HomeMarwada koowaad Amina Weris Sheekh Maxamed Jirde maxaa loogu doortay Wakiilka CARMMA?...

Marwada koowaad Amina Weris Sheekh Maxamed Jirde maxaa loogu doortay Wakiilka CARMMA? muxuuse CARMMA yahay?

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

marwada

Haween weynaha Somaliland oo nasiib u yeeshay in Marwada qaranku u noqoto Wakiilka la dagaalkan Dhimashada ama Umul raaca hooyada iyo dhalaanka (Iyadoo Geeridu ay xaqtahay).

 

Badiba waxa dalkeena ka jira oo muddo soo jiitamaysay soona taxnayd rafaadka iyo dhibaatada ay hooyada uurka lihi la kulanto wakhtiga dhalmada, iyadoo ay badanaaba dhacdo in hooyooyinka ku dhaqan dhulka miyigu ay yihiin kuwa ugu jilicsan ee ay la soo deristo dhibaatadaasi.

hadaba waxa dhawaan hay’adda UNFPA ay (Goodwill Ambassador) wakiil buuxa u dooratay marwada qaranka Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde inay noqoto qofka koowaad ee xil iska saarta inay haween weynaha Somaliland u hogaamiso sidii looga hortegi lahaa ee loo yarayn lahaa dhibta ay haweenkeenu la kulmaan wakhtigada adag ee ay ku jiraan dhalmada ha joogeen miyi ama magaalabee.

iyadoo ay geeridu xaq tahay hadana waxa lagama maarmaan ah in aynu ka faaiidaysano wakhtigan la joogo nabadgelyada, wadooyinka isku xidha Tuulo, Degmo, Magaalo iyo Gobolba inaga oo haysana gaadiid la odhan karo hada waxa uu marayaa halkii ugu saraysay dalka oo waxaabu bedelay xoolihii iyo dhismayaashii marka tiradooda la eegayo.

inagoo ka duulayna taasi waxa marag ma doon noqotay in weli haweenkeenu dayacan yihiin oo laga yaabo in magaalada dhexdeeda sida ka soo baxday daraasado la sameeyey ay ugu geeriyoodaan arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin dhiig bax, dedaal la’aan xil kasnimo loo nisbeeyo wakhtiyada qaliinka oo lala sugo saxeexa raga qaba haweenka ama la waayo meel lagala xidhiidho dhakhaatiirtuna ay u baajiyaan si ay eeda isaga duwaan madaamo masuulkii la waayey.

hadaba waxa dhawaan magaalada hargeysa lagu qabtay barmaamij loogu magacdaray CARMMA oo loo soo gaabiyey la dagaalanka dhimashada hooyada iyo dhalaanka wakhtiga foosha walow ay geeridu xaqtahay.

kaas oo loo doortay inay hogaamiso ama gadhwadeen ka noqoto marwada koowaad ee madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde, guud ahaan dalalka Afrika hore looga hirgeliyey barmaamijkan loona doortay haweenka kaalmaha hore kaga jira horumarka bulshada ha noqdeen wasiiro ama marwooyin madaxweyneyaal u dhaxaye.

wakhigana waxa loo doortay inuu noqdo wakhti lagula tacaalo laguna cidhibtiro ama lagu yareeyo xaaladaa qalafsan ee sababta dhimashada hooyada iyo dhalaanka waana mida keentay in marwo amina weris loogu doorto hogaaminta barmaamijkan.

Hadaba marwada oo arrintaa culayskeeda dareensan ayaa shacbiga iyo saxaafada ka dalbatay in si wada jira loogala shaqeeyo oo la gaadhsiiyo goobaha ka fog wacyigelinta ama cidii awood u leh inay shacbiga dardar geliso ay barmaamijkooda ku darsadaan qayb ka mida wacyigelinta hooyada iyo dhalaanka lagu badbaadinaayo illaahay ayaa wax badbaadiyee.

 

By: Naasir Yuusuf Daahir

Hargeysa/Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories