HomeMarkuu Hoggaanku Asqoobo, Bulshaduna Way Wajaqdaa - Qalinkii Cabdiraxmaan Cadami

Markuu Hoggaanku Asqoobo, Bulshaduna Way Wajaqdaa – Qalinkii Cabdiraxmaan Cadami

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cabdiraxmaan-Cadami-300x268Muddo sideetan sannadood ah Somaliland waxa xukumayay boqortooyadii Ingiriiska. Horumarka dalka iyo in bulshada loo adeego waxa mudnaanta ka lahaa danaha boqortooyadu ka leedahay Somaliland sidaa daraadeed bulshadu umay arkayn maamul iyaga ka wakiil ah. Gobanimadii iyo israacii Soomaaliya ka dib dawladihii rayidka ahaa Somaliland umay dhaamin gumaysigii Ingiriiska, saraakiishii caddaanka ahaana waxa u bedelay qaar madaw sidaa awgeed iyaguna may noqon dawladdii dadka Somaliland sugayay.

Axmed Ismaaciil (Qaasim) waa kii lahaa: “ Isma doorin gaalkaan diray iyo daarta kii galay.” Waxa ka dambeeyay rajiimkii dhiigya cabka oo dulmigii Somaliland tirsanaysay waliba ugu sii daray xabad iyo xasuuq xataa waxa lagu tilmaamay in ay yihiin Yuhuud ku dheeraad ah gobolka sidaa daraadeed dadweynaha Somaliland taariikhda marnaba may arag dawlad iyaga la dareen ah.

Si kastaba ha ahaatee cadaadiskii iyo dulmigii isbiirsaday wuxuu horseeday gadood ama kacaan dadweyne si looga xoroobo gumaysiga Xamar. Markan Maxamed Ibraahin (Hadraawi) waa kii lahaa: “Hargaysi ma toostay, harqoodka ma tuurtay, waxay hibanaysay hagaag ma u sheegtay.” In kasta oo dhibaatada dadka soo gaadhay la koobi Karin, waxa la gaadhay guushii waxaana si xun loo jabiyay digtaytarkii kibray iyo ciidamadiisii isla wayna.

Somaliland mar kale waxay noqotay dal xor ah hase ahaatee Madaxweynihii u horeeyay Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali ma helin fursad uu maamul ku dhiso duruufihii adkaa ee wakhtiga jiray awgood, Madaxweynihii labaad Marxuum Cigaal waxa u suurta gashay dhammaystirka dhismaha hay’addaha dawladda iyo ciidamada, wuxuu diyaariyay distoorka dalka iyo aftidii dadweynaha.

Madaxweynihii saddexaad Md Daahir Riyaale wuxuu sii amba qaaday geedi socodkii dhismaha Qaranimada, waxaana si gaar ah taariikhdu u xusi doonta doorkiisii hirgelinta dimuqraaddiyadda iyo dhismihii cududda ciidanka Qaranka. Waxa uu ka tagay dal iyo dad midaysan rajaduna aad u sarayso.

Si kastaba ha ahaatee waxa la doortay Madaxweynihii afraad Md Axmed Siilaanyo oo laga filayay in uu ka sii fiicnaan karo Madaxweyneyaashii ka horeeyay ee iyagu ku beegmay wakhtiyo adag laakiin ma noqon sidii la moodaayay. Muddadii uu talada hayay Somaliland waxa ku yimid dib u dhac weyn. xukumaddiisu waxay dhiiri gelisay qabyaaladdii oo meel xun inala maraysa, Madaxweynuhu wuxuu wasiirradiisa iyo xubno qoyskiisa ka mid ah u fasaxay in ay siday doonan ugu tagri falaan hantidii umadda, xukumaddiisu waxay masuul ka tahay sixir bararka iyo in danyartu bakhtido, Maamulkiisu wuxuu xagal daaciyay xawligii geedigii dimuqraadiyadda, waxa hoos u dhacay sumcaddii Somaliland ku lahayd beesha caalamka ee ay hore u kasbatay, waxa la galay heshiisyo sir ah oo ummadda laga qariyay. Hammi iyo higsad la’aanta, musuqa iyo maamul xumida waxa bulshada kaga daran oo lagu jaahwareeray is tabcaynta iyo hadallada is burinaya ee Madaxda Dawladda.

Haddaba Akhriste markuu hoggaanku asqoobo maxaad ka fili karta bulshadii la hoggaaminayay? Dabcan iyaguna waa in ay wajaqmaan. Tusaale kooban: xasharaadka qaar ka mid ah marka ay meel ka guurayaan waxa hor gala mid iyaga ka mid ah oo malaha Madaxweynahooda ah, haddii uu dayoobo ama carqalad kale uu la kulmo hore uma socdaan dibna uma noqdaan, Goobtii ayuun bay isku meeraystaan. Sidaas oo kale waxa ka dhigan shicibka Somaliland oo markii hoggaankoodi dhinacna u wadi waayay bilaabay in ay iska daba wareegan. Waxay talo iyo miciin moodeen shir beeleedyo lagu sheegayo in reerku ama reeruhu aayahooda kaga tashanayaan. Haddaba tolow yaa u sheega in bulshada Somaliland dooni qudha dusheeda wada saaran tahay, masiirkooduna mid yahay. Maxaad se ula yaabi waxa ku dhacay anfariir iyo u qaadan waa (shock) waayo marnaba may filayn in madaxdii ay doorteen iyo inamadoodii ka caddaalad xumaadan ama ka musuqmaasuq bataan kuwii shalay dalka laga xoreeyay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories