta kuligiin waan idin wada salaamayaa ciid mubaarik, Ramadan kariim ilaahay khayrkii ramadantana hayna siiyo ciidana haynooga dhigo midaynu ku faraxno oo ku faakahaysano oo nabad gelyo iyo wanaag inoogu dhacda.

intaa ka bacdi hadal dhaadheeri ma jiro waa intii caadiga ahayd ee maalinta ciida caruurta aanu soo booqan jirnay sharaabkooda nacnaca iyo buskudka ay ku ciidaan aanu u keenaynay uun baan maantana u imi, Alxamdulilaah rabil caalamiin markaan imaadaba halkan farxad baan kala tagaa sababtoo ay tahay sidii markii hore ay ahayd iyo siday haatan tahay ee lasoo gaadhsiiyey ayaa waxaa u dhaxeeya runtii faraq weyn, aad iyo aad waxaan ugu mahad naqayaa shaqaalaha halkan ka shaqeeya Caasha Maxamuud Qaalib iyo inta kale la shaqaysa oo dhan ee Standard-kaa  soo gaadhsiisay,DSC_0019

waxaan kaloo u mahad naqayaa Aamina   oo imika  Caashoo dano gaara u yara tagtay dalka ingiriiska intii maqnayd iyana u wehel yeeshay kartida leh ee halkan jooga caawimo la barbar taagnayd oo  Voluntary oon lacag ka qaadan mushahar ka qaadan, Xaruntan runtii usoo dedaashay oo usoo shaqaysay 24- saacadood heegan u ah aad iyo aad baan Aamina Faarax Jirena ugu mahad naqayaa een Caashana illaahay hasoo nabad geliyo iyadoo caafimaad qabta haynoo timaado”

Marwada Madaxweynaha ayaa tidhi markale. “ Intaa ka bacdi xaruntan waa tuu imika inanka ku simuhu Saxardiid Muxumed Jaamac inooga sheekeeyey meel dheer bay soo gaadhay, waxaanu sugnay dhulkii xarunta Agoomuhu lahaayeen  waxoogaa yar baa hadaan danbiga iska dhawro hada ka maqan intaana dedaal farabadan baanu ugu jirnaa inaanu sugno,  way dhantahay xaruntaasi markaa  waxay noqonaysaa xarun aad iyo aad u qurux badan oo caruurta waxay baahiyo leeyihiin oo dhan dabooli karta, Aqaladan cusub ee la dhisayo caruurtu way ku kala faakihaysanaysaa kuwa yaryari meel gooniyey lahaanayaan kuwa dhexe meel gooniyey lahaanayaan kuwa roon roonina meel gooniya ayey lahaanayaan,DSC_0029

siduu imika Agaasime ku xigeenku inoo sheegay daryeelka halkan ka socdaa waxay  Staff ku dedaalaan anana intii itaalkayagaa aanu ku caawinaa inay caruurta guryaa jooga ee aabaha iyo hooyada lehi waxay helaan iyaguna halkan ka heli karaan, aad iyo aad baa ugu mahad naqayaa ama shakhsi ha ahaato ama Hay’add sida SOS oo kale ha ahaato Camuud Foundation ha ahaato Al-Nuur ah ahaato wax alla wixii xaruntan caawiya ee wax u keena Salaanta caawimo ah”.

Marwo Aamina Waris oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi “ Caruurta qofka galab soo bariidiya halkaa kubada la yara laadaa waxbuu u taray qofka madaxa u salaaxaa waxbuu u taray, qofka kuwa yar yar ee Baby-gaa ee suuqa laga soo qaado intuu tago is dul taago hablaha iyo dadka haya yidhaahda Jazaalakum kheyr  ku yidhaahda waxbuu u taray markaa caruurtuna waa inaga wada dhaxaysaa cid gooniyi malaha waa caruurteenii waa mustaqbalkeenii waa kuwii dalkan insha allaahu bidmilaahi kariim u adeegi lahaa ee wax u noqon lahaa waxtarka u noqon lahaa markaa waajib baa kuligeen inaga wada saaran, waxaan ilaahay ka baryayaa inuu inoo sakhiro, inagana illaahay inoo sakhiro oo ay noqdaan caruur edeb leh akhlaaq leh oo dalkooda iyo diintooda iyo dadnimadoodaba wax u taransan kara,.

markay SOS oo kale gelayaan iskuulada dawladaba gelayaan Jaamacadaha qaar baa ku jira shalay Gabiley markaan tagay ilaa Jigjiga qaarbaa ku jira oo ka baxay markaa  caruurta Opportunity-ga marka la siiyo  Illaahaybaa og waxay noqonayaan ka u sareeyaa ka uu dhalay iyo kaa aynu halkan ku korinay ka dalkan anfacaaya ee wax u taraaya illaahay baa og markaa waa inaynu fursad siino caruurtu wixii aan iyagu fursadii waalidku u hayey illaahay ka qaaday, illaahay inama kala jecela midna wuu ka qaaday midna wuu u daayey mid uu u shaqo tegayoo raashinkuu usoo diyaariyaa midna wuu ka dilay kuwuu ka dilay inteena kalaa masuul ka ah waa inaynu xil iskawada saarno haday tarbiyadooda tahay haday dhaqaalahooda tahay haday wax u tarkooda tahay qof waliba u qaato inay masuuliyadi ka saaran tahay  aad iyo aadna waad u wada mahadsan tihiin Especially Shaqaalahaan aad ugu mahad naqayaa haday Askarta ciidanka ee ilaalisa  halkan nabad gelyada  sugta, haday tahay caruurta yara roon roon ee kuwa kale ka yar yar u naxa ee ilaaliya waan u mahad naqayaa shaqaalaha waan u mahad naqayaa idinkiinan saxaafada ee maanta wanaaga halkan ka socda u yimi inaad idinkuna ka qeyb qaadataan waan u mahad naqayaa aad iyo aad baad u mahadsan tihiin.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories